Page 8 of 9

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 6:03 am
by zingii
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee saakay oo Jimco ah.

Col. Yuusuf oo 78-jir ahaa ayaa wuxuu soo noqday madaxweynaha Soomaaliya muddo afar sano ah, laga soo billaabo Oktoobar 2004 illaa Diseember 2008, isagoo xilka iska casilay kaddib markii uu muran siyaasadeed soo dhexgalay isaga iyo ra'iisul wasaarihii xilligaas la shaqeynayay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Madaxweynihii hore ayaa u geeriyooday xanuunno ka haleelay sambabada iyo kilyaha, waxaana sannadkii lasoo dhaafay dhowr jeer xanuun awgiis loo dhigay isbitaalka uu ku geeriyooday saakay aroortii hore.

"Afartan sano ayaan siyaasadda Soomaaliya kusoo jiray, waxaana ciidammada ku biiray sannadkii 1954-kii," ayuu yiri marxuum C/llaahi Yuusuf markii uu iska casilayay xilkii madaxweynimo ee Soomaaliya sannadkii 2008.

Sidoo kale, Col. Yuusuf wuxuu ahaa aasaasihii jabhaddii SSDF oo ahayd jabhaddii ugu horreysay oo la dagalanta dowladdii uu milateriga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad Barre oo isaguna geeriyooday bishii Jannaayo sannadkii 1995-kii.

Dhowr jeer ayaa lagu xiray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana xarigiisa uu la xiriiray arrimo siyaasadeed, isagoo qayb ka qaatay afgambi lagu doonayay in xilka looga tuuro Jen. Barre sannadkii 1978-kii, balse isku daygaas wuu ka dhicisoobay.

Marxuumku wuxuu sidoo kale ahaa hoggaamiyihii aasaasay maamulka Puntland ee ka jira Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inuu kula dagaalamay Puntland xoogaggii Al-Itixaad oo markaas doonayay inay qabsadaan halkaas si ay uga dhisaan maamul iyaga hoos-taga.

Waxyaabaha sida aadka ah loogu xusuusto ayaa waxaa ka mid ah inuu codsaday in lagu caawiyo dowladdiisa 20,000 oo askari oo ka yimaada dalaka dariska ah si loo dajiyo Soomaaliya oo ay muddo dheer dagaallo ka socdeen, waxaana dowladdiisii oo la gashay dagaal xoogaggii Maxkamadaha Islaamka caawiyay ciidamada Itoobiya.

Beesha caalamku maanta waxay doonaysaa in 18,000 oo askari la gaarsiiyo ciidamada AMISOM si ay xasilloonida u soo celiyaan, waxaana markii uu Col. Yuusuf dalbanayay ciidamada shisheeye loo arkayay inuu doonayo inuu sii huriyo dhibaatada Soomaaliya ka jirta.

Col. Yuusuf ayaa 10-sano ka hor waxaa beerka looga badalay dalka Britain, wuxuuna u geeriyooday hadda xanuun intiisa badan ka haleelay sababada, wuxuuna ifka uga tagay afar caruur ah oo isugu jira laba wiil iyo laba gabdhood iyo hooyadood.

Intii uu isbitaalka ku jiray waxaa ku booqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo la sheegay in afar casho ka hor ay taleefoonka kuwada hadleen madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Weli go'aan lagama gaarin halka lagu aasayo, waxaana mid ka mid ah xubnihii sida aadka ahaa ugu dhawaa markii uu xilka madaxweynenimo hayay uu sheegay inay kala tashan doonaan halka lagu aasayo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

http://www.hiiraan.com/news/2012/Mar/wa ... -17390.htm

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 6:09 am
by daiman
I wrote here earlier hoping it was hoax, then I checked Hiiran online (as usual). It is indeed true.

The death of anyone reminds us our very own mortality. Kulu nafsi daaiqatul mowt, indeed.

''Marxuumku wuxuu sidoo kale ahaa hoggaamiyihii aasaasay maamulka Puntland ee ka jira Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inuu kula dagaalamay Puntland xoogaggii Al-Itixaad oo markaas doonayay inay qabsadaan halkaas si ay uga dhisaan maamul iyaga hoos-taga.''

May eb this is the best thing he ever did. I thought he was in his 80's though. I am a bit surprised that he was 78.

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 8:38 am
by *Nobleman*
AUN

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 9:58 am
by FAH1223
AUN

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:07 am
by abdisamad3
AUN.

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:17 am
by luis1
Yusuf died I can not believe it.

I would like to know what Abdullahi Ahmed Yusuf says about Ogaden War 1977/78 in his memories.

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:22 am
by FBISOMALIA
luis1 wrote:
Yusuf died I can not believe it.

I would like to know what Abdullahi Ahmed Yusuf says about Ogaden War 1977/78 in his memories.
he wrote book of his memories you can find it any bookshop

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:36 am
by Eaglehawk
AUN president cabdulahi yusuf grateful nation misses you

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:38 am
by afisoone
Waxaa Maanta Geeriyoodey sida la xaqiijiyay Madexweynihii hore ee Soomaaliya General Cabdulaahi Yusuf. Allah yarxamaka Ya Cabdulaahi Yusuf.
Image

Remember the days we used to give him "Bilad sharaf leh online". http://saciidbarre.com/Cabdulahiyusuf/



Cabdulaahi Yusuf Salaad kujiro.
Image

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:49 am
by Lamagoodle
So, the story was true?.
It is time for all those who called people liars to apologise.
Death is a companion.

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:52 am
by Chinaman
AUN. Ilaahay janatul firdaus ha geeyo.

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 10:54 am
by FBISOMALIA
Chinaman wrote:AUN. Ilaahay janatul firdaus ha geeyo.
ameen

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 11:19 am
by SahanGalbeed
:lol: , seriously , checkmate comes from the arabic Shaykh {king} and Mawt for dead .
may Allah show mercy on him .

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 11:20 am
by Thuganomics
AUN

Re: Breaking news Abdullahi Yusuf died

Posted: Fri Mar 23, 2012 1:00 pm
by Hyperactive
AUN.