
Maakhirland Regional State of Somalia
Galgalanews: Shacabka Maakhir Oo Qabanqaabinaysa Shir Balaadhan Si Maamaul Goboleedka Maakhirland Loo Hirgaliyo
17th September 2011
Nairobi:-Jaaliyada Maakhir Ee Ku Nool Dalka Kenya gaar ahaan Magaallada Nairobi ayaa Ku howlan Qabanqaabo ay ugu jirto Shir weyne Lagu lafa guri doono arima badan Oo Khuseeya Deegaanka Maakhir.
Shirkan Oo ay soo Qabanqaabinayaan Jaaliyada Maakhir ee Ku Sugan Kenya ayaa Lagu Casumi Doonaa Soomaali aad U badan Kuwaas Oo Goob joog ka noqon Doona Madasha shirkaasi Ku qabsoomi doono .
Arimaha Shirkaa lagu Lafa Guri doono ayaa Noqonaya Sidatan :-
1. Waxaa lagaga Hadli Doonaa, Maamul U samaynta Deegaanka Maakhir iyo Sida ugu haboon ee arintaa Loo hirgalin karo .
2. Sidii Loogu waxyi Galin lahaa Bulshada Deegaanka iyo aaya ka talinta deegaanka oo ay ka Muuqato dayacnaan baahsan.
3. Dhisida Gudi loo xilsaaro dardar galinta Maamul ka hana qaada Deegaanka Maakhir , Si loo helo Maamul Horumar leh Oo ka hirgala Deegaankii .
4. Wacyi Galin Loo Sameeyo Dhamaan Bulshada Ku abtirsata Deegaanka Sidii ay Iyagu Arimahooda uga tashan lahaayen Ugana badax Banaanaan Lahaayeen Maamulada ragaadiyey Deegaankooda.
5. Sidii Loo Badhi taari lahaa Waxbarashada Deegaanka Oo Ah tan Kaliya Ee maanta Deegaanka ka hirgashay iyo sidii Loo abuuri lahaa Ilo dhaqaale oo taaba gala.
Dhamaan Arimahaas Oo Kuwa Kaloo Badan waxay Noqon Doonaan Kuwa Lagu Qadaa Dhigi Doono Shirkaas.
Gudiga Loo xirsaaray Qabanqaabada ayaa ka kooban:-
1. Abdisalan Osman Bulqas
2. Mohamed Mohamud Cabdi Beerdhige
3. Jama Ayanle feyte
4. Khadra Jaamac Axmed Abdi Saalah
5. Hamdi Ilka jiir
6. Muqtar Abdi Du’ale Ali Qaayib
7. Jama Yusuf Jama Deperani
Qof kasta oo doonaya inuu Barnaamijkaasi Xog dheeraad ah ka helo hala soo xidhiidho Gudiga Hoos ku Qoran, Sida ay Gudigu sheegeen way tix galindoonaan Feker kasta oo Saliim ah.
Waraysi Gudidii Qaban Qaabada Shirkii Maakhir DHEGAYSO
http://www.galgalanews.com/?p=4065
Maalmahan ka socda Qurbaha ayay waxa isugu imanayay Qurba Joogta Maakhir waxana Shirarkaasi Bud-Dhig u ahaa Jaaliyadda Maakhir ee dalka Kenya, Kuwaasi oo qaban qaabiyay Shir dhanka Telefoonka ah oo looga xaajoonayo sidii loo Taaba Galin lahaa Amuuraha Horumarinta Maakhir.
Shirkii Telefoonka ahaa ee Habeenkii Xalay dhacay waxa uu ahaa Shir aad looga Dooday sidii looga Talaabsan lahaa Caqabado badan oo Hadheeyay Deegaanka Maakhir sida in Maamul Hoosaad Deegaankaasi uu ka Hana qaado kaasi oo Hoos Yimaada Dowlad TFG.
Shirkaasi waxaanu Waraysi Kala Yeelanay Mukhtaar Cabdi Ducaale Cali [Mr Qaayib] oo ka mid ahaa Gudiga abaabulka Shirkaasi Waraysiga ayuu kaga hadlayaa Qaabkee loo Taageeri lahaa Maamulka Maakhir State oo hada ka Hor deegaanka laga Yagleelay.
Sidoo kale Mar Qaayib ayaa ka hadlay Muhiimada ay leedahay Isku xidhnaanta Qurba Joogta Deegaanku, Isaga oo Mahad Balaadhan u soo Jeediyay Gudoonka Sare ee Maakhir Gaar ahaan Gudoomiyaha Jaamac Feyte oo uu ku Tilmaamay nin Wax badan Fududeeyay.








