Mujaahid Gen.Cismaan Cawed xaashi oo ku Magac-dheeraa Cismaan Dacas Waxa uu ahaa Taliyihii Ciidamda Qaranka Somaliland ee kaalinta ugu weyn ka qaatay aas-aaskii ciidamada qaranka Somaliland iyo dhidib-utaagistoodii. Gen Cismaan Horaantii 80-kii waxa ka mid ahaa Kornayladii shirkii ugu horeeyay ee SNM ku yeelato London loo soo diray in Gudaha Dalka ay ka bilaabaan Jabhadii SNM, waqtigaas oo shaqadii ciidamada somalia uu ka tegey. Waxa uu ka mid ahaa Corneladii SNM ee hogaaminayay Dagaaladii qadhaadhaa ee SNM Togdheer iyo Saraar ay kala hortimi dowladii Siyaad Barre.
Mujaahid Xasan kayd iyo Mujaahid Cismaan Dacas waxa ay ahaayeen Hogaamiyayaashii Ciidamadii galay Burco Dagaalkii Qadhaadhaa ee 1988kii kedib. Curashadii Somaliland kedib Gen.Cismaan Dacas waxa uu noqday Taliyihii Ciidamada Qaranka ee ku guulaystay dhidiba-utaagistii ciidanka, horaantii sanadkii 2017kii mar aan waraysi Generalka kula yeeshay hargaisa waxa uu ii sheegay in lacagtii uu Ku sameeyay ciidamada qaranka uu ka amaahday Ganacsade Indhadeero oo ka mid ahaa ganacsatadii waqtigaas ee Somaliland lahayd.
Sidoo kale wxa uu door weyn ka ciyaaray nabadayntii beelaha iyo dib u heshiisiintii somaliland oo uu ka mid ahaa mujaahidiintii tirada yaraa ee dhexda ka noqday mushaakilkii sokeeye kuna guulaystay xasilintii iyo nabadayntii Burco iyo somaliland,ba waxaana uu ka mid ahaa dadkii waday qabanqaabadii shirarkii dib u heshiisiinta ee boorame ka dhacay.
Mujahid Bixi attends the funeral of his fellow Mujahid:



