Captain24 wrote:Murax, I got access to the largest database in the world, and I was just reading how Morgan defeated General Warsame, and again another Marehan general back in 1998![]()
Ninyaho You keep talking about Cayr Man, Morgan Had Raxanwein who were thristy for revenge which is 5x Cayr, He Had Ogadeen (Some) in addition to His Harti. It was When He started trying to make an alliance with Sacad who were controlling L Shabelle (Cusman Caato) Then Marexaan Siyaasiin countered with Cayr to offset that even though it wasn't close to the alliance uu Morgan isku biirsady. Saaxib, Morgan's biggest mistake was showing disprespect to the clan that turned Him from a zero to something, but karmas a bij. Anyway, who cares about discussing what happened 11 years ago.
I told You about this plan about a one time TFG/Ahlu Sunnah assult from a lot of different fronts, and now even Your Allpuntland is reporting.
Muqdisho: Mucaaradka dowladda ee ku sugan Gedo, Bakool, Hiiraan, Labada Shabeele, Jubada Hoose, Jubada Dhexe oo dagaal udiyaar garoobaya!!!!.
16. august 2009
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Mucaaradka dowladda ee ku sugan Gedo, Bakool, Hiiraan, Shabeelada Dhexe & Hoose, Jubooyinka Dhexe iyo Hoose iyo Banaadir ayaa isku diyaarinaya dagaal adag oo ay lagalaan ciidamada dowladda Soomaaliya, taageerayaashoda oo ay ku jiraan Maleeshiyaad Soomaali ah iyo ciidamada midowga Africa ee ku sugan gudaha caasumada Soomaaliya.
Dagaalka ayaa lafilayaa in uu noqdo mid saf-balaaran ah oo laga sugayo qaadidiisa dowladda Soomaaliya, waxaana ayna mucaaradka dowladda Soomaaliya ilaa shalay iyo xalay Saqdii dhexe ay wadeen dadaalo ku aadan sidii ay kooxahaasi ula dagaalami lahaayeen.
Ciidamo badan oo katirsan Al- Shabaab iyo taageerayaashooda ayaa la dhigay Jiidaha dagaalka ee gobalada Banaadir, Gedo, Bakool, Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Jubada Hoose & Jubada Dhexe, kuwasoo loogu talagalay in ay ka hortagaan dagaalo ka yimaada dhinacyo cadow ku ah mawqifkooda, waxa ayna bilaabayaan difaacidaasi, sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxdan.
Saraakiil ka tirsan Ururka Al- Shabaab ayaa usheegay AllPuntland in ay doonayaan in ay iska difaacaan dagaal ay soo qaadi doonaan dowladda Soomaaliya oo ay kaalmeyn doonaan ciidan badan oo ka socda dalalka Itoobiya & Mareykanka oo dhinaca Cirka taageero ka siinaya.
Al- Shabaab waxa ay awood ku leedahay gobalada Koonfureed ee Soomaaliya badankooda, waxaana dagaalada saan-saantooda laga dareemayaa duleedyada gobalada kala ah Gedo, Bakool, Jubada Hoose, Hiiraan iyo Jubada Dhexe oo ah goobaha ay cabsida ugu badan ka jiraan ee ku aadan dagaal ka yimaada dowladda Soomaaliya.
Todobaadyadii ugu dambeeyey waxa ay dowladda Soomaaliya falkinaysa ama Abaabulaysay dagaal baahsan oo ay dhulka hoose kugaliso Awooda Hubeysan ee ka soo horjeeda, waxa ayna la kaashatay dagaalkaasi hurintiisa iyo dagaalkiiba dowlado ay ka mid yihiin Itoobiya & Mareykanka, isla markaasna waxa ay hada Mucaaradka Soomaaliya cabsi ka qabaan in dagaalkaasi bilowdo, kaasoo caqabad ku ah daganaanshaha Al- Shabaab iyo sida ay hada wax uwadaan.
Saan-saanta dagaal ee ka socota gobalada kala gedisan ayaa saameyn ku yeeshay dhinacyada kala duwan ee Adeegyada Bulshada, waxa ayna Maamulada Al- Shabaab soo rogeen Amaro ku aadan difaacida deegaanada iyo waxyaabaha looga baahan yahay Bulshada.
Mucaaradka ayaa xoogooda saari doono gobalada qaarkood oo ay difaacyada ugu adag ka sameysteen, kuwasoo ay ka mid yihiin gobalka Bakool (Wuxuu yahay meel Istiraaji ah oo ay galaan Wadooyin badan), Gedo ( Wuxuu yahay gobal ay aad ujoogaan Xarakooyin kala duwan kuna yaalaan Saldhigyo dagaal oo aan deg deg looga guuri karin), Jubada Hoose ( Waa gobalka ugu muhiimada badan ee ay dhinacyadu ku difaacayaan Awoodooda ugu sareysa, taasna waxa ay sababo hoose ku sheegayaan in ay ku taalo Deked weyn, ayna tahay meesha leh deked Caalami ah oo ay hada gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya), Labada Shabeelo ee Hoose iyo Dhexe ( Waxa ay ku dhow yihiin magaalada Muqdisho, kamana aysan soo gudbaan taageerada loo wado dowladda Soomaaliya, waxa ayna dulsaaran yihiin Muqdisho oo ay ka xigaan labada dhinac,taasoo ah mid muhiimad weyn leh), gobalada ay aad ugu dagaalami doonaan Al- Shabaab ayaa ah kuwa muhiimad weyn u leh.
F. C. Maxamed
AllPuntland