SDA(Somali Development Association) to lay the foundation for a MCH, a primary school and a water well in degmooyinka Kulaal,Boodacade and Awr Boogays
Safar ukuur gal ah oo Xubno ka tirsan urur samafal oo lagu magacaabo SDA ama (Somali Development Association) ay ku mareen deegaanada Xuddun ,Awrboogays, Kulaal iyo Boodacade ayaa lagu sheegaya in xaladaha abaarta deegaanadani ka jirtaa inay tahay mid kasii daraysa.
Yaasiin Xuseen Abtiile oo xubin ka ah ururka SDA, kana tirsan qurba joogta deegaanadaasi ayaa deeq Raashin ah oo isugu jirta Daqiiq Bariis, iyo Saliid gaadhsiiyay ugu yaraan 40 qoys oo ka mid ahaa kuwa dhaqaale ahaan ugu liita dadka ku dhaqan Tuulada Kulaal , waxa kale oo Haya,da SDA intii ay ku guda jireen safarkooda shaqo ay dhagax dhigeen , mashaariic Caafimaad Waxbarasho, iyo Ceelal biyood isigu jira oo laga kala fulinayo deegaanada Kulaal, Boodacade iyo Awr Boogays.
Tuulada kalaal oo kutaal dacalka Waqooyi bari ee Deegaanada Sool Sanaag ,Iyo cayn ayaa SDA waxa ay ka dhistay Dugsi hoose dhexe oo isaga xiligan ay wax ku bartaan arday aad u tiro badan, waxana hay,adu bixisaa daryeelka Macalimiinta wax ka dhigta Dugsigaasi, Safarka hayada SDA ku tagtay Tuulada Kulaal ayaa waxa ay dhagax dhigeen Dugsi sare iyo Ceel biyood ay yeelatao Tuulada Kulaal Mustaqbalka dhow, iyo weliba Xarun MCH .
Sidoo kalena waxa Ururka SDA ay dhagax dhigeen dugsi hoose dhexe, MCH iyo Ceel biyood laga hirgelinayao tuulada Boodacade, oo ardayda hada waxa ku bartaa aysan haysan dhisme iskuul , waxana waxbarashadooda ay ku qaataan Balbalo ka samaysan duur iyo dhir.
Ugu danbayntiina waxa Ururka SDA ay soo dhagax dhigeen Dhisme Dugsi Sare oo laga yagleelayo Deegaanka Awrboogays, oo xiliagan waxbarashadu ay ku egtahay dugsi hoose dhexe, si kasta oo ay ahaataba dadka ku dhaqan Deegaanada aan soo xusnay ayaa si diiran usoo dhoweeyey , Mashariicdaasi horumarineed ee hay,ada SDA ka wado Deegaanadaasi.