Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by quark »

AUN

We lost a good man.
User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15174
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by ZubeirAwal »

AUN :down:
User avatar
abgaalKING
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by abgaalKING »

AUN.
User avatar
Amilla
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1791
Joined: Thu Mar 19, 2009 10:57 am

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by Amilla »

AUN

When and how did this happen? :shock: Who is behind it? did they get caught? :x
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by Xamud. »

Amilla
No one is sure yet, but there are few suspects, yacni dadka noqon karto in ay ka danbeyaan.
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by samadoon-waaxid »

he was killed by al-shabaab,listen to sheikh Umal's lecture about it

http://taleex.net/2011/12/06/shiikh-max ... d-dhagayso
User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by garoweboy »

AUN
May Allah punish those who were behind this killing in this life and the hear after..

Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman will always be in our hearts and memories. :up:
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by Mondey »

AUN to the sheekh and samir iyo imaan to his family..

waxa jira dad qarsoon oo fitnad iyo khalkhal ka dhix wada dadka.. waa in gacan lagu dhigaa.. ilaahay ha sahlo.
User avatar
D-Runner
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1293
Joined: Mon Nov 02, 2009 12:09 am
Location: What plan? Let's just meet up for a cup of tea and come up with our own state too.
Contact:

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by D-Runner »

AUN Shiikh Axmed Xaaji... eheladiisana illahow samir kasii, kuwii dilaayna illahow ciqab mida ugu xanun badan degdeg kaga soosaar, amiin.
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by Sagaashan »

Xamud, Ilaahay ha u naxariisto Adeerkaa, iyo iftiinkii Ummadda:

Image
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by Sagaashan »

Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by Sagaashan »

Ugu horrayn aan taczi u diro ehelada iyo asxaabta Sheekha, uguna yeero sabar iyo ajar xisaabsi, ka dibna aan Ilaahay uga baryo Sheekha inuu dambigiisa dhaafo, qabrigana uu uga dhigo beer beeraha jannada ka mida, qiyaamahana uu hariyo hooskiisa maalintaas oo aan hoos kale jirin, jannada Firdaws-na ka waraabiyo, raallina uu ka noqdo, aakhirana uu ugu raaxeeyo eegista wajiga Ilaahay.

Tan labaadna aan sheego in dilka nabiyaasha iyo kuwa dadka samaha faraha yahay sunna (dhaqan) soo jireen ah, dilkooduna uusan ahayn guuldarro ee uu yahay muuqaal ka mida muuqaalada guuleed ee Alle ugu ballanqaaday rususha iyo kuwa raacay. Dhinac kalena Alle mu’minka naftiisa iyo maalkiisa wuxuu kaga iibsaday janno, waxaana laga doonayaa inuu halka iyo waxa Alle doonayo kaga shaqeeyo, ninkii nafta iyo maalka ku waaya isaga oo halkii iyo wixii Alle u diray ku gudajirana waa guulaystay, Sheekhana inuu kuwaas ka mid ahaa baan u rajeynaynaa.

Mid kalena nabi Muaxammadba maalin buu geeriyooday, cid laga jeclaa ama diinta iyo ummadda uga waxtar badnaydna ma jirto, saas oo ay tahay Abuubakar wuxuu yiri: ninkii Muxammad caabudi jirey Muxammad waa dhintay, ninkii Alle caabudi jireyna Alle waa noolyahay, mana dhimanayo. Markii la faafiyey in nabi Muaxammad la diley oo asxaabtii niyad jabeen, Anas ibnu Alnadar wuxuu yiri: “kaca oo ku dhinta wixii uu ku dhintay”. Haddaba muhimadu waa in mabda’ii sheekha loo dilay la nooleeyo ee isaga in nafta lagu celiyo awalba ma suurtagasheen.

Mid seddexaadna dambiyada ugu badan ee Alle ciqaabtooda soo dadajiyo waa gardarada iyo caasi waalidnimada, dulmigaas hadduu ku dhoco dadka qaarki ama xilliyada qaarkood ama goobaha qaarkoodna kaba sii daran. Haddaba waxaan idiin ku qalbi qaboojinayaa in dulmiga bareerka ah iyo habaarka mu’miniintu aysan cidla dhacayn ee Alle ku filanyahay ka aarsiga daalimiintaas.

Iintaa ka dib isweydiin mayno Sheekha yaa diley oo waa arrin ku sugnaan karta qiraal, markaati iyo dariiqqoyin kale oo faldambiyeedyada lagu xaqiijiyo. Dhinac kalena waa arrin qaraa’inta (calaamadaha) faldambiyeedka la xiriirta iyo duruufta ku xeeran wax laga fahmi karo. Waxa muhiimka ah ee u baahan in la dul-istaago waa sababta loo diley Sheekha iyo ujeeddooyinka ay ku xaqiijinayeen kuwa dabbaray dilkiisa.

Dr. Axmed ma ahayn nin ay dadka is qabtaan ama loolan la gala, umana dhalan af xumo iyo naqdi kulul. (beri baa rag saaxiibadiis ah waxay yiraahdeen: Dr. Axmed waxa uu si adag u diidanyahay wuxuu dhahaa: war nimanyohow koofiyaddaa ina ka dhacaysa ee inaga daaya ama maradaa inaga dhacaysa ee inaga dhaafa!. Hadday taasi jiri lahayd waxaan is oran lahayn wuxuu u dhintay aano qof ahaaneed ama afkiisuu eeday, laakiin taasi ma jirto. Tan kale ma ahayn nin beelo la duuban, kuwo kalena ku duullaan ah. Hadday saas jirtana waxaan is oran lahayn aano beeleed buu u dhintay, mase jirto.

Dhinac kale ma haysan xukun, nin xukun haystana xigto dhow iyo taageere gaara midna uma ahayn. Hadday taasi jirtana waxaan is oran lahayn xukunkuu eeday ama xeer jaahiligii ninka xigtadiisa loo aanayn jirey baa loo cuskaday, laakiin iyaduna ma jirto.

Haddaba maxaa loo diley Sheekha?

Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan (Sawirkaan Waxay Raxanreeb ka qaaday Marxuumka 24, April 2010- Boosaaso)
Sheekhani ma lahayn mabda’ iyo mashruuc aan ahayn kan islaamka ee isaga kaliya ayuu cumrigiisa ku beelay. Ragga qaar baa hawlo xunxun ama shaqo adduun ama dhallinyaronimo iyo xoogaa suuqinimo ah u hormartaaye isagu wuxuu ku indha kala qaaday dacwada islaamka. Ma ogi haddii eed looga dhigi karo wax ka mida waxyaabaha uu qabto oo diintu farayso, sida: baaqa islaamka, dhigista cilmiga, farista samaha, reebista xumaha, naseexada muslimiinta iyo heshiisiintooda.

Taasi waxay ina gaarsiinaysaa natiijo ah: “Sheehku wuxuu u dhintay wixii uu xambaarsanaa ee uu ku baaqayey oo ah farriinta islaamka, cidda dishayna waxay ahayd cid la col ah mabda’a uu wadey iyo dadka xambaarsan, tilaabadaanina waxay ahayd mid ka turjumaysa colaaddaas oo lagu doonayey in lagu naafeeyo mabda’a uu hirgalintiisa sheekhu u taagnaa.”
Wax ka soo qaad ma leh cidda loo adeegsaday fulinta faldambiyeedka iyo halkudhigga loo cuskaday ee waxa qabashada iyo wax ka soo qaadka leh waa cidda maleegtay falkaan iyo ujeeddooyinkay ka lahayd. Haddab aynu isweydiino su’aasha soo socota, jawaabna aynu u helno.

Haddaba maxaa ina kala gudboon arrintaan?

Hadday inoo caddaatay in aysan jirin colaad qof ahaaneed oo sheekha loo diley ee ujeeddada uu u dhintay ay ahayd naafaynta mabda’ii uu xambaarsanaa oo qur ah waxaa ina la gudboon in aynu qaadno tillaabooyin lagu faafinayo, lagu xoojinayo, laguna hirgalinayo farriintii Sheekhu gudanayey, isla markaana si buuxda looga hortago hab walba oo lagu wiiqayo dacwada islaamka iyo ehelkeeda. Si loo xaqiijiyo arrintaasna waxaa habboon in la qaado tillaabooyinkaan:

1. in la sameeyo Barnaamijyo ( nadwooyin, muxaadarooyin, waraysiyo iwm) ka baxa idaacadaha, TV-yada iyo qalabka kale ee warbaahinta oo lagaga hadlayo dhacdadan iyo waxyaabaha la xiriira.

2. in laga qoro dhacdada maqaalo iyo warbixino lagu falanqaynayo dilka Sheekha, sababta loo diley, cidda ka dambayn karta, sababta dadkeena gaarsiisey inay laayaan culimadooda iyo nin doorkooda, siyaabaha afkaarataas looga hortagi karo iwm.

3. in culumada iyo ducaadda lagu dhiirrigaliyo xoojinta dacwada, ayna ka digtoonaadaan in cabsigalin lagaga hor istaago gudashada waajibkooda diimeed iyo ummadeed, halkudhegooduna uu noqdo: “ kaca oo ku dhinta wixii uu ku dhintay”.

4. in bulshada laga jaahil bixiyo in nabiyaasha iyo ducaadda waligood loo dili jirey diinta ay ku baaqayaan darteed, ayna tahay guul ee aysan guuldarro ahayn, lana dareensiiyo in dhiigga culumada iyo ducaaddu shidaal u noqonayo faafinta diinta, muslimiintana laga doonayo inay fahmaan in xilku saaran yahay inta nool ee sheekha dhintay uu kaalintiisii gutay.

5. in laga soo saaro dhacdadaan bayaano dhaleecayn ah; waayo nabigeenu “SCW “dadkiisa wuxuu ku tarbiyeyn jirey dhacdooyinka.

6. in la soo uruuriyo dhaxalkii cilmiga ahaa ee sheekhu ka tagey ha ahaado mid qoran, mid cod ah ama mid muuqaal ah, ka dibna la faafiyo.

7. in guddi loo sameeyo ama jamciyad loo aasaaso uruurinta, ilaalinta iyo faafinta dhaxalkiisii cilmiga ahaa.

8. in ardaydiisii iyo saaxiibadiis sii labanlaabaan dadaalkii ay ku bixinayeen hirgalinta iyo difaacida manhajkii uu sheekhu u noolaa, una dhintay.

9. in dhacdadaan looga faa’iidaysto faafinta dacwada iyo dhiirrigalinta dadka xambaarsan ee aysan noqon wax dadka ka cabsi galiya dacwada iyo sheegista khayrka.

10. in dhacdadaan iyo kuwa la midka ah looga faa’iidaysto sixitaanka iyo toosinta dadka marinhabowgu ku dhacay, iyo qaawinta afkaarta qalloocan ee keentay in culumada si bareera loo duro, loona laayo.

11. in masaajidda iyo maraakizta soomaaliyeed ee dunida daafeheeda ku yaal laga wada bilaabo QUNUUT ALNAWAAZIL lagu habaarayo habaarqabayaasha diinta iyo ehelkeeda ku tumanaya, waana dhaqankii nabigeena “SCW”
User avatar
maryandagan
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 268
Joined: Wed Mar 09, 2011 3:44 am

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by maryandagan »

ina lilahi waina ilahi rajuccun,

my uncle faroole should go, this is getting out of hand ,

so sad ... :shock:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by The_Emperior5 »

He was a good man my father knew him Personally AUN

Somalis really lost a good Scholar. :(
User avatar
MrSinister
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2797
Joined: Sun Sep 18, 2011 5:35 pm

Re: Sheikh Ahmed Xaaji Cabdirahman killed in Bossaso

Post by MrSinister »

AUN.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”