Reer Dood are not midgo/midhibaan like Kulle Carre. Plus they have been amongst the Habar Jeclo since time immortal its only fair we should treat them the same. Whats out of order is pulling midgaans from central Somalia in broad day light and than them having the affront to refuse you out right and rejecting your claim out right.
Ururka Sima Ee U Dooda Xuquuqda Beelaha Gabooye Oo Deedafeeyey Dad Ka Soo Jeeda Beesha Madhibaan Oo Sheegtay Abtirsiimo Kale Iyo Madaxdhaqameedyada Beelahaasi Oo Ka Muquurtay Soo Dhawayntii Garaadkooda
“Beesha Cigaal Kuul Waa Beel Ab Iyo Isirba Ka Mid Ah Beelaha Madhibaan, Beeshayadii Madhibaan Ee Magacooda Qurbaha Laga Sheeganayey Waa Nasiib Daro Haduu Garaadkayagii Beelo Kale Sheegtay”
Gudoomiyaha Ururka Sima Kamaal Daahir Cashuur
Hargeysa, January 6, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha ururka Sima ee u dooda xuquuqda beelaha Gabooye (Somali International Monitory Alains) Kamaal Daahir Cashuur oo ah wakiilka ururkaasi ee Somaliland ayaa deedifeeyey dad kasoo jeeda beesha Siciid Kuul ee beesha Madhibaan oo sheegtay abtirsiimo ku salaysan Beesha Kuul Care oo ka mid ah Beelaha Galbeedka Burco, kuna tilmaamay Beeshaasi Cigaal Kuul ee ay ka soo jeedaan Garaad Axmed Diiriye iyo Suldaan Daakir Xasan Khaliif inay ka mid yihiin Beesha Madhibaan ee Beelaha Gabooye. isagoo intaa ku daray in Garaadka Beesha Madhibaan Garaad Axmed Diiriye oo doraad kasoo dagay madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa kana soo kicitimay dalka Sweden ugu baaqay in hadii uu beelo kale ku biirayo inuu isagu si shakhsi ah ugu biiro Beelaha Galbeedka BurcoGudoomiyaha Ururka Sima ee Somaliland Kamaal Daahir Cashuur oo wargeyska Haatuf shalay uga xog waramay mawqifka ururkooda ee ku wajahan muranka ka aloosan beesha Madhibaan ee sheegatay abtirsiimada Kuul Carre ayaa isagu urur ahaan xaal raali galin ah u diray madaxdhaqameedyada iyo guud ahaanba beelaha Galbeedka Burco isagoo arinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Anigoo ah gudoomiyaha ururka Sima (Somali International Monitory Alains) ee Somaliland oo ah urur u dooda xuquuqda beelaha laga tirada badan yahay oo ka dhisan dalalka Yurub,Amarica iyo Carabta, hadii aan ka hadlo waxyaabaha ku saabsan beelaha la leeyahay way isku biireen haday tahay beesha Siciid Kuul oo ka tirsan beesha Madhibaan oo ab iyo Isirba la wada ogyahay inay ka tirsan yihiin Madhibaan, Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ah suldaanka beesha Madhibaan waa suldaan kasoo jeeda beesha Siciid Kuul oo aanu dooranay, garaadka yidhi Kuul Care ayaanu nahay horta Beelaha Habar Yoonis xaalbaanu siinaynaa urur ahaan, Habar Yoonis iyadaa la sheegan jiray ee iyadu cid ma sheegato sida xaqiiqdu tahayna waxaan qabaa inaanay beesha Habar Yoonis iyadu waxba sheeganayn, balse iyada la sheeganayo, madaxdhaqameedyada beelaha Habar Yoonis-na waxaanu leenahay hadii madaxdhaqameedyada Madhibaan ay daadefayni idinka soo gaadhay xaalbaanu idinka siinaynaynaa. Iyadoo beesha Madhibaan ay beelaha Ajiga ee dibadaha joogaa baasabooradooda lagu diwaan galiyo Madhibaan, Muuse Dhariyo,Tumaal iyo Hawle hadii garaadkii Madhibaan ee isaga beeshiisa la sheeganayey uu isagu beelo kale oo ka baxsan Madhibaan uu sheegto waa ayaan darro anaga waa garaadkayagii oo aflagaadayn mayno wayse jirtay in dhaqan ahaan beelaha Gabooye lakala Faquuqay oo qaarba beelaha Ajiga ay la dagaan, balse beelina beelaha ay la dagto isir ahaan ma sheegato, sidaa darteedna sheekadan hada la wadaa waxay ku danbaynaysaa is bahaysi dhaqan oo dhiiga la wada bixiyo,balse beelina beel kale kuma biiri karto”
S:Garaadka Beesha Madhibaan Garaad Axmed Diiriye markii uu shalay kasoo dagay madaarka Hargeysa waxa la sheegay in dad wayne kasoo kala jeeda labada dhinac ay soo dhawayn tiisii isku qabsadeen oo la sheegay in isku dhac ka iman gaadhay labada beelood arinkaasi maxaa ka jira ?J: Madaxdhaqameedyada beeshayadu may tagin madaarka, lagumana dagaalamin waana dacaayad iyo borobogaando laga fidinayo beesha Madhibaan waxaanu se ognahay inaan beesha Siciid Kuul isku raacsanayn Kuul Caraynta, balse ay afar qof oo tiro yari arinkaasi dabada ka riixayeen markay soo daalaana ay nagu soo noqon doonaan.
S: Salaadiinta Beelaha Habar Yoonis arinkaasi makala kulantay ?
S:Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaan kala kulmay qadiyadaasi waxaanu igu yidhi, anagu beeshan maanu doonane iyagaa nasoo sheegtay, salaadiinta beesha Habar Yoonis Suldaan Rashiid Suldaan Maxamed Xirsi Qani waa Salaadiin Xuquuqda beelaha Gabooye u dooda.
S: Garaad Axmed Diiriye oo isaga iyo beeshiisu ay ku doodayaan Kuul Care ma iska aragteen oo makala hadashay qadiyadan ay ku sheegeen inay beeshaasi Habar Yoonis ka tirsan yihiin ?
J: Ismaanu arag laakiin anagu Madhibaanimadayada iyo qoomiyada Gobooye ee aan ka mid ahay ayaan ku kalsoonahay hadaan beel kale sheegtana waxaan qabaa inaan karaamadayda iyo Isirkaygaba wax u dhimayo, sidaa darteed sheekadani ma suuro galayso waxaanay ku danbaynaysaa isbahaysi dhaqan.
Dhinaca kale qadiyadan la xidhiidha mawduuca muranka wayni ka taagan yahay ee ku saabsan abtirsiimada ay sheegteen dad kasoo jeeda beesha Madhibaan ayaa waxa iyagu hore u deedefeeyey madaxdhaqameedyo ka mid ah beelaha Gabooye oo uu hogaaminayo Suldaanka Beesha Madhibaan Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo iyagu hore u sheegay inaanay beeshoodu asal ahaan ka mid ahayn beesha Kuul Carre balse ay sheegeen inay ab iyo Isirba kasoo jeedaan beesha Madhibaan, waxaanay ilo xogogaal ah noo sheegeen in garaadka beesha Madhibaan Axmed Diiriye oo la sheegay inuu u ololaynayo qadiyada ku saabsan abtirsiimada ka baxsan beelaha Madhibaan ay doraad ka muquulteen soo dhawayntiisii madaxdhaqameedyada Beelaha Gabooye.
This is the refusal
(Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu)
Ku: Salaadiinta,odayaasha iyo waxgaradka Beesha Habar-Yoonis/Isaaq.
Ka: Salaadiinta,Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Maxaad-Barre/Madhibaan.
Bayaan:(Beesha Maxaad-Barre, bayaankan waxay soo saartey markii ay u adkaysan wayday beenta laga sheegayo isirkeeda(halka ay ka soo jeedo) ama abtirkeeda iyadoo wada tashiyo badan oo khadka taleefanka ah la samaysan dhamaan beesha oo dhan ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba iyadoon beesha looga baran bayaanadan oo kale)
Cambaarayn Marin habaabinta Abtirsiinyaha Beesha Maxaad -Barre ee ka tirsan beelaha Madhibaan, Anaga oo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad Barre ee dagan Soomaali-Land iyo Soomaaliyaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in aysan waxba ka jirin arrimo beryahan lagu marin habaabinayo abtirsiinyaha beesha oo ay Yurub ka wadaan koox yar oo ka tirsan beeshayada iyo koox ka tirsan beesha Habar-Yoonis.
Kooxdan yari waxay ku andacoodeen in beesha Maxaad-Barre ay tahay Kuul-Carre/Habar-Yoonis. Arrintaas oo aan waxba ka jirin,Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in beel isirkeeda la yaqaan, oo qarniyaal soo jirtey in maanta la isku dayo in taariikda isirkeeda la khaldo, ayadoo laga faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaarka u haysta beesha iyo beelaha la midka ah iyadoo dad kooban loo dirayo dhaqaale si loo jaahwareeriyo soo yaalka taariikheed.
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad waxay xidhiidho badan la sameeyeen qaar ma mida salaadiinta iyo waxgaradka beesha Habar-yoonis, waxaana ka mida Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Suldaan Barre, SUldaan Maxamed Xassan Ibraahim, Gudoomyaha Golaha Guurtida beelaha Habar-Yoonis Cawil Yusuf iyo kuwa kale, waxgaradkaasi waxay noo sheegeen markii aan la hadalnay: 1)in wararka hada la faafinayo ay yihin been aysan waxba ka jirin laguna marin habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha Maxaad-Barre isla markaana aysan raali ka hayn, iyagoo qirey cuqaashaasi in beesha Maxaad-Barre aysan isir wadadhalasho la wadaagin beelaha Isaaq gaar ahaan beesha Habar-Yoonis/Kuul Carre.2) In aysan ka war heyn ama ogayn goob ay salaadiinta Habar-Yoonis ku shirtay ama go’aansatay in beesha Maxaad-Barre tahay Kuul-Carre oo ah oday ka lumay beesha Habar-yoonis.
Waa kuwan hadaladii qaar ka mida salaadiinta habar-Yoonis:
Suldaan Barre( In la idin kala qaybiyo ama la idinka jabiyo waa arin gaf idinku ah, arin idin qabatana maaha.dad 500 sano dhulka wada daganaa baynu nahay ninka taarikh cusub oo aydaan lahayn idin sameeyey isagay ku kooban tahay,Habar-Yoonis wax ka yimi oo ay ogtahayna maaha ee raali ka ahaada. Idinkuna ha buunbuunina oo ha sii wadwadina)
Cawil Yusuf:Gudoomyaha Guurtida Habar-Yoonis ( Habar-Yoonis taariikh aad leedihiin ma hayso, arintuna dhiniciinay nagaga timid, dadka ii keenayna waxay leeyihin abtirka waxaa noo sheegay nin ka mida beesha Maxaad-Barre oo wali nool)
Caddayn:
Haddaba, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay caddaynayaan:
1. In Beesha Maxaad Barre iyo beesha Habar Yoonis uu ka dhexeeyo
xiriir wada degaan oo soo jireen ah oo ay yihiin dad ood wadaag iyo
xiriir wanaagsan leh.
2. In arrinta abtirsiinyaha ee hadda la wado ay tahay majara habaabin
taariikheed, oo aysan jirin abtirisiinyo beeleed oo ka dhexeeya beesha Maxaad-Barre iyo beesha Habar-Yoonis.
4. In Odayaasha iyo Waxgaradka beesha Maxaad-Barre ay ka xunyihiin
isku dayga kutirikuteenka ah ee lagu maran habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha ee ay ka soo gaadheen waalidkood.
5. In taariikhdan cusub ee la dhadhabayo ee madaxa la isu gelinayo
abtirsiinyaha laba beelood ay tahay mid laga leeyahay dano gaar ah.
6. In beesha Maxaad-Barre aysan aqbalayn wax kasta oo lagu leexinayo
Taariikhda iyo isirka beeshooda.
Cambaarayn:
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay camaaraynayaan in shakhsiyaad dano gaar ah leh oo ku nool Yurub iyo waqooyiga maraykanka ay beryahan dambe dan ka
dhigteen in ay keenaan abtir iyo taariikh been ah si ay khalkhal u galiyaan taariikhda iyo abtirsiinyaha wanaagsan ee Beesha-Maxaad, ujeedadooduna tahay dano iyaga u gaar ah.
Waxaan markale halkan ku cadaynaynaa in taariikhda Beesha Maxaad Barre
ay sugan tahay, oo aysan bedeli karin shakhsiyaad u qasday marin
habaabin. Beesha Maxaad Barre ma aha, kamana tirsana beesha Kuul Carre
ee Habar Yoonis.
Codsi:
Salaadiinta, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Habar-Yoonis waxaan ka
codsanaynaa in ay dhinacooda arrintaas wax ka qabtaan, maadaama ay
tafaraaruq iyo khilaaf ka dhex dhalisay Beesha-Maxaad. Waxaana codsanaynaa in aan dhibkii beesha hore u gaaray aan loogu darin dhib
kale.
Sidoo kale waxaan kula talinaynaa shakhsiyaadka ka tirsan Beesha
-Maxaad ee ku dhex jira isir-leexinta in ay arrintaas faraha kala
baxaan, una jeestaan midaynta iyo wax u qabadka dadka tabaalaysan.
Gababago:
Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay u mahad celinayaan
Dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka Habar-Yoonis.
Waxaan guud ahaan Beesha Maxaad-Barre ku wargelinaynaa inaysa aqbalin
jaahwareerka ay wadaan koox dano khaas ah leh oo la iskaga hor keenayo
beesha dhexdeeda. Midnimada beeshu waa horumarka beesha.
Waxaa bayaankan wada jir usoo saaray:
Odayaasha iyo waxgaradka beesha ee degan USA/Canada
1- Odayga guud ee Beesha Maxaad-Barre Saleebaan Cumar Maxamed( Saleebaan Hindi)
2- Nabadoon Cabdille Xiirey Cawad
3- Nabadoon Xaashi Kaynaan
4- Nabadoon Xuseen Xaashi
5- Nabadoon C/laahi Maxamed Yool
6- Dr:Hassan Cali Maxamed
7- Gudoomyaha beesha Siciid-kuul/Maxaad-Barre Sh.Maxamed Adam Xiirey
8- Gudoomye ku xigeenka Koowaad Prof:Deeq Maxamed Cumar
9- Abwaan Cismaan Ducaale Daahir
10- Abwaan Caydaruus Maxamed Dhuux
11- Xildhibaan Maxamed Ahmed Keynaan
12- Prof:Cali Cabdi-salaam(Cali Azhar)
13- Inj: C/rasaaq Faarax
14- Nabadoon Muuse Adam Xiirey
15- Nabadoon Cabdirisaaq Caydiid Xiirey
16- Nabadoon Xuseen Ducale Daahir
17- Hooyo Saafi Saalax Ducaale
18- Hooyo Xaliimo Cabdi Axmed
19- Hooyo Khadiija Cabdi
20- Abwaanad Khadiijo Jaamac Qambi
21- Hooyo Shukri Cisman (Farabuur)
22- C/rashiid Keynaan
23- Cismaan Xaashi
24- Hersi Maxamed Xiirey
25- C/fataax Ahmed Keynaan
26- C/rashiid Ahmed Keynaan
27- Ibraahim Hassan Yool
28- Axmed/Fowsi Hassan Aw-cali Siraad
29- Nabadoon C/rashiid Cisman Cali Buraale
30- Nabadoon Maxamed Cisman Cali Buraale
31- Barkhad Cali Geedi
32- Hassan Cali Geedi
33- Cabdi Xaashi(Cabdi Madoobe)
34- Cali Jaamac Adam
35- Bashiir Jamac Adam
36- Yasiin Jamac Adam
Iyo dad badan oo kale oo aan halkaan lagu soo koobi Karin
Odayaasha iyo waxgaradka beesha ee degan qaaradda Yurub:
1- Odayga Beesha Maxaad-barre ee qaarada Yurub: Abwaan Cali Yaabag
2- Dr: Hassan Maxamed Cismaan
3- Daljire: Axmed Muuse (Daakir)
4- Nabadoon Maxamed Muuse Xayir(Afjar)
5- Yusuf Muuse Xayir
6- Axmed Mustafe Cabdi Aw-cali Siraad
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan Ustareeliya:
1- Odayga beesha Maxaad-barre ee Ustareeliya: Axmed Maxamed Dahir(Quule)
2- Nabadoon Cabdi Cali
3- Farxaan Cabdille
4- Xabiib Cisman Cali Buraale
5- c/Laahi Axmed Maxamed
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan UAE(Imaaraadka)
1- Odayga Beesha Maxaad-Barre:Maxamuud Maxamed Diiriye(Faas)
2- Nabadoon Cabdi Cismaan Cali Buraale
3- Xassan Cisaman Cali Buraale
4- Muuse Maxamed Diiriye
5- Cisman Faarax Daahir
6- Ismaciil Faraxa Daahir
7- Maxamed Ducale Daahir
8- Ismacil Xuseen Mire
9- SH.Muxiyadiin jamac Faarax
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan Magaaladda Boosaaso/Putland
1- Nabadoon Adam Cige Cali
2- Nabadoon Mowliid Ducale
3- C/raxiin Cawad Obsiiye
4- Cabdirashiid Sahal
5- Cawil Seed
6- Mursal Sahal
7- Yusuf Siciid
8- Jamac sandoon
9- C/Qaadir Sabeeye
10- Farxaan C/Laahi
11- Shukri Xaashi
12- Asad Bashiir
13- Maxamuud Sabeeye
14- Jaamac Cadaysay
15- Saleebaan Ducaale
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan Nairobi/Kenya
1- Nabadoon Maxamed Sulub Cumar
2- Nabadoon Cali Muuse Hassan
3- Pro. Maxamed Haybe Xidig
4- C/Kariim Cali Muuse
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan Magaalad Ceeri-Gaabo/Sanaag-Somali-land
1- Caaqil Daahir Sahal
2- Caaqil Maxamed Tarabi
3- Caaqil C/Laahi Ducaale
4- Caaqil Maxamed jamac Faarax
5- Caaqil Raan Cige Cali
6- Siciid Raage Cali
7- Sahal Raage Cali
8- Caydiin Raage Cali
