Ciidamada Kenya oo hor joogsaday ciidamo katirsanaa dowladda Somalia oo ku socday magaalada KismaayoCiidamada Kenya ayaa dib u celiyay ciidamo ka tirsanaa dowladda Somalia uu horkacaayo Taliye Axmed Sheekh Maxamuud oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo xili ay kasoo baxeen deegaanka Garileey ee Gobolka Gedo.
Taliyaha watay ciidamada ku wajahnaa magaalada Kismaayo oo ay joojiyeen ciidamada Kenya ayaa uga warbixiyay warbaahinta sababaha xiligaan keentay iney kasoo dhaqaaqaan gobolka Gedo islamar ahaantaasina ay ku socdaalaan magaalada Kismaayo oo ay ka aloosan yihiin dagaalo u dhexeeya Ciidamada Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraale
wuxuuna taliyaha sheegay in isaga amaro uu soo saaray Gen:Cabaas uu ku socdaalay kadibna ay hor joogsadeen ciidamada Kenya oo usheegay hadii ay dhaqaaqaan in cirka iyo dhulka laga rusheen doono.
Taliyaha oo laga weediiyay dhowr su’aaladood sababaha ka danbeeysa in iyadoo ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo ciidamo ay dowladda leedahay ay iyagu si amar deg deg ah ku wajahaan magaalada Kismaayo oo ay isku haystaan labo ciidamo dagaalamaya ?
Taliyaha ayaa qiray in magaalada Kismayo ay ugu socdeen howl gal ka dhan ah ciidamada Axmed Madoobe oo uu ku sheegay iney yihiin kuwo laga keenay gobolada ismaamulka Kenya iyo ONLF oo wada socda iney dhibaato ku hayaan magaalada Kismaayo, Taliye Axmed Sheekh Maxamuud iyo ciidamadiisa ayaa iminka ku sugan deegaano u dhow gobolka Gedo.
Ciidamada Kenya ayaa dhankooda wax war ah kasoo saarin maadama ay joojiyeen ciidamo katirsanaa dowladda Somalia iyagoo ku labisnaa dareeska dowladda xili ay ku wajahnaa magaalada Kismaayo.
Warar hoose ayaa waxa ay sheegaayaan in ciidamada ay joojiyeen Kenya ee kasoo baxay Gobolka Gedo ay ahaayeen kuwo iyagu watay qorshe gurmad ah oo doonayay iney garab istaagaan ciidamada Coll: Barre Hiiraale
Short URL:
http://www.kalshaalenews.com/?p=25586