Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Sadex Sarkaal oo Ka Tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee DPL
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28, March 2017 ka qayb galay aas qaran oo lagu sameeyey magaalada Garoowe sadex sarkaal oo ku geeriyoodey shil gaari.
ka qayb galka aaska qaran ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaar kamida bulshada magaalada Garoowe.
Sadexdan sarkaal ayaa kala ah gashaanle dhexe Maxamed Siciid Jaamuus lataliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland. gaashaanle dhexe Cawed Cabdiraxmaan Guuleed Taliye xigeenka hogaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu marlabaad uga tacsiyaynayaa talisyada ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, eheladii qarabadii, asaabtii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, kuwaas oo uu madaxweynu sheegay inay ahaayeen saraakiil ka soo baxa shaqadooda doorfiicana ka qaata difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada Dawladda Putland iyo shacabkeeda.
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey waxaa u isna dhankiisa utacsiyaynayaa taliska ciidamada Dawladda Puntland, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexda sarkaal, waxaana uu illahay uga baryayaa inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo samir iyo iimana alle ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qoyasaaskii ay ka tageen.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryayaa inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo camalkooda inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo talisyada ciidamada DPL, shacabka Puntland, eheladii qarabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen dhamaantood.
–DHAMMAAD–
XAFIISKA, WARFAAFINTA WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Official funeral Ceremony in garowe
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Official funeral Ceremony in garowe
AUN its dark day in PL.
إن شاء الله إلى جنة الفردوس
إن شاء الله إلى جنة الفردوس
- DalJecel60
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1761
- Joined: Sun Nov 27, 2016 3:19 pm
Re: Official funeral Ceremony in garowe
Ilahay Ha Un Naxaaristo
Re: Official funeral Ceremony in garowe
What aas qaran? Do you know the meaning of qaran? Yaab
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Official funeral Ceremony in garowe
Yes we know what its mean , PL lose some of its best soldiers , Dark day in PL .
Re: Official funeral Ceremony in garowe
Tulada garowe ma qaran ba? Lol
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Official funeral Ceremony in garowe
Do you know clan they come from ?
If you know, you would shut up for good when every time you talking about PL .
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 23 Replies
- 2741 Views
-
Last post by InaSamaale
-
- 15 Replies
- 1654 Views
-
Last post by malakumod
-
- 8 Replies
- 741 Views
-
Last post by 26June1960
-
- 26 Replies
- 1611 Views
-
Last post by Coeus
-
- 1 Replies
- 2135 Views
-
Last post by jamols2
-
- 29 Replies
- 3270 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 1 Replies
- 1439 Views
-
Last post by garowegal
-
- 3 Replies
- 472 Views
-
Last post by RebelLion
-
- 2 Replies
- 470 Views
-
Last post by Raaxeeye!