KENYA FORCES ARE LOOTING WESTGATE shops!!!!!!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
anzeloti
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3246
Joined: Sat Jul 20, 2013 1:23 pm
Location: Lagu xanto lagu xasuusto aa ka horeyso

KENYA FORCES ARE LOOTING WESTGATE shops!!!!!!

Post by anzeloti »

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada milateriga Kenya ay dhac ku bilaabeen wixii ka badbaaday hantidii tiilay xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi iyagoo ka faaiideysanaya dayaca iyo degenaansho la’aanta goobta ka jirtay afartii cisho ee la soo dhaafay.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo magaalada Nairobi ciidamada Kenya ayaa gudaha xaruntaas ka wada boob ay kula kacayaan dukaamada iyo xarumaha ganacsi ee halkaas ku yaala, iyagoo qaadanaya waxyaabo ay ka mid yihiin dahab, dheeman, lacag fara badan oo cadaan ah iyo waxyaabo kale oo qaali ah sida Moobelada casriga ah.

Xarunta Westgate ayaa maalintii sabtidii markii ay galeen xoogaga Al-Shabaab laga kala cararay iyadoo dukaamadii goobtaasi ku yiilay ay albaabada u balaqan yihiin, waxaana qof walba oo halkaas ku jiray uu la baxsaday naftiisa intii ay fursadu u saamaxday.

Waxaa xaruntaas tiilay hanti malaayiin dollar gaareysa oo inteeda badan ay lahaayeen ganacsto shisheeye oo u badan kuwo Israailiyiin ah oo degan dalka Kenya, waxaana ka dukaameysan jiray jiray dadka ladan ee kenyanka ah iyo kuwo shisheeye ee dalkaas ku nool.

Rasaas goos goos ah oo xaruntaas ka dhaceysa mararka qaarkood ayaa waxaa la sheegay iney ridayaan ciidamada Kenya si loogu maleeyo in meesha ay weli wax ka jiraan, howlahooda boobkana u sii wataan.

Qeybo ka mid ah saqaafyada dhismaha Westgate ayaa la sheegay inuu gudaha ka soo dumay hubkii cuslaa ee halkaas la isku adeegsanayey awgeed, iyadoo laga cabsi qabo in burburka ay ku hoos jiraan meydadka qaar ka mid ah kooxihii halkaas weeraray iyo dadkii la heystayaasha ahaa.


:snoop:
User avatar
GeoSeven
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5687
Joined: Sat Sep 17, 2011 10:41 am
Location: Out of my mind somewhere...always somewhere, never an exact location.

Re: KENYA FORCES ARE LOOTING WESTGATE shops!!!!!!

Post by GeoSeven »

I would be surprised if they didn't

What is the probability of a Kenyan soldier slipping 6 new cellphones from a store into a pocket...without anybody noticing him do it? 10/10 :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”