The Guurti Extended their term for another 3 years and 8 mon

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by Siciid85 »

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Ku Tilmaamay Muddo Kordhinta G. Guurtidu Qalinka Ku Duugtay Mid Lagu Khiyaameyey Oo Aanay Aqbali Doonin,Kana Tashanayaan.
(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 07, 2010

Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa shaaca ka qaaday inaanay aqbali doonin muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameysay Golaha Baarlamaanka Somaliland [Guurtida iyo Wakiillada] iyo Golayaasha Deegaanka, isla markaana ku tilmaamay inaanay muddo kordhintu ahayn wakhtigan mid la filayey, balse ay tahay arrin lagu khiyaameeyey.



Sidaa waxa uu ku sheegay Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Xasan Xuseen Cod-yare oo mar maanta duhurkii u wamayey Mustafe-janaale oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.



Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Cod-yare ayaa ku tilmaamay muddo kordhinta Golaha Guurtida mid Xisbi ahaan lagu khiyameeyey, isla markaana ay ka tashanayaan, waxaanu yidhi“Muddo Kordhinta Golayaasha Barlamaanka Somaliland [Guurtida iyo Wakiillada] iyo Golaha Deegaanku maaha arrin la filayey, waa arrin na lagu khiyaameeyey, oo nin xafiis fadhiya oo yidhaahda aniga uunbaa isku kordhiyey waa fool-xumo oo wax la arkay maaha maamul ahaan iyo sharci ahaanba inuu yidhaahdo aniga isku kordhiyey maaha, doorashadii haddii ay soo dhawaatay, taasina gaboowdey oo ay raagtay, tallo qaran ayaanu ku jirnay sadexdayada Xisbi qaran [UCID, UDUB iyo KULMIYE] iyo komiishanka ayaa na loo xil-saarnay waanu aragnay inaan qabasahda doorasho laga gaadhsiin karayn, laakin mudada la kordhinayo waxaan doonayey inay noqoto sanad”



“Wax caqliga gala maaha sadexda sanadood iyo sideeda bilood ee ay Guurtidu isku kordhisay , iyo muddo kordhinta Golaha Wakiillada ee labada sanadood iyo sideeda bilood iyo Muddo Kordhinta Golaha Deegaanka ee sanadka iyo badhka, waxaanan mid kawada dhigi lahayn qabashadooda doorashada Baarlamaanka Somaliland iyo Golayaasha Deegaanka ileyn wadanku doorasho uun kuma jirayo,” Xasan Xuseen [Cod-yare] waxa uu sheegay inay qurux-badnayd in sadexda doorasho ka kala qaad-qaado, balse ay ahayd in hal mar la wada-qabto.



Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Xisbiyada furashadooda dib ayaanu u dhignay, labada doorasho [Wakiiladana Iyo Golyaasha Deegaanka] lama qaban karo ayaanu nidhi, waayo dalka deegaanka iyo xaaladaha nagu wada xeeran ayaa khariban,”



Afhayeenka Xisbiga UCID waxa uu ku eedeyey Xukuummada inay la heshiisay Baarlamaankii [Guurtida iyo Wakiillada] , isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan lahayn bal waxeeni hore aynu saxano oo ummad la doortay xafiisyada ha timaado, Imika waxa heshiiyey maamulki [Xukuumadii] iyo Baarlamaankii [Guurtida iyo Wakiillada], annagu [UCID] arrintan la sameeyey ma yeelayno oo waanu ka hor imanaynaa,….anagu waanu diidanahay korodhsiimada dheer ee aan cilmiga ku fadhiyin iyo doorashooyinkan la kala qaad-qaaday, wadanku ma doorasho uun-buu ku jirayaa cid waliba way xiiqayaan oo komiishanka ayaa xiiqay, oo Xisbiyada ayaa xiiqay oo horumarkii ayaa dhaawacmaya”



“Guurtidan la leeyahay way isku kordhiyeen ma noqonayso markii hore-ba sharci may ahayn, Markaa ninkii berigii hore lahaa waa xaaran inuu maanta ogolaado waa khalad”



Xasan Xuseen [Codyare] waxa uu xusay inay Xisbi ahaan talo-isaga imanayan muddo kordhinta, waxaanu yidhi “Xisbigii [KULMIYE] shalay xaarantimaynayey inuu maanta taladayadii ka hoos baxo oo uu Guurtidii yidhaahdo isku kordhiya, oo aan wada yeesho Baarlamaankii [Guurtda iyo Wakiillada], kolay talo ayaanu Xisbi ahaan galayna”.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by The_Emperior5 »

Mr_Alfaas wrote:
Siciid85 wrote:The_Emperior5, laakinse golaha guurtiida their time already started wu bilowday since their extension finished few months ago, laakinse barmaalanka termkiisi ba ma la gariin, it will start from mid 2011 + 2 years and 8 months, but golaha deeganka is 1 year and half that election is not far.
waxay kaga egtahay 29 september 2010 golaha wakiilada :down:
haa thats what i was thinking
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by LiQaaye_TDH »

The Parliament election should have been held Next Month :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by Siciid85 »

The parliament is not going anywhere aslong as the Guurti is there.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by Rightwing »

Siciid

Intaad qashinka copy and past noogu smaynaysid, maxaa kuu diiday inaad noo soo koobto warka as quote?


Back to the topic.

waxaan u malaynayaa dhaqaale uma hayno doorasho kale hada. Horta wadanku hasoo yare kabto.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by The_Emperior5 »

LiQaaye_TDH wrote:The Parliament election should have been held Next Month :lol:
Yeah but because rayaale and udub extended the presidential election 3 times we could not hold it in 2010 so it will be in 2012 it understandable how the hell can we hold another election if we just got one behind us
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by Siciid85 »

Rightwing, to summarize it, it says Xisbiiga Muraacadka ee UCID is against this extensions for Guurtida, Barmaalanka, Golaha Deeganka, and they have said they will not accept it and called it invalid.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by LiQaaye_TDH »

Yeah the Goverment cant afford to hold an election now, speciaaly after they spent so much money on the presidential Election...

1 year would be enough :arrow:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:Rightwing, to summarize it, it says Xisbiiga Muraacadka ee UCID is against this extensions for Guurtida, Barmaalanka, Golaha Deeganka, and they have said they will not accept it and called it invalid.
What does ucid want to hold parliament elections this year :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by Siciid85 »

of course not this year, they wanted after 1 year.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Guurti Extended their term for another 3 years and 8

Post by Cali_Gaab »

That's it hadaba, I think old wounds have healed between Salebaan Nuur iyo Silaanyo. It's time for cooperation and salebaan nuurs main responsibility is to always favour kulmiye hadaba, no matter what :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”