الخشوع في الصلاة

Fahamka Diinta Islaamka

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

الخشوع في الصلاة

Post by Maandhow »

Suaal muhiim ah sheikh mohamed mukhtar shanqiiti la waydiiyey oo ku saabsan wax yaalaha salaada
qushuuceeda kugu suurta gelinaaya

1 mida koowaad waxuu dhahay inaad ducada badsatid in uu Allah kaa yeelo kuwa qaashiciinta ah.
waxaad ku ducaysataa sidaan Ilaahow waxaan ku waydiisanaayaa qalbi qashuuc ah( Allaahuma inii as-aluka qalban qaashican)
waxaadna ka magan gashaa qalbi aan qashuucin sida nebigeena csw ugu nabad galay; waxuu dhahay rasuulkeena csw Ilaahow waxaan kaa magan gelaa qalbi aan qushuucin,indho aan ilmeen, ducaa aan la aqbalin iyo naf aan dhergin. Ilaahow afartaas aan kaa magangalay.

2 Inaad Ilaah weyneentiisa aad ku fikirtid nimcooyinka iyo fadliga uu ku siiyey, sida subaxii markii aad soo kacdit indhaha aad wax ku aragtid, hawada aad qaadanaysid, dhulkaan aad ku soconaysid iwm; yaa nimcooyinkaas oo dhan ku siiyey?

Rabigaaga ku abuuray inaad jaahil ka tahay soo dhibaato ma aha? Haddii aad Ilaah ku fikirtid baab uu kuu furaa, waana ku qushuucee weyneentiisa waana u hogaansamee. maxaa ka wanaagsan qulbiyaal ay ka buuxaan tawxiid, imaan iyo weynaan Rabi. soo ma ogid salaadaan aad dukanaysid inay nimco tahay? nimcadaas yaa kugu hanuuniyey in Ilaah aad hor-istaagtid, rasuul kusoo diray, kitaab kusoo dejiyey? nimcooyinkaas waxaa ogaanee markii aad ogaatid dad badan oo geed iyo dhagax waxba anfacayn caabudayaan.

3 Marka aad u tukatid salaada u duko in ay tahay salaadaan midii ugu danbeeysa oo Rabigaaga la kulmaysid oo kale.
sheikha waxuu yiri dumar dadkii hore kamid ahaay ayaa waxay soontay 40 sanno oo isku xigta.
markii la waydiiyey sidee 40 sanno oo dhan u soontay? waxay tiri maalin kasta waxaan is dhahaayey noloshaada maanta ayaa kugu danbeeysa ee soon si adigoo sooman Ilaah ula kulan tid.
Ilaah ayaa cimrigeeda barakeeye ilaa 40 sanno isku xigto sidaas ku soontay(PS diinteena ma ogola soon sannad isku xiriir ah. Alxamdulilaah).

4 inaad ogaatid wax yaalaha salaada kaa mashquulinaaya oo waswaas kaa gelinaaya sida sheydaanka oo kale, ka taxadirnaatid si aad iskaaga waardiyeeysid, taas waxay kuu keenaysaa dhawaansho Ilaahay xaggiisa iyo imaan. Qofkii Ilaahay indhihiisa nuuriyo qalbigiisana imaan ka buuxiya sheydaan waxba kama qaadi karo.

Ilaahey salaadeena ha inoo toosiyo, sababtoo ah aduun iyo aakhiraba wanaageeda waxay ku xiran tahay salaadeena oo toosta.


Return to “Islam - Understanding Islam”