He arrived this morning
Waxaa goor dhow magaalada Garoowe soo gaarey wefdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wefdiga madaxweyne Shiriif oo ay ku jiraan xubno kale oo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe.
Mas’uuliyiin tira badan oo ka tirsan madaxda ka qayb gelaya shirka Garoowe-2 ayna kamid yihiin madaxweynaha Puntland, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyo Augustine Mahiga ayaa wefdiga Shiriifka soo dhoweeyey.
Sidoo kale soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qayb qaatay dadweyne aad u tira badan oo isugu jirey arday, xubno ka tirsan ururada haweenka, iyo kuwo ka socdey ururada dhalinyarada.
Waa markii 2-aad ee uu madaxweynaha Soomaaliya magaalada Garoowe soo gaaro mudo 3-bilood gudohood ah, waxayna booqashadii tan ka horeysey ee uu Garoowe ku yimid ahayd xiligii uu furmayey wejigii 1-aad ee shirka wadatashiga Dastuurka.