Guddiga gurmadka abaaraha Gedo oo soo gaaray Garoowe iyadoo lagu wareejindoono gurmadkii laga aruuriyay Puntland.
(Pi Garowe) Wafdi ka socday guddiga gurmadka abaaraha gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa goor-dhowayd soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
Wafdigaan ayaa waxay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo waxayna kadib usoo gudbeen dhinaca Garoowe, iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin katirsan dowlada Puntland iyo guddiga culimada gurmadka Gedo ee Puntland.
Guddigaan ayaa caawo lagu wareejindoono gurmadyadii lacageed ee laga aruuriyay shacabka Puntland iyo dowladooda, iyadoo lagu kala gudoomidoono munaasabad ka dhacidoonta Garoowe.
Sida uu Puntlandi.com u sheegay mid kamid ah guddiga gurmadka waxaa guddiga ka yimid Gedo lagu wareejindoonaa lacag kor u dhaafaysa $200.000 oo dollar oo ahaa lacagihii ay aruuriyeen culimada Puntland ee isku xilsaaray howshaan.
Puntlandi.com





