Garowe(Puntlandi.com):- iyadoo maalmahan ardayda deegaanada Puntland ay aad u sugayeen natiijada Imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee Sanadkan ayaa wasaarada Waxbarashada ee Puntland manta waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday Natiijadaasi.
Kulan manta ka dhacay xarunta Wasaarada Waxbarashada puntland ee Magaalada Garowe oo ay goobjoog ahaayeen Masuuliyiinta Waxbarashada ee gobollada iyo degmooyinka Puntland ayaa Wasaaradu waxay ku shaacisay Natiijada imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Sanad Dugsiyeedkan 2012-2013-ka ay ka qaaday Adayda Puntland.
Jaamac yaasiin wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ugu horayn hadalka jeediyay ayaa shaaciyay Natiijada rasmiga ah ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanad dugsiyeedkan wuxuuna tilmaamay in sanad dugsiyeedkan ay ardayda iyo Dugsiyaduba soo hoyeen guul muuqata oo hididiilo mustaqbal leh.
Wasiir ku xigeenka oo sharaxaad ka bixinayay Imtixaankan sida uu u dhacay, Tirada Ardayda u fariisatay iyo Natiijada ay ardaydu heleen ayaa yiri “Ardayda Nasiib wanaag Imtixaanka u Fariistay waxay noqotay 2316 arday, 39 arday ayaan nasiib u helin in ay imtixaanka fariistaan oo loo diyaariyay Imtixaankoodii, Imtixaanka guud ahaan waxaa ku baasay 2,199 arday, Baasida gabdhugu waa 613 arday, Baasida Wiilashuna waa 1,586 arday, Ardayda Imtixaanka ku dhacday wiilashu waa 84 aday, Gabdhuhuna 33 arday guud ahaan Ardayda Imtixaanka ku dhacdayna waa 117 Arday”.
Wasiirka oo hadalka sii wata ayaa yiri “Ardayda A-da keentay Puntland guud ahaan 308 arday B waxaa keenay 607 arday C-na waxaa 825 arday D waxaa keenay 459 arday E waxaa keenay 117 arday 39 Ardayna nasiib uma yeelan in ay imtixaanka fariistaan”
wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland Jaamac Yaasiin wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay Tobanka arday ee Nasiibka u yeeshay in ay kaalinta ugu horaysa ka galaan Imtixaankan kuwaas oo kala ah:-
C/risaaq Maxamed Xaaji Yuusuf oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee IMAAMU-SHAAFICI Bosaso oo keenay A 91.71 %
Haaruun Daahir Cumar Ciise oo u fariistay GAMBOOL Secondary School Garowe oo keenay A 91.36 %
Axmed Maxamed Cali Guuleed oo u fariistay UGAAS YAASIIN Secondary Boosaaso oo keenay A 91.21 %
Yaxye Maxamed Maxamuud oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee ALWAAXA Secondary School Garowe oo keenay A 90.43 %.
Imaaciil Kaato Maxamed Yuusuf oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee NAJAX School Boosaso A 90.36 %
Saciid C/ladiif Faarac Maxamuud oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee GAMBOOL Secondary Garowe oo keenay A 90.14 %
Xanaan Claahi Maxamed Maxamuud oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee GAMBOOL oo keenay A 89 %
C/laahi Cali C/laahi Maxamed oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee SHEIKH CISMAAN Secondary Qardho oo keenay A 89 %
Maxamuud Jaamac C/risaaq Maxamed oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare ee BOOSAASO Secondary oo keenay A 88.36 %
Ismaaciil Siciid Faarac Xirsi Secondary AL-FURQAAN Secondary School Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo keenay A 88.14 %
Natiijadani oo ahayd mid aad looga sugayay dhamaan gobollada Puntland ayaa shaacinteedu waxay ku soo aaday xilli ay Fasax ku jiraan Dugsiyada Waxbarashada ee Puntland.
Puntlandi.com
Masha Allah ilahay garab ha siiyo in their next chapter Amiin. I heard Gambool High school Garowe got the first place crown tho and took down Omar Samatar high School Galkacyo. Omar Samatar has been the top high school in Puntland the last few years.
Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday Natijada Im
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday Natijad
is good to see a student from sanaag to be part of best 10 students in all 8 PL gobols 
Re: Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday Natijad
Bosaso and Garowe did really good. Galkacyo students need to the hit the books. Omar Samatar is one of the best high schools in all of Puntland.FBISOMALIA wrote:is good to see a student from sanaag to be part of best 10 students in all 8 PL gobols
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday Natijad
Not anymore alnawawe is the bestHorseedS wrote:Bosaso and Garowe did really good. Galkacyo students need to the hit the books. Omar Samatar is one of the best high schools in all of Puntland.FBISOMALIA wrote:is good to see a student from sanaag to be part of best 10 students in all 8 PL gobols
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 361 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 345 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 576 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 637 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 14 Replies
- 880 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 415 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 429 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 500 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 378 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 379 Views
-
Last post by FBISOMALIA
