Taariikh nololeedkii Sheekh Maxamed Ibnu Cabdulllahi As-Somali
Sheekha Wayn ee ah muxadithka ee la odhan jiray Maxamed Ibnu cabdullaahi Ibnu axmed As-somali wuxuu kasoo jeedaa {Reer Amaadin Ogaden} ee dagta Gobalka Somali Galbeed (Ogaden) ee ay axmaaradu hada guumaysato.
Sheekh Maxamed wuxuu Dhashay bilowga qarnigii inaga tagay ee taariikhda miilaadiga. Shiekh maxamed wuxuu arkay oo uu la kulmay Sheekhii waynaa ee mujaahidka ahaa Sayid Maxamed Cabdille Xassan allah Yarxamuhu.
Waxbarashadiisa
Shiekhu wuxuu waxbarashada bilaabay isaga oo aad u yar da’diisu markay ahayd 7 ama 8 sano ayuu bilaabay barashada Culuumta diinta. Wuxuu ka bilaabay Xifdinta quraanka kariimka ah oo uu ka bartay Macalin Cali Sheikh Xassan. Intaas kadib Kitaabka fiqihiga shaaficiga ah ee {Safiinatu Najaa} ayuu ka bartay Cali sheikh Cabdiraxmaan Cawl. Sidoo kale wuxuu ka akhristay sheikh la odhan jiray Cali sheikh maxamed Nuur Xirsi kitaabka Ajruumiga iyo Sharixiiga cashmaawiga, Mulxatul Icraab, Laamiyatul Afcaal iyo Minhaajka. Kadib wuxu ka dhagaystay kitaabka Minhaajka Cali sheikh xaaji Tima Casse.
Kadib Sheekh Allah ha u naxariistee markuu wax ka bartay culimada ku dhaqnayd dagaanka uu ku noola, wuxuu bilaabay sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd culimadii salafka inuu bilaabo socdaal uu ku tago dhulalka Islaamka, si uu cilmigiisa kor ugu sii wado. Safarkiisii/socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu ugu safray cilmiga wuxuu bilaabay markii uu jiray 20 sano. Wuxuna ka bilaabay magaalooyinka Jigjiga iyo Harar oo labaduba aan aad uga fogayn meesha uu sheikh ku koray oo ahayd Faafan.
Sheekhu inta uu ku guda jiray socdaalkiisa waxbarasho ,xanuuno badan baa ku dhacay oo ay sabab u ahaayeen kala duwanaanshaha cunto somaliga iyo cuntada xabashida. Kadib markii uu ka ladnaaday xanuunkii wuxuu ka helay sahay eedadii taas oo uu ugu dhaqaaqay dhinaca Jabuuti. Jabuuti wuxuu kula kulmay sheekh Cali Jawhar oo uu ka akhristay culuumul fiqhiga. Si walba ha ahaate sheikh Maxamed muddo badan masii joogin wadanka Jabuuti laakiin markiiba wuxuu uga sii gudbay dhankaas iyo dalka Yemen. Inta uu shiekhu kusii jiray safarkiisa dhanka yemen wuxuu u raacay Doon taas oo badda kula Qarqan gaadhay. kadib sheekhu wuxuu gaadhay magaalada Zubeyda halkaas uu ka akhristay culuumta Fiq-higa shaaficiyada. Kadib saddex bilood sheekhu wuxuu usii safray dhankaas iyo magaalada Qadiic halkaas oo u bil sii joogay isagoo ka baran jiray sheekh Yayxe muf-tigii magaalada qaciid kitaabka Minhaajka ee fiqhiga shaaficiyada.
Intaas kadib sheekhu wuxu u wareegay dhankaas iyo magaalada Sanca oo ka bilaabay barashada culuumta carabiyada kitaabada kala ah Qawaacidul Icraab iyo Jawharul Maknuun. Sheekhu wuxu diiday inuu barto madh-habka Zaydiyada oo wuxuu yidhi waxaan ahay shaaficiyah.
Kadib sheikh kamid ah shuyukhdiiisa oo la odhan jiray magiciisa Ustaad Yaxya al ciisi ayaa sheekha kula taliyay inuu xooga saaro cilmiga xadiithka iyo barashadiisa. Kadib wuxuu ka bilaabay oo uu xafiday 500 oo xadiith kitaabka BuluuGhul Maraam, kadibna wuxuu bilaabay akhriska kitaabka Subula Salaam ee uu qoray imaamu Sancaani.
Shiekhu markii dambe wuxuu damcay inuu usii gudbo dhankaas iyo Masar oo uu waxbarashadiisa kasii kordhiyo laakiin waxaa ka hor qarxay dagaalkii Labaad ee aduunka, kadib baddii ayaa la xidhay.
Sheikhu wuxuu intaas kadib u wareegay dhankaas iyo Sucuudiga oo uu kula kulmay sheikh Maxamed xaamid al faqi. Shiekh xaamid alfaqi wuxuu su’aalay sheikh meesha uu ka yimd wuxuuna yidhi waaxan ka imid SomaliYa. Sheikh maxamed As Somali wuxu yidhi dadka xadiithka bartaa way gaajaysan yihiin halka kuwa khuraafaystaasha ah ay ka barwaqaysanyihiin. Kadib shiekha waxaa la geeyay meel loga qoray maalinwelba Laba hal oo rooti waawayn ah inu ka qaato. Shiekhu wuxuu wax ka baran jiray Daarul xadiith oo ku taalla makka al mukarrama. Halkas wuxuu cilmiga kaga qaatay sheikh Cabdrisaaq Xamza al misri, Sheekh abi Samxi Imaamkii xaramka, sheekh Sulaymaan ibnu Cabdiraxmaan Alxamadaan, Sheikh abii Saciid albaakistaani, sheikh Maxamed ibnu Suldaan almacsuumi, sheikh Maxamed ibnu Cabdilxaqq Alhaashimi, iyo culimo kale oo tiro badan.
Shiekhu wuxuu u laazimay oo inbadan culuumta ka qaadan jiray sheikh cabdirisaaq ibnu xamza al misri oo uu kutub tiro badan ka qaatay, sheikh cabdirisaaqna ad bu u jeclaa shiekha markuu arkay dadaalkiisa badan ee uu wado.
Intaas kadib sheekhu wuxuu ka qalin jabiyay Daarul xadiithta ku talla makka almukarrama Sanadkii 1965, Darajo aad u saraysa ayuuna ka gaadhay culuumta Islaamka iyo funuunteeda. Kadib macalin ayaa looga dhigay daarul xadiith oo uu dadka wax ku bari jiray .
Shiekhu woxogay kadib lugta ayuu ka jabay markaas ayaa waxaa loo ogolaaday in cashirrada uu gurigiisa ku dhigo oo halkaas ardaydu kaga qaataan duruustii uu bixin jiray halkaas ayuuna ka waday ilaa uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee.
Shiekhu wuxuu ahaa sheikh zaahid ah oo ka dhawrsada aduunyada iyo daba cararkeeda. Hal qol ayuu daganaan jiray markii layidhi sheikh maan kuu yara waynayno guriga wuxuu yidhi ma waxaad rabtaan in layidhaahdo sheikh Maxamed waa damac badan yahay.
Shiekha waxaa cilmiga ka qaatay culimo aad u tiro badan oo aan lasoo koobi Karin waxaa kamid ahaa culimada waawayn ee shiekha wax kasoo baratay ama xadiri jirtay Xalaqooyinkiisa cilmiga sheikh Maxamed ibnu Cabdullahi Assabiil, Shiekh Yaxya ibnu Cuthmaan al-makki alhindi, sheikh Muqbil ibnu Haadi Alwaadici,
Culimada kale ee shiekha ijaazo ahaan wax uga qaatay waxaa kamid ah iyagana Shiekh Cabdiraxmaan al Xudeyfi, sheikh Axmed ibnu Muxamed ibnu Cuthmaan Almuniici, sheikh Musaacid Alxumayd, sheikh Rabiic ibnu Haadi al-madkhali, sheikh Maxamed Al-madkhali, iyo culimo kale oo badan.
Shiekhu wuxuu kasoo qayb qaatay door laxaad leh faafinta diinta iyo barista culuumta xadiithka
Wuxuu Geeriyooday sheikh Maxamed Bisha Ramaadan 3deedii 1420 Tariikhda Hijriga [oo ku aadan, January 2000 ]
Ilaahay Sheikha ha dajiyo darajooyinka sar sare ee Janooyinka.
WQ Craxmaan
http://muhaditha.wordpress.com/category ... a-soomaal/
Sheekh Muxammed As-Somali
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
Re: Sheekh Muxammed As-Somali
Shiikha AUN cilmigiisa dad badan aa ka faaideystay xata Shariif Cabdinuur aa kamid aha sidaan maqlay..laakin badanaa mujtamaca Soomaaliyeed kama muuqan wuxuu noloshiisa ku dhameeyey Xarramka.
- Sheikh Mustafa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1262
- Joined: Sat Jul 19, 2008 2:40 pm
Re: Sheekh Muxammed As-Somali
I wish we had a Somali Sheikh to Idolize. Everytime they talk about Islam, all we here is Carab Sheikhs. The Sheikh Must have not done anything to save us from this ignorance that has destroyed our Society.
Thank you As-Soomaali for going with your Cilmi to the grave without teaching to your society. Or Maybe Carabta ayuu jeclaa and wanted us to always remain stupid.
I am 33yrs old today is the first day I heard his name. I won't consider him as-soomaali. He must have been al-Kuwayti bin Al-Jordani.
Thank you As-Soomaali for going with your Cilmi to the grave without teaching to your society. Or Maybe Carabta ayuu jeclaa and wanted us to always remain stupid.
I am 33yrs old today is the first day I heard his name. I won't consider him as-soomaali. He must have been al-Kuwayti bin Al-Jordani.
Re: Sheekh Muxammed As-Somali
^There's many Somali sheikhs, living and dead who were big in our society. This sheikh in the article was globally recognized, the Ummah is not limited to Somali people bro.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 420 Views
-
Last post by Sagaashan
-
- 1 Replies
- 959 Views
-
Last post by Nubis
-
- 0 Replies
- 614 Views
-
Last post by bashe19
-
- 5 Replies
- 1276 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 801 Views
-
Last post by vinshom
-
- 6 Replies
- 1434 Views
-
Last post by Addoow
-
- 1 Replies
- 846 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 2 Replies
- 780 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 0 Replies
- 712 Views
-
Last post by COSTA
-
- 7 Replies
- 388 Views
-
Last post by DawladSade