I was searching Hiil Qaran on google

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Mondey »

TheblueNwhite wrote:Mondey
Nin wadankiisa jooga ayaa ka war haya waxyaabaha uu wadanka u baahan yahay, dhibaatada taala iyo wadada lagu xalin karo, laakiin nin cappucino ku cabaaya Minneapolis oo iska dhisaaya cadaanka dadkiisana aflaagadeynaaya habeen iyo maalin ileen waa nin ismoodey inuu samada iyo dhulka kala haayee, waxba keeni maayo, waxna ma xalin karo.
taasi sax waxay noqon kartaa only marka laga hadlayo "humanitarian crises" ee dalka markaas ayaa la odhan kara ninka moqdisho jooga ayaa ka war haya meesha biyo laanta ama cunto laan ay kajirto, meesha cudurado ay ka dilaaceen etc etc. laakin siyaasada marka laga hadlayo ma la odhan karo ninka somalia joogay ee 20 sano xabada oo iswaydaaranaysa daawanayay ayaa mar walba ka kaarti badan ama ka fikir wanaagsan ka dalka dibadii jooga.. wayo xaalada somalia maanta kataagan waa lala wada socda dal dibadii iyo gudihiiba. taasi waxa cadaynaysa ninka laydhaa Farmaajo isaga oo waligi USA joogay waa kii casharo badan u dhigay kuwan ad sheegaysid e dalka gudihii jiif jiifay.

teeda kale, la soco in xisbigan HQ headquarter kiisu yahay Xamar oo wakiilo iyo dad matalaa halkaas ku leeyahay.
Waxaad ugu nacamleeyneysana wey iska cadahay kow dheh, marka halkaa ka sii wado filimkaad shidatey ileyn runta ayaa ku dhadhameyn.

anigu HQ waxaan u taageeraa simply bcoz ayaga ayaa dalka u roon marxaladan aan joogno waxyaabo badan oo fiicana wan ku arkay oo inu wax badali karo waan aminsanahay. laakin adiga iyo ninka artikalka soo qoray sababta runta ah ad ku diidantihiin waa lo jeedaa.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by TheblueNwhite »

Saxiib Farmaajo waxba ma keenin, maalinba intuu hadlo ayuu hadal kale la iman jirey maalinta labaad, ragga wasiirada dawlada kursigeeda ku fadhiyey markaa ayaa asaga dhan wadey run ahaantii, i.e. AbdiShakur AUN, Fiqi, etc. Shaqadiisa leave of absense ayuu ka soo qaatey markii R/W loo magacaabey, taas ayaa aheyd red flag from the get-go, anigaba waan saarnaay Farmaajo caravan been kuuma sheegaayo, laakiin maalintii uu is casiley ayaa ogaadey waxa uu yahay, maantana waan ku faraxsanahay inuu cashar ii noqdey. C/welina waa kan oo aad aragto sharaxaad badan uma baahna.

Nimankan prof isku sheega ahi ma waxbarashada wadanka ayeysan wax ka qaban karin? mise lacag in la siiyo ayey doonaayaan?

Prof, Dr iyo Eng wey buuxaan wadanka gudihiisa haddaad u maleysey iney ka maqan yihiin, sababta aadan u aragna waa hunguri weyn kama haayo kursiga, waqtigoodana fadhikudirir kuma dhameystaan oo dadkooda iyo dalkooda ayey wax u tarooyaan lacag la'aan.

Raggan aad u maleysey iney Soomaaliya dhibaatada taala xalinayaan waa rag laga nacey dhulka ay joogaan, waxaan aflagaado aheyna ma yaqaanaan, nin Soomaaliya joogana waxa u rabo iyo waxa u quman ma garanaayaan xataa sida ummada loola hadlo ma yaqaanaan. Haddaad u maleysey pretty words oo Hiil Qaran website lagu soo qorey iney dhibaatada Soomaaliya xalineyso, waad sugi doontaa 21 sanno oo kale ee kursi fiican oo aad ku sugto soo iibso.

Teeda kalena Farmaajo markuu Xamar yimid ayaa indhaha u furmeen, waa uuna xamili waayey mas'uuliyadii iyo waajibkii laga rabey inuu guto. The man ran with a suitcase full of $ bills. Cimaamadii ayaa ka dhacdey. Mar danbe ayaa nin dibada ka yimid wadanka u talineynin, haddey taas dhacdana waan ka sabrey Soomaaliya.
Last edited by TheblueNwhite on Sun Nov 20, 2011 10:16 pm, edited 2 times in total.
User avatar
accident
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3782
Joined: Tue Sep 27, 2011 1:06 pm
Location: Auckland, New Zealand

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by accident »

What is Hiil Qaran? Is it like Qaran Express - Money transfer?
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by TheblueNwhite »

teeda kale, la soco in xisbigan HQ headquarter kiisu yahay Xamar oo wakiilo iyo dad matalaa halkaas ku leeyahay.
Niman gaajeysan $$ loo tuurey oo la yiri sacbo tuma Hiil Qaran posters isku sawira miyaad u moodey wakiilo, HQ kulahaa. Waxaa macquul kula noqotey miyaa in nimankii abaabuley xisbigan ay dibada amaro ka soo dhiibaan? Saaxiib aduun war uma haysid ee filimkaada sii wado. :up:
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Mondey »

blue

horta waxaad ogaataa inuuna prof. ahmed somaalia lacag uga baahnayn wayo sida loo wada yaqaan waa nin aqoonyaan ah jaamacadaha dunida o dhan so maray weeyaan shaqo fiicana hada hu haystaa TV yada calamigaa ah iyo kuwa soomalido leedahayba way isla borotomaan sida interview 15 min ah loga helo. markaa ninku nin sumcad ama lacag raadinaya maaha... labada kuwa dalka jooga weeyi kuwa raadiya mansab lacag biil ah ay ku helaan musuq maasuqa ugu badana dhankooga ayuu ka imaada. 10 kan sano ee ugu dambeeyay waxa dalka maamula qurba joog maaha ee maxay soo kordhiyeen oy taliyeen nakad iyo musiibo mooyaane? A.Yusuf, Geedi, Shariif etc etc? Farmaajo waxyaalo badan iyo isbadal badan inu keenay waala wada ogyahay shacbiweynaho sidu u taageeray waala arkay, ee ninka waa lo tashaday.. corruptionka farahabadan ee ka jira tfg dan ay hoogaaminayaan kuwan ad ku sheegtay inay wax xaliyaan ayaa sababay inu resign gareeyo.

waan ogahay in Prof, Dr iyo Eng intaba laga wada helo dalka, laakiin ogow in kuwaas ayna ku jirin ama ay ku yar yihiin qaar u qalma inay hogaamiyaan dalka iyo umada marxaladan aan taaganahay, sababta oo ah haday jiraan maanta sh. shariif ma ahaan lahayn madaxweyne shariifka kalena ma noqon lahayn headka parlemanka iyagoo dadka ugu aqoon yar.

dhamaan ragan Hiil Qaran matalaa maaha rag jago raadsanaya, maaha dad qabiil ku dhaqma ama danbiilayaal ahaan jiray ama kuwa diinta kudaba dhuunta si ay meel u gaadhaan maaha.. waa rag u doodaya noble cause oo daacad ah. waa aqoonyahano ugu yaraana 20 sano ayay darsayeen oy la socdeen siyaasada somalia.
Last edited by Mondey on Sun Nov 20, 2011 11:19 pm, edited 1 time in total.
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Lamagoodle »

My synthesis on the drama of somalia;

Belief in a god called tribalism and be enslaved intellectually by it. You stop reasoning as a human being; you see a straw man everywhere.

You should view any other move/approach as a threat because for you as a believer any differing view becomes a threat to your existence.

Simply put; you live in a bubble

We need platforms like Hil-qaran to free us from the bondage of tribalism and the ills it has brought us.

For a revolution to occur (see e.g. the French revolution of the late 18th century) you need societal decay followed by yearning for change from the masses.

Hegel predicted this before the Russian revolution; see his slave and master approach.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by TheblueNwhite »

Mondey
Sxb waxaad u hadleysaa inaad taqaano raggan Hiil Qaran wata, sida aan hadaladaada ka arkeyna ma maleynaayo inaad taqaanid shaqsiyan ama aad weligaa iska hor imaateen oo hadalo is weydaarsateen.

Ragga Soomaaliya waxa u qabanaya aan sheegey, haddeysan maanta joogi laheyn xaalada wadanka meel xun ayey mari lahayd. Ragga iskuulada u furey caruurta Soomaaliyeed ee waxbarashada u baahan lama tirin karo, ragga reerkooda ka soo tagey si ay wadankooda wax u taraan lama tirin karo, inta Dr ee clinic furey lama tirin karo.

Sharifkan aad aragto oo aad u maleysey inuu iska yimid meesha, wadanka ayuu ku soo laabtey asagoo qurbo joog permanent ka dhigan karey, warlordyadii ayuu la dagaalamey, isbaarooyiinka ayuu ka qaadey jidadka Xamar asagoon qori qaadan. Haddaad u maleysey inuu meesha iska yimid waad iloowsho dhowdahay sxb. Sweat, blood and tears buu ku yimid meesha uu joogo, dheeldheel ha u maleynin. Sida uu yahay maanta waa arrin kale, laakiin halgankiisa marnaba ha dafirin.

Haddii aan u soo laabano raggan Hiil Qabiil wata ee qurbaha ku odeyoobey, fadhikudirikana caadeystey, lacagna ku qaata iney aflaagdeeyaan wadankooda bal ii sheeg maxay u qabteen Soomaaliya?

Prof la yaqaano waxaan u aqaan
http://www.soc.iastate.edu/newsletter/f ... kusow.html
not Samatar bros oo jago madexweyne hunguri ka haayo 2011. Markii Minnesota laga nacey ayey Soomaaliya rabaan iney magac ku raadsadaan, ragga yaqaano wax ka weydii intaadan iska nacamleyn. Hadal badan haan ma buuxsho bey Soomaalidu tiraahdaa, marka sida aan horey kuugu sheegeyba filinkaada wado. Anaga ayaa raggan la joogna, waxay yihiina si fiican ula socda ee adigu isku maaweeli waxaad doonto Awdal State iyo Samatar bros iyo shinbirtii kale ee buubtey sxb. :up:
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Mondey »

aqoon faro badan waanu u leenahay raga akhyaarta ah ee Hiil Qaran, hadaad wax aynaan garanayn haysid de ilaa maanta ayaanu kaa sugaynay laakiin waxaad ku adkaysatay kaliya "waa rag la soo nacay...cisbitaal ma dhisin" hadal noocaas o kale xaqiiqatan maaha hadal dood loola imaado.

Blood and Sweat ayaad sheegtay.. ani nin aqoonyahan o poliitician ah ayaa iigala haboon marwalba inu madax noqdo mid jaahil ah oo 100 hospital iyo 100 clinic furay, ama ku mar wadaad ah marna askari ah oo 100 sano wax layn jiray.. dadkaas leaders ma noqon karaan talo in loo dhiibtona maaha waana nasiib daro inay maanta na maamulaan. meesha waxa loo baahanyahay waa dadka Maskaxda iyo Fikrika wax lagu dhisi karo u saaxiibka ah.

Hiil Qaran hal nin ama laba nin maaha ee waa group dhan. sababtaad u diidsantahayna waan ognahay.. umada somaliyeed haday iskuracaan wax yeeli maysid adi iyo kooxda corruptionka ah ee ad hor ordaysid.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by TheblueNwhite »

Aniga su'aashan ku weydiiyey ee aad ka meermeerasatey more than 3 times ayaa waxay tahay, maxey Soomaaliya u qabteen?

Jawaab uma haysid su'aashaas, maxaa yeelay hawo kale ayaad ku duuleysaa, isku mowjadba kuma socono run ahaantii, xisbi dibada laga soo dhisey oo dibada laga maamulaayana meesha uu ku danbeeyo waa la wada ogyahay, ee enjoy the movie ileyn wax kale ma haysid. Ku dabaalo caashaqa Samatar bros' Hiil Qaran iyo Awdal State yada yada. :up:

Wacaleykum Salaam
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by TheblueNwhite »

Image
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Lamagoodle »

Go on Blue and White and Mondey;

Keep it civilised

This is what we need :up:
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Cirwaaq »

Lamgoodle

Let me understand you. Hiil Qaran is presenting a thesis.

Their intellectual proposition is thus:

It is a party open to all adult somalis who are willing to invest intelectually, economically and physically. This party is open to all those who are from the former Somali republic and who are nationalists. In addition the party will be built on the Islamic princibles. They are committed to non violence and peacefull coexistance with neigbouring states i.e Djbouti, Yemen, Ethiopia and Kenya.

Hiil qaran's position on TFG and it's "nemesis" Shabab
Hiilqaran will not partake of a process that is blatantly dishonorable.
in reference to a Moqadishu held conference.

As an example can you present an antithesis to the above?
User avatar
samatar133
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2342
Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by samatar133 »

TheblueNwhite wrote:Image
:lol:
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by Mondey »

Image

Image

dad aan mabda lahayn oo naftooda u shaqeeya :down:

Image

HQ codka shacabka :up:
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: I was searching Hiil Qaran on google

Post by TheblueNwhite »

Welcome to rejectville
Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”