lafo lafo ,,, i prefer hj unity to issaq unity , i don't mine if seelanyo loses as long as all hj vote 4 him thou

remember naa hj never got anything free in our lifes other then wat we took by force or under threat of force .
------------------------------------------------
Ninkii Baha Xabuusheed arkaa baadha dirirteeda
Basarkii Qureyshta iyo sidii Beder na faalleeye
Nagase badi Isaaq beenta iyo boolo-xooftada'e!
------------------------------------------------
Bulbulloow Libaax iyo dawaco power kala roone
Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye.
-----------------------------------------------------
Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede
Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey
Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay
Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye
Waataa hareertaada bari looga hoy dhigaye
----------------------------------------------------------
Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye
Maroodiguba soo jeesigaan maaro loo heline
Malyoon lagu dhinto bay dhigeen marinkii ceelkiiye
-------------------------------------------------------------
Iminkaan masqaro loo dilayn meel nin jiifsadaye
Mudo aan yarayn baan Nugaal muranto taagnayde
Ay qoloba qolo maaganayd inay maquunshaane
Allaylehe Isaaq baa mulkiyey maaxdi Caynaba'e
---------------------------------------------------------------
Maskan iyo Cagaar Habar Jeclo mooyo tumanaysa
Oo midhaha dooggiyo ka badan maadha iyo ciidda
Masaakiin la dhaco waydinkii moodey reerahae
Marraaq lagu gubto iyo bay noqdeen muriyo waabaye
Muusiyo Qudeer uga aroor maalki reer Hagare
Imikay ku meermeerayaan Miilo iyo Laase
----------------------------------------------------------
Bismillaahi nimankii hubkii boobay baan ahaye
Kuwii beerka dhigay baan ahaa baaxadsooraha e
Baaruuddu nimankay maryaha baal jartaan ahaye
Banka Goray banaankii Xadeed Bohol dhanaankiisa
Beerweyso iyo dooxooyinkii buubku miranaayey
Barasankii Nugaaleed raggii boolyey baan ahaye
Ee ay haatan beeshiyo Farduhu uga bariistaane
Buuhoodle nimankii ka dhigay booddadaan ahaye
Nimankii wadaadkii ba'naa baacsadaan nahaye
---------------------------------------------------------
Gaashaanku weligiiba waa nagu galoollaaye
Kobtii Geeri laga eegayaba waysku gudubnaaye
Gashi Bixinta dheeraadku waa gob iyo caadkeede
Allaylehe bagaa rag isu galay laysba garan waaye
------------------------------------------------------------
Geyigii Nugaal Godan haddaan rag uga googooyey
Garoowe iyo Qawlaba haddii gaadhka lagu meershey
Geeddiga Ugaadhyahan hadduu goorna furi waayey
Gadhcas iyo Majeerteen hadday garagaleen maanta
Gabbalka iyo waagaba hadduu gaade dami waayey
Oon geel tolkay dhaqay nin kale gorof ku maalaynnin
Oo aanay Caynaba golweyn gobo' ka qaadaynnin
Sow geeri waa loo dhashaa gama' haddeer maaha
-------------------------------------------------------------
Wallee ceelki Badweyn
Cagaciid iyo Sool
Caynaboo ka korreysey
Ceeldhaab baan la cabbayn
Cidla weeye Nugaali
Cawskeedii lama daaqo
Buuhoodlaan cammirayn
Ciid guduudani baabah
Colaadaa amarkaa leh
-----------------------------------------------------
Darandoori waw ridi jiree toban miyaan daadshey
Ma lixbaan daqiiqaha ka dhigay duubiyada xoogga
Ma labaatan wada diidayay dani ka soo reebtay
Nimanbaa dubbuhu igaga dhacay lamase doonayne
Caynaanshe Dalab baan lahaa degello naafeeye
Reer Weydkan dihinbaan lahaa dayrta ku casheeye
Danyaroow Xuseen iyo ma galay dabatadii Muumin..
this is the history aad ku xaarysiid hooyada wase .
no hj no somaliland
