WAR CUSUB: BANAANBAX BALAADHAN OO KA SOCDA BAYDHABO

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

WAR CUSUB: BANAANBAX BALAADHAN OO KA SOCDA BAYDHABO

Post by fagash_killer »

Banaanbax Balaadhan Oo Ka Socda Baydhabo
Somaliland.Org — London, UK — 15 September, 2006
--------------------------------------------------------------------------------


Waxa ka socda magaaladda Baydhaba ee saldigha xukuumadda Cabdilaahi Yusuf banaanbax balaadhan oo loogaga soo horjeedo ciidamo ajaanib ah oo dalka la keeno. Banaan baxan ayaa dadku markii ay saladi Jimce soo tukadeen socdo kusoo mareen magaaladda Baydhaba iyaga oo aakhirkii ku gadooday guriga guddomiyaha baarlamanka Sharif Xasan.


Magaaladda Baydhaba ayaa maalmihi ugu danbeeyey ka jiray kacdoono iyo dhaq dhaqaaqyo looga soo horjeedo sii joogitaanka maleeshiyadda ay isku beesha yihiin Cabdulaahi yusuf. Dhinaca kale madax dhaqameedyo iyo siyaasiyinn kazoo jeeda degaanka Baydhaba ayaa uso jeediyey Cabdulaahi Yusuf iyo xukuumadisu inay ka guurto Baydhaba.


Banaanbaxan manta ka socda Baydhaba ayaa waxa soo qaban qaabiyay culimadda magaaladda Baydhaba oo aad uga soo jorjeeda keenista ciidamo shisheeye iyo xukuumadda Cabdulahi Yusuf.


Maleeshiyadda Cabdulaahi Yusuf ayaa dadkii mudaharaadayay xabad ku furtay ilaa iyo haatana lama soo tebin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imtaatinka shicibka iyo maleeshiyo beeledka Cabdulaahi Yusuf eek u sugan Baydhabo.


Xafiska Wararka Somaliland.Org

London
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”