*HELWAA wrote:Yaa so xaqijiyey, it's to early to know?
They use astronomical calculations, so they announce it well ahead. Thats what some islamic bodies in America and EU have done.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
*HELWAA wrote:Yaa so xaqijiyey, it's to early to know?
Bishaaro bishaaro: wasaaradda Garsoorka, owqaafata iyo arrimaha Diinta ayaa iclaamisay in maalinta birrito ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.
Wasiirka Garsoorka Owaqaafta iyo arrimaha Diinta Axmed Xasan Gaboobe)Ugaas Bille) oo goor dhow waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in biri ay tahay maalin ciid, isagoo tilmaamay in ay wasaaradda dadaal ballaaran sameysan kaddibna la xaqiijiyay in bisha Soon Fureed laga arkay gobollada Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo meello islamarkaana shacabka Soomaaliyeed loogu bishaareynayo ciidul Fidriga.
Wasiirka ayaa ugu hambalyeelay dhammaan ummadda Muslimiinta gaar ahaan dad Soomalaiyeed meel walbo oo ay joogaan.
Agaasimaaha guud ee wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta Shiikh Maxamed Khayroow ayaa sheegay in la isku raacay in birri ay tahay maalin ciid ah, sidoo kale agaasimaha wasaaradda Shiikh Cali Maxamuud Shiikh Cali Dheere ayaa tibaaxay in marka hore shacabka Muslimiinta ah ee aduunka jooga ay la qaybsanayaan ciidul Fidriga, waxa uu dhinaca kale ka hadlay in aanu loo baahneyn in lagu deg dego Tukashada salaada ciida maadaama dadka ay doonayaan in ay iska bixiyaan Fidrada loona baahan yahay in salaada waqti wanaagsan ummada la dujiyo.