Cabdikariin Xuseen Guuleed abaal weeyn ayuu ku leeyahay beesha argagixisada ee Ceyr maadaama uu ka badbaadshay kuwii eey taageri jireen oo kusoo jeeystay kuna baa ba shay Shabeelada Hoose
Ceyr ayagaa burburshay awoodii HabarGidir 2005 ilaa 2010 ka dib markeey taageereen argagaxisadii lana dagaalay walaalkooda Sacad.
maantay calaacal ayaa kasoo haray beesha shisheeya kalkaalka ah ee Ceyr
Guul Mudane CabdiKariin Xuseen Guuleed waa Halyeey Qaran ee Aloow Dhoowr AAMIIN

Odayaashaan iyo Waxgaradkaan ka soo Jeeda Beesha Habar Gidir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay in markale uu dib u soo laabto Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumaddii Ra’isul Wasaare Saacid ee ay Kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka Soomaaliya.
Odayaashaan ayaa ka digay in markale booska ay ku leeyihiin Xukuumadda uu ku soo laabto Cabdi Kariin Xuseen Guuleed kaas oo ay ku eedeeyeen in intii uu xilkaas hayay uu wax qabad xumo Muujiyay.
Macallin Max’ud Cali Max’ud oo ka mid ah Waxgaradka Beesha Habar Gidir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In Beesha uu ka soo jeedo uusan Matalin C/kariin Xuseen Guuleed islamarkaana aysan Beeshu raali ka aheyn in mar kale dib loo soo celiyo.
“ waxeynu ka weynay garasho, waxaanu ka weynay walaaltinimo, waxaan ka weynay arxan, waxaan ka weynay islaanimo , waxaan ka weynay Garasho” ayuu yiri Nabadoon Macallin Max’ud Cali Max’ud oo ka mid ah Waxgaradka Habar Gidir.
Dhankale kale Nabadoon Cilmi Xasan oo ka mid ah Waxgaradka Beesha H/Gidir oo isagoo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb isna la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka digay in markale dib loo soo celiyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Ugu dambeyn Nabadoon Shire Cabdullaahi oo isna Shabelle la hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ka dalbaday in isbedel Cusub uu keeno ee aanu soo celin Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo uu ku dhaliilay in uu ahaa fadhiid aan waxba ku soo kordhin Howshii qaranku u Igmaday.
http://shabelle.net/?p=10082