
http://radiomuqdisho.net/wasiiro-ka-tir ... gaankaasi/Wasiiradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cadaalada,garsoorka, iyo Gaashaandhiga, guddoomiyaha maamulka gobolka shabeelaha hoose, iyo mas’uuliyiin kale, ayaa manata gaaray Deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana mas’uuliyiintani ay u kuur galayeen xaaladda deegaanka No.50 oo dhawaan shaqaaqo dad ay ku dhinteen uu ka dhacay.
Mas’uuliyiintani ayaa kulamo la qaatay wax garadka deegaankaasi, iyagoo ka xog wareystay xaaladda deegaanka iyo shaqaaqadii ka dhacday halkaasi, waxaana ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa shaqaaqada mararka qaar ka dhacda deegaankaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo markii kulamada ay la qaadanayeen dadka deegaanka soo gaba gabeeyeen ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay u jeedada maanta ay u tageen deegaankaasi ay tahay in wax ay ka ogaadaan xaaladda deegaanka, islamarkaana ay kula noqonayaan madaxda dalka waxyaabihii halkaasi ay ku soo arkeen oo markii hore deegaankani u soo diray in warbixin ay ka keenaan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka mahad celiyay booqashada mas’uuliyiinta ka socota dowladda dhexe ee dalka, waxaana uu sheegay in dowr muhiim ay ka qaadaneyso waxyaabaha ka soo cusboonaaday gobolka shabeelaha hoose oo uu tusaale u soo qaatay mas’uuliyiinta maanta ee gaaray halkaasi.
Ugu danbeyntii Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maanta gaaray deegaanka No.50 ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo wax kasta oo dib u dhac u keeni kara bulshada sida dagaalada, waxaana tacsi uu u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqo ka dhacday deegaankaasi.
