Cabduqwaq as the capital of Galgadud
This is a text book definition of being brain-deed.
You just posted one angle of the tuulo you come from, I posted multiple pictures to show different parts of the city and how much it is developing. Actually, of the two communication towers, one is owned by Nationlink which belongs to reer Ceeldhere and Ceeldhere hospitals supply medical equipment to both the hospitals in Dhuuso-Mareeb and Cabudwaq.
This shows how Reer Ceeldhere are investing in Marehan lands as far as Gedo
Respect your investors
[2009-05-09 21:38:33] Intii lagu guda jiray marxaladda Burburka ee ka taagnaa dalka Soomaaliya waxaa jiray fursado gaar ah oo horumar laga sameeyay taas oo amaanteeda ay leeyihiin ganacsato xirfad leh oo Soomaaliyeed kuwaas oo hal abuurkoodu dhaliyay guusha laga gaaray dhinayadaasi, waxaana waaxyahaas ka mid ah Isgaarsiinta oo ay Soomaaliya ka gaartay heer aysan ka gaarin dalal badan oo dowlado leh.
Hadaba mar aan booqday mid kamid shirkadaha adeegyada dardarta leh ka wada gobolka Gedo ee dhinaaca isgaarsiinta oo lagu magacaabo Shirkada isgaarsiinta ee NationTelecom ayaa waxaa aan indhahayga ku soo arkay baaxada adeegyada shirkadasi NATIONTELECOM oo aan xog badan ka kororsaday.
Dogob waa magaalo yar oo qiyaastii 65km u jirta degmada Baledxaawo ee G/Gedo waxaana dhawaan halkaasi laga taagay tower amaba warlalis aad u baaxad weyn kaasoo awood u leh in uu xiriiriyo masaafo dhan 50 km. Waxaana Shirkadda Isgaarsiinta Nationlinks ay ku jirtaa shirkadaha ku howlan in ay adeegyadooda gabi ahaanba gobolka huwiyaan.
Sida ka muuqanayso dhismayaasha cusub iyo shaqo abuuris ay shirkadahaasi ku sameeyeen gobolka ayaa waxaa degaanka Dogob oo ah meelaha horumarka dhinaca isgaarsiinta lagu fidiyay kamid ah ay dadkiisu ku naaloonayaan sida koonka oo kale.
Curashada Shirkaddaha isgaarsiinta ee gobolkan waxa ay fursado shaqo abuuris u noqdeen kasokow daboolida baahida isgaarsiineed dad aad u farabadan oo tiradooda ay kor u dhaafayso boqolaal ruux, kuwaasoo xirfadahooda kala duwan ula shaqo tagay shirkadahaasi.
Tani waxay abuurtay in ganacsiyo badan oo xilliyadii hore ku tiirsanaa isticmaalka Taararka amaba Fooneeyayaasha oo dhib badan lagala kulmi jiray hase yeeshee muddo badan soo daboolay baahidii isgaarsiineed ee ka jirtay gobolka ay iminka bulaalaan waxaana kuwaasi ka mid ah shirkadaha xawaaladaha oo ka sokow teleefoonka u isticmaala shirkadaha isgaarsiinta sidii ay Internetka Global oo intabadan laga isticmaalo Soomaaliya sidii ay ugu fushan lahaayeen howlmaalmeedkooda iyo Fariin cod ah, E-mail dirista ama internetka, Akhbaarta in aad ka akhrisato Mobile-kaada iyo kuwo kale oo badan.
Markii ugu horaysay 2002 ayaa waxaa mar qura ku soo biiray gobolka mowjadaha shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya ka jira waxaana magaaladii ugu horaysay oo laga bilaabo ay ahayd Deg Baardheere oo laga asteeyay shirkada NATIONTELECOM.
Dad badan oo ku kala sugan degmooyin kala duwan ee Gobolkan Gedo oo aan la sheekaystay ayaa ii muujiyay sida horumarka loogu gaaray isgaarsiinta maanta ka jirta gobolka, taasi oo tusaale ahaan ay ii sheegeen in adeeggan uu u fududeeyay in xitaa dadka reer miyiga ah inta aysan xoolahooda suuqa u soo iib keenin ay telefoonada garaacaan ayna halkaasi ka ogaadaan sicirka sayladaha xoolaha.
Si ka duwan sii hore waayadan dambe shirkadaha qaar ayay dadku ka isticmaalaan adeegyada Internetka Sida shirkada Telecom Soomaaliya, iyaga oo guryahooda jooga waxaana isticmaalkaasi oo lacag la’aan ah uu qof walbaa u suurtageliyay in uu ogaado waxa ka socda maanta ka socda caalamka oo dhan oo haatan loogu yeeray globalization amaba hal degmo oo kale taasoo ay keentay horumarka uu caalamku ka gaaray dhinaca isgaarsiinta.
ADEEGYADA AY BIXIYAAN SHIRKADDAHA ISGAARSIINTA GOBOLKA
Waxay ay bixiyaan adeegyo kala duwan oo la xiriira Isgaarsiin waxaana ugu ballaaran adeegyada ay bixiyaan Mobileka iyo landlineka aan oran karno maanta 75% waayo waa qiimo jaban oo xitaa qofka aan lagu soo dalacaynin haddii uu iska haysto oo uusan kuba hadlin balse loo so diro oo kaliya ama uu u soo dhaco oo kaliya.
Dhab ahaantii qof waliba waxa uu ka odorasi karaa sida ay dadku ugu tiirsanyihiin Telefhonada marka xilliyada qaar oo ay dhacaan cillado xagga farsamada ah (Network Problem) in cid walba ay si uun ugu mashquulsantahay waxaana hadal haynta oo dhan qaata” maxaa maanta ku dhacay shirkad hebal”.
Ugu yaraan magaalo kastaa oo ku taalla gobolkan Gedo ayaa waxaa maanta la oran karaa waxa ay la jaanqaaday dunnida casriga ah. Waxaana magaalo kastaa ka jiraa labo shirkadood oo isgaarsiin ah amaba ka badan oo waxaa mararka qaar aad arkaysaa qoys dhan oo wada sita Mobilo.
Gobolka Gedo ayaa hadda lagu tiriyaa goobaha fara ku tiriska ah ee gaaray heerka ugu saraysa ee adeegyada isgaarsiinta Telefoonada gobolada soomaaliya. Waxaana tusaale ahaan magaalada Baledxawo Ee Gobolka GEDO ay noqotay hoyga ugu isgaarsiinta wanaagsan ee Soomaaliya oo dhan. Waxaana Degmadaani ka howlgala Ilaa shan shirkadood qadadkooda oo kala ah Shirkadaha NATIONLINKS, HORMUUD, TELECOM oo Soomaaliya ka jira iyo labo qad oo dhinaca Kenya ka jira oo kala ah ZAIN iyo SAFARICOM kuwaasoo qadadkooda uu soo gaaro dhinaca soomaaliya maadaama magaalooyinka Baledxawo Iyo Mandheera oo ka kala tirsan Gedo iyo Waqooyi Bari Kenya ay yihiin kuwo kulaaxaya sohdinta labada dal.
Waxaa Soo Diyaariyay Iskuna Soo Dubariday
Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
http://www.allwariye.com/actiontools/ge ... hp?id=2275
