August 24, 2016 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka tirsan ragii weerarka ismiidaaminta ahaa ka gaystay magaalada muqdisho ay ahaayeen Keenyaati.
Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa sheegay in raggii weeraray Hotelka Naasa Hablood (1) 26-kii Bishii June ee sanadkan ay ku jireen dad u dhashay dalka Kenya.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Amniga Jubbaland waxa uu ka sheegay magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, xilli uu kulan amniga ku saabsan la qaadanayay Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Mandhera.
C/rashiid Janan ayaa wuxuu sheegay xubnaha Kenyan-ka ah ee weerarkaasi qaybta ku lahaa inay ka tageen Magaalada Mandhera, ayna sii mareen deegaanada Shabaabka ay joogaan.
Keenyaati-1
Xubnaha qaar ee weerarkaasi fuliyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola, iyagoo ahaayeen raggii fuliyay weerarkii Hotelka Naasa hablood islamarkaana ahaayeen muwaaddiniin Kenyaan ah.
Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Saraakiisha Kenya u sheegay weerarada ka dhaca Soomaaliya iyo gudaha Kenya inaysan fulin kaliya dagaalyahano Soomaali ah oo Shabaab ka tirsan, balse qaar ay fuliyaan muwaadiniin dalka Kenya u dhashay.