WHO MURDERED THIS SACAD MAN ???? The assasinations continue in Xamar:
Dhalinyaro iyo waxgarad gaaraya illaa 150 xubnood ayaa ka codsaday Golaha Maxkamadaha Islaamka in cadaalada la horkeeno cidii ka dambeysay dilkii Cabdi Axmad Cawaale (Cabdi halkudare) , oo la dhigay meydkiisa agagaarka xaruntii hore ee Asluubta.
Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Nov 21, 2006
Dhalinyaradaas iyo Waxgaradka Beesha Sacad ayaa shir ay ku yeesheen Hotelka Naaso Hablood waxay ku tilmaameen arrin aad u fool xun in Cabdi hal kudare loo dilo si bareer ah isla markaana baabuurkiisii laga qaatay isagoo waxba galabsan Marxuumkaasi.
Dhalinyarada iyo Waxgaradka beesha Sacad ayaa ka codsaday Maxkamadaha islaamka in ay soo qabtaan cidii ka dambeysay dilka Marxuum Cabdi halkudare si ay u noqoto arrin ku dayasho leh isla markaana la raaco sharciga Islaamka waxa uu ka qabo qofkii qof dilo.
Xirsi Yusuf (Xirsi Mahad) oo ka mid ah xubnihii shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in ay haboon tahay in cadaalada la keeno cidii ka dambeysay dilkii Marxuum Cabdi Halkudare. ayna tahay fool xumo inaan weli la soo qaban dambiilayaashaasi.
Dhalinyarada iyo Waxgaradka waxay ugu baaqeen Maxkamadaha islaamka in ay kaalin firfircoon ka qaataan soo qabashada Gacan ku dhiiglihii dilay Marxuumka , isagoo cidna waxba ka galabsanna la dhigay meydkiisa meel u dhow saldhig ciidamada Maxkamaduhu ku sugnaayeen.
Marxuumkaan ayaa markii hore waxaa guriga ugu yimid labo nin oo hurdada ka toosisay oo ay israaaceen kuwaasoo dilay markii ay in cabaar ah ay sii maqnaayeen.
Marxuumka ayaa meydkiisa loogu tagay xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed (wadada aada Afgooye), waxaana illaa iminka la la' yahay baabuur uu watay oo uu ugu shaqeysan jiray qaab kiro ah.
Maslaha Osman
Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya
Maslaha1@hotmail.com