how old is lacageey? this lady is crazy and needs help. we have local shabeele hoose adminstrators running the region, governors, mayors and police chiefs, all from the local people. there are 1000 police recruits all local boys and girls now in training. indhocadde is like hitler or ariel sharon in the cruelty dept. thank allah for the demise of that truck driver.
Maamulkii Degmada Baraawe oo La Dhisey:
Magaalada Baraawe.01/27/07
Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho
Waxaa Degmada Baraawe oo ku taalla koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose looga dhawaaqey maamul cusub oo dadka deegaanka ay dhisteen ka dib markii ‘maamul-ku-sheegee’ halkaas ka jiri jirey la kala direy. “Maamulkii’ horey ka dhisnaan jirey oo madax ka ahaa ninmii layiraahdo Cabdullaahi Xalane ayaa la kala direy markii ciidamada Maxaakiimta ay Degmadaas qabsadeen dabyaqadii sanadkii hore, kuwaas oo iyagana la burburiyey markii ciidamada Dowladda oo kaashanaaya kuwa Dowladda Itoobiya ay gacanta ku dhigeen wadanka intiisa badan.
Waxgaradka, Nabaddoonnada iyo Aqoonyhannada Degmada Baraawe ka soo jeeda ayaa xussul-duub u galey dhismaha maamulka Degmadooda waxaanay isku raaceen in ay guddi ka kooban 9 xubnood sameeystaan, kaas oo Guddoomiya u yahay Cali Maxamuud Sheegoow 9Cali Marduuf).
Doodo dhaadheer iyo is-qabqabsi badan ka dib waxaa lagu guuleeystey in la dhiso maamul mideeysan oo ay iska leeyihiin dadka Degmada u dhashey inkasta oo dhowr qof oo dhuuni-qaateyaal ahi ay weli ku dadaalayaan in ay wax la wadaan Cabdullaahi Xalane oo weli u hanqaltaagaaya in uu sii watto boobkii iyo dhacii uu ku hayey dadka Degmada Baraawe. Waxaase meesha ka baxay awoodii ciidan ee beeshiisa ay haysan jirety Gobolka Shabeelaha Hoose oo idil laga bilaabo waqtigii la dhisey Dowladdii Arta oo madax ka ahaan jirey Cabdi Qaasin Salaad.
Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho.
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com