Mashaariicda horumarineet ee reer Finland ka wadaan Somalia, khaasatan goboladda SSC(Daawo+sawiro)
vocational school
SSC xasiloonidaro siyaasadeed iyo mid nabadgelyoba ayey haddan qorbajoogta reer Finland ku adkaysatay inay wadaan hormarinta arimaha bulshada taas oo ay u arkaan in hadii lagu guulaysto ay fure u noqon karto xalinta dhibaatooyinkaas, bulshada siinaysa garaad iyo aqoon ay ku xaliyaan dhibaatooyinka la soo gudboonadda kagana maarmi karaan fegradaha meelaha kale laga soo dhoofiyo ee aan inta badan waaqica dhabta ku salaysnayn.
Hadaba qorbajoogta reer Finland oo adeegsanaya ururo ay leeyihiin iyo kuwo wada shaqayn ka dhaxaysaba waxay wadanka fuliyaan mashaariicdan hoos ku qoran:
1. 1. Mashruuca Horumarinta reermiyiga
Mashruucan waxaa Maalgeliya ururka SSHDA qaybtiissa Finland. waxaana fuliya ururka Nomadic Development Organization, NDO
Mashruuca waxaa qorshiisu yahay inuu u dacactiro iskuuladii hore ama u dhiso iskuulo cusub tuulooyinka ka fog magaalooyinka waawayn ee dadku aanay soo gaadhi Karin waxbarashada asaasiga oo laga helo degmooyinka.
Mashruucani wuxuu ka dhisay tuuladda Maygaale ee degmada Buuhoodle ka tirsan iskuul hoose oo ka kooban laba fal iyo laba musquoloo, kaasoo shaqdiisa bilaabay 2009 ayna dhigtaan arday gaadhaysa 80 isugu jira heerka 1.aad iyo 2:aad
fasalada Maygaagle iyo Sooljoogto oo qudhac ah Dugsiga hoose ee Mayg.
fasalada Maygaagle iyo Sooljoogto oo qudhac ah Dugsiga hoose ee Mayg.
Tuuladan intii ka horaysay mashruucan geed hoostiis ayaa duruusta lagu qaadan jiray, balse dadaalkaas waxay ku mutaysteen inay noqdaan tuuladii mashruuca lagu bilaabay.
Sidoo kale wuxuu ururka SSHDA ka dhisay tuuladda Lafaweyne oo degmada Xudun ka tirsan iskuul laba fasal ka kooban, kaasoo dhowaan shaqadiisa bilaabi doona Insha allaah.
Dugsiga hoose ee hadda laga dhisay Lafaweyne
Dugsiga hoose ee hadda laga dhisay Lafaweyne
Mashruucani wuxuu dhiirigelinayaa iskudhfaka xoolodhaqida iyo beeraha si reermiyigu cuntadooda ula soo baxaan, iyadoo mashruucu siin doono dadka tababaro beeraha, qalabka gacmeed wax beeraha lagu falo (gudin, masaaro, mandaraqyo, manjarafado ( IWM).
Qalabkii beeraha oo dadka loogu deeqay
Qalabkii beeraha oo dadka loogu deeqay
Mashruucu wuxuu ka dhisay tuuladda Maygaagle biyoqabatin la dhigay bacda adkaysiga u leh ilayska iyo kulaylka qoraxda biyahana celisa ( water pond liner ), taasoo loogu talogalay waraabka beeraha
Mudawaciintiii tuulada Maygaale oo xorfadii u diyaarinaya dhigistii bacda
Mudawaciintiii tuulada Maygaale oo xorfadii u diyaarinaya dhigistii bacda
xorfadii oo la dhigay bacda biyaha celisa iftiinka iyo kulaylka qoraxdana u adkaysata ee pond liner-ka
xorfadii oo la dhigay bacda biyaha celisa iftiinka iyo kulaylka qoraxdana u adkaysata ee pond liner-ka
Mashruucu wuxuu ku talo jiraa inuu isku soo xidho beeralayda iyo hay,adaha taakuleeya beeralayda si ay uga helaan siidhka, agab kaleba
Mashruucani wuxuu ka qoday isla tuuladdaa ceel gacmeed 28 m ah oo biyo nadiifa oo maaxa leh, looguna talogalay inay dadku ka cabaan
Ceelka Maygaagle
Ceelka Maygaagle
1. 1. Mashruuca quudinta bukaanka TB-da ee jiifa dhakhtarka Lascanod
Mashruuca waxaa lagu quudiyaa ilaa 50 oo jiifa dhakhtarka guud ee Lascanod,waxaa la bilaabay sanadkii 2005, waxaana hirgelyey Ururrka Sahan.
Bukaankaas oo la siiyaa cunto saddeda wakhti. Cuntada waxaa lagu soo diyaariyaa meherad si gaar ah loo leeyahay si loo hubiyo tayada cuntada.
qaarkamid ah bukaanka
qaarkamid ah bukaanka
Mashruucani wuxuu wax ka taray dhibaatadii bukaanka miyiga ka imanayey ee lagu daaweynayay dhakhtar, kuwaas oo horay dhibaato uga haysatay joogitaanka magaaladda oo aanay dhaqaale u haysan qaraabana ku lahayn, waayo dadka TB-da qaba qwaa la takooraa oo sahal lagu soo dhowaysan mayo.
1. Mashruuca waxbarashada dadka waawaeyn
Mashruuca waxbarshada dadka waaweyn oo isna uu fuliyo isla ururka Sahan ayaa waxaa laga hirgeliyey Magaalooyinka Las-anod, Taleeh, Boocame, Widhwidh, Xamarlaguxidh iyo Buhodle
Waxbarashada dadka waaweyn ee Lascanod
Waxbarashada dadka waaweyn ee Lascanod
Mashruucan oo u jeedadiisu tahay in dadka aan fursada u helin waxbarshada asaaiga ah aqoontooda kor loogu soo qaado si ay ula jaanqaadaan waxbarshada ka baxda iskuulada caadiga ah.
waxbarshada dadka waaweyn ee Buhodle
waxbarshada dadka waaweyn ee Buhodle
Mashruucan waxaa ka faaiideysta ilaa hadda arday yaryar iyo waaweynba leh, sida ku muujisan shaxankan hoos ku yaala:
shaxanka muujinaya ardayda
MAGAALDA TIRADA ARDYDA
Gabdho Wiilal
Lascaano 65 57
Boocame 39 22
Taleex 15 21
Widhwidh 22 20
Xamalaguxidh 19 15
Buhodle 90 40
Isugeyn= 420 arday
1. 1. Mashruuca xanaanada hooyada iyo dhalaanka
MCH buhodle: faadumo Warax oo u adeegaysa hooyo ilma wadata.
MCH buhodle: faadumo Warax oo u adeegaysa hooyo ilma wadata.
Mashruucan MCH-ka ah waxaa laga hirgeliyey degamada Buhodle, waxaana maalgelya ururka SAHAN. Mashruucan adeegiisa waxaa maalintii ka faaiideysta dad lagu qiyaasay celceliskii 25 maalintiiba qof wuxuuna furan tahay 4 maalmood /weegiiba, sabtida-talaadada.
Mashruucani wuxuu hooyooyinka uurka leh, kuwa nuujinayaba iyoubadkoodaba ugu tabarucaa adeeg caafimaad oo dhamaystiran, waxaana joogaa kalkaaliyaal caafimaad oo khibrad dheer leh daryeelka caafimaadka, umuliso iyo xirfadle shaybaarka ah.
Waxaa kaloo macmiisha la siiyaa daawooyinka MCH-ka iyo cunto nafaqo leh.
raashin loo qaybinayo hooyooyinka horay
raashin loo qaybinayo hooyooyinka horay
Cuntada waxaa ku deeqay hay,adda WFB oo soo marisa ururka iskaashiga NDO
1. 1. Mashruuca farsamada gacanta ee Lascanod
Iskuulka xirfadda ee Horisontti, Lascanod
Iskuulka xirfadda ee Horisontti, Lascanod
Msharuucan oo la bilaabay sanadkii 2006 waxaa hirgelyey ururka HORISONTTI ry ee reer Finland. Mashruucan oo loogu talogalay inuu siiyo dadka dhalinyarada ee ka soo guuray miyiga xirfad ay kula so baxaan noloshooda magaalada.
Ardayda ka najaxday iskuulkan oo laba dafcadood maraysa waxay markiiba ka dhexmuuqdeen saylada shaqada, waxayna xirfadaah ku soo kordhiyeen farsamo cilmiyaysan, qaarkoodna waxbarshadii ayey sii ambaqaadeen.
Arday farsamada dhismaha baranaysa, Lascanod
Arday farsamada dhismaha baranaysa, Lascanod
Ardaydan waxaa marka hore la baraa akhriska, qoridda, xisaabta asasiga ah iyo luqada Englishka oo bilow ah ka dibna sanad farsamo ah isugu jirta barsho fasalka ah iyo tababar xirfadeed
Arday farsamada tolida baranaysa, Buhodle
Arday farsamada tolida baranaysa, Buhodle
Mashruucana farsamooyinka ilaa hadda la hirgeliyey waxaa ka mid ah Dhismaha, dawaarka iyo Cuntokarinta
Mashruuca waxaa sanakii dhowaa lagu balaadhiyey degmadda Buuhoodle, waxaana lagu talojiraa in sidoo kale lagu balaadhiyo degmooyinka gobolka sanaag. waxaana hadda wadahadal wadashaqayneed u socotaa hay,ada USAID oo laga yaabo inay farsamooyin kale ku soo kordhiso
mashruucan waxaa ilaa hadda ka faaiideysta arday gaadhaysa 140 ardayda hadda dhigataana waxay ku muujissan yihiin shaxda hoose:
MAGAALDA TIRADA ARDYDA
Gabdho Wiilal
Lascaano 58 33
Buhodle 67 47
Mashaariicdaa kala duwan waxaa ka hawlgala oo mushaarooyin ka qaata hawlwadeeno tiradoodu kor dhaafayso 40, kuwaaso fuliya hawlaha mashaariicda
Seminaar wacyigelin waxbarshada ku saabsan
Seminaar wacyigelin waxbarshada ku saabsan
Abdulqadir Kopra oo ka hadlaya seminar waxbarashada ku saabsan
Abdulqadir Kopra oo ka hadlaya seminar waxbarashada ku saabsan
Gudoomiyaha ururka SSHDA Abdulqadir Mohamed Abdi, KOPRA oo hadda u
jooga wadanka kormeer uu ku samaynayey mashaariicdaa iyo sahanka mashaariic cusuba ayaa wacyigelin ka samaynayey dhamaan degaanadda hawluhu ka socdaan, wuxuu u soo jeedinayaa bulshda SSC meel kasta ay joogaanba inay ka qaybqaataan hawlahaa khayriga ah, bulshaduna iskeed wax u qabsato ee aanay sugin gacan shisheeye.
Mashriicdaas aan kor ku soo xusnay intooda badan waxaa wadanka ka hirgeliya
ururka maxaliga ah ee Nomadic Development Organization (NDO), kaasoo maamulkiisa iyo hawlwadeenada shaqaaleeyeenba runtii muujiyeen hawlkarnimo, daacad iyo eex la,aa, taas oo aan looga baran NGO-yada gudaha ka shaqeeya.
Mashaariicda Horisontti ay maalgeliso waxaa waxaa halkan ka fuliya Xafiiska SSHDA ee Lacanod.
Hawlaha hadda Jaaliyada reer finland oo ku talajirta qorshaynta mashaariic bulshadu u baahan tahay ayaa i diiradda ku haya xal u helida baahiyaha hoos ku qoraan
- dhisida iskuulka Sooljoogto, kuwaas oo hadda qudhac hoostii wax ku dhigta.
- ku balaadhinta waxbarshada dadka waaweyn dhamaan degmooyinka SSC
- Masjid iyo malcaamado loo dhiso tuulooyinka iskuulada laga dhisay (Matgaagle iyo lafaweyne ).
- dhismaha iskuul farsamo oo Lascaano laga hirgelyo
- ward jiif ah oo loo sameeyo bukaanka TB.da ee rugbta daaweynta TB ee buuhoodle
- Dayactirka iskuul hoose ee yeyle iyo kuwo kaleba.
Hadaba isku soo duuboo hawlahaas iyo kuwo kale oo badaniba waa kuwo u yaala bulshada SSC, shicib, maamul, ururo iyo qurbajoogtaba, qofkastana loo baahan yahay inuu masuuliyadeeda xil iska saaro.