Eed Hooyo” oo curatay ku-sinnaan 1979-kii. Alle ha u naxariistee marxuum Gaarriye oo ka warramaya ujeeddadii ay Maansadani ku curatay, waxa uu yidhi: “Waa hees magaceeda ka wadata riwaayad la yidhaahdo “Eed Hooyo laga galay” oo aan qorey sagaal iyo toddobaatankii. Riwaayaddaasu waxay ku socotay inan yar oo da’deedu tahay 18 sano. Waa inan sabool ah oo aad u qurux badan. Islaan aan ubad kale lahayn ayaa ku indha-kuulata. Waxa xiloodinaya boqollaal doob oo guur iyo gaabsiba ka raba. Hebel bay diidaysaa; oo hebel kale ayey diidaysaa. Ugu dambeyntii ayey mid u soo joogsanaysaa ay is-leedahay malaha kanaa ah kii aad ku degi lahayd. Wuxuu been ku maaweeliyaba, aakhirka ayuu lingaxa ka goynayaa oo ay uuraysanaysaa. Waxay dabeed ka codsanaysaa inuu asturo. Isna wuu ku gacansaydhayaa. Markaasay ereyada soo socda ku calaacalaysaa!” ayuu yidhi, deetana wuxuu bilaabay Maansadii oo u ibofuratay sidan:
Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga laalmoow!
Taladaan il-duufaay!
Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?
Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?
Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aamminee run moodee,
Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,
Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga jiifoo;
Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;
Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo
Agoonkaa sidkii go’ay
Aanadiinna weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,
Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga galay.
Sheekadii oo sidii u qasan ayaa gabadhii maalin danbe
waxay aragtay gabadh kale oo yar uu ninka laftiisii sidii oo
kale ugu sheekaynayo oo doonayo iyadana intuu ka danaysto dabeedna
marka uurku u buuxsamo uu ka dhaqaajiyo.
Iyadoo gabadhii la u digaysa waxay tidhi:
Wayl yahay baxsane
bixisadu wadaa
bi'i waa warlaay
Adoon laacdan baran
oon weli bislaan
ha baraarshishiyin.
Is banbaani oo
ha ku ababin belo.
Laasbiira iyo
biyihii ajo ah
kuma ba'o haraad.
Dawac baadi helay
ma badbaadiyee
balan qaad af ka ah
ha u beer nuglaan.
Bilicdaadan ugub
dhayladaadan bilan
bahal qaba hamuun
ha u soo bandhigin.
Bi'i waa warlaay
maxaa bilis haween
oo baar fidhnayd
been lagu khatalay.
Maxaa bocor ildaran,
maxaa baylah wadhan
haad boobay oo
la bud dhigay hortaa.
Maxaa baydi shilis
burcad iyo labeen
la basaasay ciil.
Maxaa gabadh birlab ah
oo beegsi iyo
baxsan dhali lahayd
baydali makalay.
Bi'i waa warlaay
aniguba basraay berrigaan
yaraa waan boodi jiray
oon badhi caddaa.
Bartaad taal haddeer
annigaa ku ba'ay.
Baaxaa degiyo
beer laxowsigii
jeer aan ku baxay
waan beraad la'aa.
Ninkan kuu boqrani
waa xila bilaal.
Anigoo bed qaba
waa bukaan i helay.
Dhunkashada bishimihii
i beleeyey buu
adna kugu beweray.
Wuxuu kuu burqaday
beentiyo warkuu
igu badowsan jirey.
Bi'i waa warlaay
boggaan eeday buu
barko kugu yidhaa.
bi'i waa warlaay
baantaydan hoo
waad baahan tahay
bahal looma cuno.
Bur ha daaqin sun ah.
Gabadhii markii uurkii soo baxay ee la ogaaday ayaa la
dayrshey oo waalidkeed, ehelkeed, asxaabteedii iyo guud
ahaanba bulshadii oo dhami dayrisay. Iyadoon meelay u
ciirsato haysan sedkeediina soo dhow yahay ayey hees
caruureedan murugada leh ugu heestay wiilkii ay uurka
ku siday!
Waxay tidhi:
Samow wa alla samow waa,
samow iyo samow waa
Samow wiil gaabsiyow waa
Samow guur baaqdayow waa
Samow geesi ciilanow waa
Habeen god la seexdayoow waa
wixii iga gaadhayow waa
Ma gocor baa aabahaaya?
ma gacalkaagaa ku dayrshey?
ma garab kaagan rag joogin?
maxaad ku gunaanad seegtay?
Martiyi waa goorxun socode
waxaad orod soo guclayso
waxaad soo maalin gaasho
ma giriyaad baad is keentay?
Guhaadow aynigaaga
garnayl baa loo ridaaye
adoon weli lagu gardaadin
maxaa fiintii gadoodshey?
maxaa kalgacaylkii maydhay?
maxaa gabawerey adoogay?
maxaa hooyaday gulaalay?
geyaanku muxuu ka fiigay?
Hoheey caku guuldaraanta!!!
Guhaadow wiilkayow waa,
kuwii gaasiray codkaaga
kuwii annigana i gooyay
kuwii gocashada abuuray
kolkii garta loo xilsaaray
Arbuhu gofanihii ku yiilay
ma guudkeenuu ka raadshey!
Fuluhu weligii ha goojo
wuxuu galabsaday ha diido
haduu raad gado yidhaahdo
halkuu gelayaa adduuunka
ma hoos kiisaa ka gaabin?
Wax saan gabanyohow ku leeyahay
wuxuu dadku kaaga giigay
hadaan guntii soo ogaadey
gantaal baad tahay bagooda
gunaad kaga yaal damqaaya
Hoheey caku guul daraanta!!
hadday garashadii sabooshay
hadduu gamashiyey wanaagii
haddii gees lay faquuqay
gefkii loo wada badheedhay
haddii gooni laygu qoolay
garsoore yaqaan saboolka
racfaan baan goobayaaye
halkaa geedigu ha joogo.
Cashar ka barta.
Eed Hooyo laga galay, every girl should read this,
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- KingWaslawi
- SomaliNet Super

- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
-
YummyMummy
- SomaliNet Super

- Posts: 6441
- Joined: Thu Feb 27, 2014 5:12 pm
- Location: You're always there & I'm always elsewhere
Re: Eed Hooyo laga galay, every girl should read this,
maybe tomorrow walaal in shaa Allah, laakin sheekadii gabadha timajilica iyo mobilkaagii halkey maraysaa?
Re: Eed Hooyo laga galay, every girl should read this,
Waslaawi tan hakuu dambeysee bal tii hore dhameystir.
Sheekadii telephoonka salaaxida halkey ku dambeeyse?
Sheekadii telephoonka salaaxida halkey ku dambeeyse?
-
TheLoFather
- SomaliNet Super

- Posts: 5352
- Joined: Wed Apr 14, 2010 11:49 am
- Location: No Shelter Is Safer Than Piety
Re: Eed Hooyo laga galay, every girl should read this,
Aar niyoow casharkii tii yareed ee Eeshiyaanada ayeeyday kuu dhigtey updatekii baa lagaa sugayaa!
- TheFuturist
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1420
- Joined: Sun Nov 01, 2015 4:11 pm
Re: Eed Hooyo laga galay, every girl should read this,
Waay too much Somali, I gave up about two lines in 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 265 Views
-
Last post by Cawaandi_91
-
- 3 Replies
- 451 Views
-
Last post by Air_Canada
-
- 2 Replies
- 646 Views
-
Last post by Cawaandi_91
-
- 2 Replies
- 316 Views
-
Last post by jamols2
-
- 16 Replies
- 1133 Views
-
Last post by Alphanumeric
-
- 1 Replies
- 335 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 3 Replies
- 375 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 8 Replies
- 849 Views
-
Last post by Calibesteen
-
- 0 Replies
- 454 Views
-
Last post by FBISOMALIA