looks like i was right after all
Guddida Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Ka Cadhooday Jawaabtii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland
hadhwanaag 2009-06-27 (Hadhwanaagnews) London (Hadhwanaagnews.com) -- Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha congresska marayanka Donald Payne ayaa canbaareeyey isla markaana ku tilmaamay waxaan la aqbali karin qoraal jawaab ah oo kaga yimid wasiirka arrimaha dibadda Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale oo uu kaga cudur daartay inuu ka soo qayb gallo shir maalintii shallay ka dhacay xarunta golaha congresska maraykanka oo lagu lafa guraayey xaaladda wadanka Soomaaliya.
Fadhiga dhegaysiga ah oo ay soo qaban qaabisay guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha congresska dalka maraykanka shallay khamiistii oo ku beegnayd 25 june 2009-ka ayaa waxaa ka soo qayb gallay Wasiirka gaashandhiga Yuganda Crispus Kiyonga, safiir ku xigeenka dawladda Shariifka u fadhiya Washington iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha congresska maraykanka Donald Payne ayaa ugu horayn warbixin dheer oo uu ka akhriyey kulankaasi dhegaysiga ahaa wuxuu ka waramay xaaladda guud ee waddanka Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay wuxuu ku soo arkay mar uu booqasho ku tegay Soomaaliya horaantii sannadkani, wuxuu sheegay in aan xaalada Soomaaliya sidaasi lagu daawan doonin isla markaana dawladda maraykanku ay gacan ka gaysan doonto sidii ayuu xasiloonida dalkaasi loo soo celin lahaa.
Mr Donald Payne oo ka hadlaya sida uu u arko sida xal loogu heli karo Soomaaliya wuxuu yidhi "xalka aan arka waxay tahay iyadoo seddexda gobol ee Soomaaliya ka koobantahay (Somaliland,puntland iyo koonfurta Soomaliya) la isku keeno isla markaana laga dhigo quwad midaysan oo hanan karta shacabka soomaalida ah" ayuu yidhi.
Mr. Payne oo ka hadlaayey qoraal jawaab ahayd oo uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ku qaadacay inuu kulankaasi kaga qayb gallo ayuu ku tilmaamay guddoomiyahu wax aan la aqbali karin "jawaabta nooga timid Somaliland wasiirkooda arrimaha dibaddu waa mid aan la aqbali karin, dawladda maraykanku waxay doonaysa inay dawo u hesho dhibaatada guud ahaan ka taagn soomaaliya, waxaananu aaminsanahay in gobolkaasi Somaliland ay fure u noqon karaan mid militery iyo mid siyaasadeedba waxaa ka soconaya muqdisho, inaanay halkani nagala soo qayb gelin oo casuumadii aanu u fidinay aanay qadarina waxaanu u aragna inay niyad jab nagu ridayso" ayuu yidhi Mr. Payne.
Waxaa isaguna markhaati ahaan uga hadlay dhegaysigan Ngoga Gateretse oo ah la taliyaha midawga afrika ee arrinta Soomaaliya oo ka warbixiyey kaalinta ciidamadda nabad ilaaliyayaasha afrkaanka ah ee jooga magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ka hadlay Ted Dagne oo ah nin ku takhusasay arrimaha geeska afrika kalana taliya golaha congresska dalka maraykanka arrimaha mandaqadaasi wuxuu soo jeediyey in dawladda maraykanku ay siiso gargaar militery dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo maamulada Somaliland iyo Puntland si ayuu yidhi loola dagaalamo kooxaha islaamiyinta ah oo ku ah khatar ayuu yidhi mandaqadda oo dhan.
dhinaca kale waxaa shirkaasi ka hadlay Madaxweynaha maamul goboledka Putland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegay in Soomaaliya looga baahanyahay ayuu yidhi inay ku daydaan sida puntland oo kale, oo dadka deegaanadaasi colaadu ka taagantaay ay xal keenaan oo heshiiyaana ayuu yidhi sidi Puntland oo kale sannadkii 1998-kii, wuxuu soo jeediyey Mr. Faroole Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland in la xoojiyo fekradda midnimada Soomaaliya oo ka bilaabanaysa ayuu yidhi in la mideeyo seddexda qaybood ee soomaalidii 60-kii u kala jabtay.
waxaan dhinaca kale ka soo qayb gelin shirkani wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda sh. shariif axmed ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi Oomar waxaana fadhigaasi u matalaayey safiir ku xigeenka dawladiisa u fadhiya dalka marykanka.
dhinaca kale waxaa magaalada Washington hadda gaadhay goor dhawayd wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdlaahi Maxamed Ducaale oo isagu todobaadkii hore ganafka ku dhuftay inuu kulankaasi afar geesoodka ah ka qayb gallo dalbadayna in dawladda maraykanku ay somaliland gooni u aragto, ma cadda ciduu la kulmi doono iyo in eedani dawladda maraykanku ay Somaliland usoo jeedisay si toos ah loogu sheegi doono.
Mohamed abdi Hassan (diridhaba)
Hadhwanaagnews, London Office
diridhaba@gmail.com