Waxaa waa iska sheeko,baardheere waa la isaga daba imaan,ragi cawlyahan waala guubaabiyey and it worked.Only 3 years ago waa kuwi boorka iska jafay
Baardheere 2008-07-23, (afdheer) Odayaal kasoo jeeda deegaanka gobolka Gedo gaar ahaan degmada Bardheere ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay maamul loo dhiso degmada baardheere oo aanay dadka deegaanku heshiis ku aheyn.
Odayaasha iyo qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka ugu jira beesha Absame ayaa si wadajir ah u qaadacay maamul ay beesha Mareexaan ka dhsito Baardheere.
Kulan looga hadlayey arrintaas ayey Odayaasha iyo xubnaha xagga siyaasadda u matala beesha Absame ee ku jira dowladda Kmg ah ku shegeen in maamulka degmada Baardheere ay magacaabi karto wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya iyadoo ay heshiis ku yihiin beelaha halkaas dega.
Baardheere waxay deggaan u aheyd beesha Absame waxaana laga dooran jirey xilligii isticmaarka iyo dowladihii rayidkaba xubno beesha Absame ka tirsan waxayna ka mid tahay magaalooyinka ugu Qadiimsan dalka S oomaaliya ee lagu yaqaan beesha cabanaysa, hase yeeshee muddooyinkan dambe waxaa awoodda maamul iyo gacan ku heynta magaaladaas u badan beesha Mareexaan ee degta gobolkaas Gedo intiisa badan.
Afdheer.com