Page 3 of 3

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 10:13 am
by Ayub21
gabeyki oo dhan oo Sayid Majeerteen o tariyay waa kan.

1. Majeerteen majnuun inuu yahaan, marag u haystaaye

2. Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode

3. Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere



4. Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe

5. Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne

6. Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso

7. Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto

8. Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne



9. Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay

10. Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane

11. Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne



12. Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso

13. Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba

14. Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e



15. Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede

16. waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye

17. Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye



18. Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye

19. Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre

20. Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane



21. Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye

22. Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne

23. Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe



24. Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne

25. Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane

26. Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya

27. Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha

28. Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya





Ouch! That was really harsh

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 11:38 am
by Ina Baxar
Wax cay isugu yeedha , marka la caayo na kula yaaba raggan baan ku arkay :lol:

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 11:56 am
by Ayub21
Ina Baxar wrote:Wax cay isugu yeedha , marka la caayo na kula yaaba raggan baan ku arkay :lol:
Ina baxar, do you wanna me to post what the sayid siad about Idoors iyo qaad? :lol:

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 11:58 am
by Ina Baxar
Ayub21 , qolomaad tahay horta adigu , bal aan kula qosle :lol:

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 12:06 pm
by Ayub21
Ina Baxar wrote:Ayub21 , qolomaad tahay horta adigu , bal aan kula qosle :lol:
aniga waxaa ahay qoladaan. Sayid waxuu u yidhi



" Allaylehe dad lama caasiyee daris Abgaal baa leh! Alleylehe dad lama hasdee daris Abgaal baa laeh!” :clap:

"Abgaal mudane weeyaane
Waa niman halkaas aad marteen maro ka saarnayne
Waa niman midnimadooda jecel midhaha Soomaale
Waxba hays marmarin waa dad aan kula masoobayne
:clap:

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 12:09 pm
by Ina Baxar
Haa..waan gartay ... eene gabadha la yidhah warsan star muslimah ee halkan soo gasha , miyaad isku dhowdihin ?

PS :eeg hadda waad ila hor maraysa nasaqnimada ..anigu na habkii aad ku badbaadi lahayd baa kula raadinaya :lol:

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 12:23 pm
by Ayub21
Ina Baxar wrote:Haa..waan gartay ... eene gabadha la yidhah warsan star muslimah ee halkan soo gasha , miyaad isku dhowdihin ?

PS :eeg hadda waad ila hor maraysa nasaqnimada ..anigu na habkii aad ku badbaadi lahayd baa kula raadinaya :lol:
Ina Baxar, warsan star waa gaber somalia eh.

waxa kale aa sheegtay ma fahmin, :lol: :lol:

Re: RE:The dark side of Sayyid Abdullah Hassan

Posted: Wed Apr 29, 2009 12:27 pm
by Ina Baxar
:lol: , waa iska huu-haa , baalaxoofto , waxan uu jeeda
" walle gabdhaasan kugu dhaafay e , gadhkaad ku roori mar dhow " :lol: