niyoo waa jirantahay aan filaa barkee maxaa qabiilka keenay meesha aniga waxaan ka hadli jiray hiiraan as being SYLs political constituency not my qabiil sidoo kale waa isko dhexyaacsantahay oo meel lagoo raaco malihid!PrinceNugaalHawd wrote:Okay Baladweyne Bob You have seen me before lol...
You have this weird Cuqdaad, against Reer-Waqooyi & Darood, & somehow you think you are always right. Baal mantaa wuxuu Qofkaan kuu sheekaynayo arka Somalis from DJ, NFD & Somali Galbeed were not part of the Society & Governement of Somalia pre-1969. .
Professor all Knowing what is SYL & who were SYL, Hawadle are SYL & Hiiraan = SYL??
Taarikhda somalia hadii aan koo faaideeyo, dhinaca koonfurta waxaa heestey talyaaniga ka hor dadka banadiriga iyo maayga oo la isko dhaho sab somalis. ninka zanjibar umatalayay min kismayo ilaa warsheekh wohoo ahaa digil, governorka xamar woxoo ahaa banadiri waliba reer cuman ah (ahmed boo saciid)
Saa darteed, markii wadanka talyaaniga qabsadey waxee la dhaqmeen nativeska
Ugu horeen waxeey xiriir la yeeshteen mj oo soo dhaweeyay maxmiyadna laga dhigay madama cuman ay banadiriga taageeraan iyo maayga
Dhinaca koonfurta waxey toos u hoostageysay talyaniga waxaana ka bilaabmey halgan ciidan iyo mid siyaasadeed
Talyaaniga dadkii ka horyimid buu damcay inuu la heshiiyo
Arintsan waxee keentey in sabkii ka horyimaadaan talyaniga, saas ayeyna ko timid SYC
Qaar sabka ka mid ah waxey aqbaleen inay xukumi karin somalida waxayna goosteen in isticmaarka sii jooga sida, carabta, barawaaniga iyo digilka, arintaas oo keentay in golaha shacabka laga siiyo kuraas aan ku dhisneen doorasho
Dadka lafoole dadka ku laayey carab bey ahaayeen talysaniga u shaqayn jirtey
Siyaasada SYC waxeey eheed inay ayaga hogaaanka qabtaan waxaana taageeri jiray masar iyo jamacada carabta
Sanadkii 1946kii ayaa waxaa dhintey hogaamiyaheedii (general secretary) sakhawadin, waxaa ku jiray groupkiisa siyaasi baladweyne ka soo jeeday oo sh ali jumaale la dhihi jiray
waxaa jirey branch beledweyne ka jirtey oo aad u xooganeed waxaana local secretary ka ahaa cabdullahi ciise
Cabdullahi ciise ayaa waxaa xoghayaha SYC u doortey kowii samaalaha ahaa oo ka soo jeeday badanaaba hiiraan iyo mudug khaasatan waqooyiga ama ku dhashtey hobyo inkastoo ay mj ahaayeen qaarna ay sacad dhaleen sida sharmarke
laantii baladweyne waxaa qabsadey adan cade (regional secretary)
Halkaas markeey sheekado mareeyso, kowii samaalaha ayaa waxay ukala jabeen qabiil, waxaa taxaaluf yeeshay cabdullahi ciise, sh ali jumcaale iyo adan cadde oo markaan laga dhigay madaxa SYL
shirarka caalamiga ayagaa u matali jirey SYL sida shirkii paris ee baven plan oo cabdullahi ciise ka qayb galey arintaan oo ingiriisku rabeen inay ayaga la wareegaan trusteeshipka, soona jeediyay in lagu daro ogaden iyo NFD iyo waqooyi
Dadaal badan ooy dawlada ethiopia samaysay ayadoo markaa ah xubin UN wax ka aasaastey, waxay heshey taageerada maraykanka iyo russia saa darteed ingiriisku way kabexeen in ogaden lagu daro trusteeshipka laakiin hawd iyo NFD la raacinn karo arintaan oo u cuntami waysey cabdullahi ciise wuxuuna taageerey soo noqoshada talyaaniga
Dawladii ingiriiska markii ay booskii waysey waxay hawd siisay ethiopia(1955)NFD kenya(1961)
ugu danbeytii, daakhiliyadii waxaa la wareegay cabdullahi ciise oo raysul wasaare noqdey iyo adan cadde oo speakerka noqdey, xataa qabiil ahaan ayagaa wasiirada badanaaba qaatey
Ayagii baa hadana iskhilaafeen markii markii groupkii cabdullahi ciise ay shareexeen jumaale oo watey barnaamaj irirism ah oo uu taxaaluf kula galey cigaal, groupkii waqooyiga mudug waxay taageereen adan cade oo isa soo sharaxey
Hal cod ayuu kaga guuleystey
Aniga pointgeyga waxa waaye dadkii SYL sameeyay ka urursiyaasadeed waxay matalayeen baladweyne xubnahoodu haba ahaadaan 60 oo ku jiray golaha dhexe dhamaana wadanka matalaysay
Ururkaan siyaadaseed ma qabin in dad deg waqooyi iyo koonfur isko raacaan ayadda oon af somali la qorin si manhajka waxbarashada loo mideeyo ooo markaas af ingririis iyo af talyaani ahaa
Waxay kaloo ka soo horjeesteen tariqa siyasiya oo laga wadey SYC oo qabyaalada bas ka soo horjeedat
Marka niyow baro taariikhda iyo farqiqa siyaasadihii soo marey dalka
SYL wax sab ah koma jirin!
https://books.google.co.uk/books?id=DPw ... CB4Q6AEwAA
https://books.google.co.uk/books?id=h_M ... CBwQ6AEwAA