"Sidoo kale Maleeshiyo laga uruuriyo Gobolka Gedo ayaa waxaa tababar uu uga socdaa Deegaanka Doolow Ethiopia, waxaana tababar siinaya Saraakiil Ethiopian ah, iyadoona Maleeshiyaadkan loo diyaarinayo sidii ay ugu duuli lahaayeen Magaalada Kismaayo oo ay gacan ku heynteeda dhamaadkii Bishii Agosto la wareegeen Xoogag Islaamiyiin ah."Voltage wrote:Garowe Online been badanaa.
Maamulka Islaamiga Kismaayo oo ku dhawaaqay inuu ka hortagayo abaabulada dagaal ee ka soconaya Gobolka Gedo.
Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ayaa markii u horeysay ka hadlay abaabulada dagaal iyo maleeshiyo uruursiga ka socda Gobolka Gedo, kaasi oo ay wadaan Saraakiishii dhowaan Maleeshiyadooda looga itaal roonaaday Magaalada Kismaayo.
Kuxigeenka Dhinaca Warfaafinta ee Maamulkaas Sheekh C/fataax Ibraahim Cali ayaa sheegay inay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada iyo abaabulada ka socda Gobolka Gedo, waxaana uu sheegay inay ka hor tagi doonaan.
Mas'uulkan ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Ethiopia inay ka dambeeyaan abaabuladaas, isagoona ugu baaqay Mujaahidiinta inay u midoobaan sidii ay ugu hortagi lahaayeen dhamaan abaabuladaas ku soo wajahan Magaalada Kismaayo.
"Sida ay u diyaar garoobayaan ayaan anaguna u diyaar garoobeynaa, waxaana ugu baaqayaa mujaahidiinta inay midoobaan"ayuu yiri Mas'uulkaas ka tirsan Maamulka Islaamiga Kismaayo.
Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo waxaa ka socda abaabulo xoogan, kaas oo uu wado Xildhibaan Barre Hiiraale, waxaana Xildhibaanka uu sheegay inuu weerarayo Magaalada Kismaayo si dib gacantiisa ay usoo gasho.
Sidoo kale Maleeshiyo laga uruuriyo Gobolka Gedo ayaa waxaa tababar uu uga socdaa Deegaanka Doolow Ethiopia, waxaana tababar siinaya Saraakiil Ethiopian ah, iyadoona Maleeshiyaadkan loo diyaarinayo sidii ay ugu duuli lahaayeen Magaalada Kismaayo oo ay gacan ku heynteeda dhamaadkii Bishii Agosto la wareegeen Xoogag Islaamiyiin ah.
Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada isaga soo horjeeda ee ay kala wadaan dhinacyadaas ayaa maalmihii u dambeeyay aad looga dareemayay, waxaana bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ay cabsi ka muujinayaan dagaalo lagu hoobto oo halkaas ka dhaco
Hooyga wararka Somaliyed
Jowhar.com & Jowharnews.com
Jowharcom@hotmail.com
http://www.jowhar.com/main/news.php?readmore=362

