Yusuf Xaaji Aden is the composer of "Soomaliyeey Toosoo" all evidence poit to him, all what this Caraale Cawaale has is his lies on the Been Been Sii AKA BBC
Yuusuf X. Aadan: Shamac Buu Ahaa Tamartiisi Huray (1914-2005)
Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale
Friday, 18 February 2005
Cankaabo@hotmail.com Gembigiyo colaadaha Hashiii,rag isu keen geysay
Gidhligaanadii aawadeed, la isla gaadaayay
Hanqadhkiyo gariirkii markay, ololka googgoysay
Ee geel jirii maali jiray, gogosha hayn waayay
Gurmadkii ku kacay baad ahayd, Gii-da maatida e
Maansadan Gashi waxa uu Garriye u tiriyay Yuusuf Xaaji Aadan 1980-Kii 16/02/2005-ta, goor ay saacaddu ku beegnayd sagaalkii saacadood ee subaxnimo ayaa meydkii Yusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabiille laga soo qaaday gurigiisi oo ku yaallay xaafadda Beeraha ee Hargeysa. Iyada oo si fiicanloo gelbinayo ayaa la dhex mariyay jidka isku xidha Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxa bidix looga leexiyay xarunta Booliska waddooyinka, waxaana laga tallaabiyay biriishka.
Waxa la abbaaray Wershaddii Kabka iyo Xeradii afar iyo labaatanaad. Waxa la joogsaday xabaalaha Sheekh Nuur, halkaas oo uu hore ugu aasnaa Aabbihii Xaaji Aadan Cilmi. il yarta ayaa is qabatay oo markii aanu meydka ku tukanaynay, waxaan is leeyahay baabuurtu weli waxay tubnayd Dawladdii Hoose iyo Xaafadihii Beerhaa. Si kale kuma garatid, xataa haadkii kale ayaa xidhmay oo show baabuurta dhinaca kale socotayna waxay doonaysa in ay Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan Sii gelbiso.
Dadka jidadka hareerahooda tubnaa way yaabbanaayeen. Toloow, waa ayo qofka sidan loo gelbinayaa? Garte in qof weyni baxay, waxay se garan waayeen qofka uu yahay. Waa Dawladda! Naa malaha dibadaha ayaa laga keenay! Naa waa maxay waxan oo baabuur ahi!. Intii aan gelbiskii Yuusuf raacin ayaa sidaa u hadlaysay.
Gelbiska Yuusuf Xaaji Aadan looma kala hadhin. Dawladdii oo uu hor kacayay Madaxweyne ku xigeenku Wasiirradii Golayaashii Qaranka, Culimadii, ganacsatadii, indheer garatadii, odyaashii, xisbiyadii siyaasadeed iyo mujtamaca Hargeysa foolaadkiisa.
Waaan is leeyahay cid timaadda ardayda ugu badnayd Basas ayay wateen maryo ku dhejisan yihiin, kuwaas oo tilmaamayay dugsiga ay ka socdaan, ma siduu Yuusuf Xaaji Aadan luxudka u qabanayo. qof yar oo waab ah waxbarashadii uu ku bilaabay dhowr iyo tobanka arday ayuu maanta geeriyooday iyada oo kulliyadaha iyo jaamicaduhu dalka hafiyeen. Alleyleha xaraar buu butaystay.
Yuusuf Xaaji Aadan sagaashankaa sannadood ee uu noolaa, taag iyo tamar middna lama hadhin si uu u buuxiyo ama uu gufeeyo goldaloolooyinkii Qaran ee muuqday, Yuusuf Xaaji Aadan dareenka waddanimo wuxuu ku dhashay dhammaadkii soddonnadii qarnigii hore, markaas oo uu ka soo laabtay dalka Soodaan oo uu tacliintiisii bilowga, dhexe iyo sareba ku soo qaatay.
Yuusuf Xaaji Aadan sida aanu surmo seegtada u lahayn wuxuu ka bilaabay meel maanta loo aayay, Yuusuf Xaaji Aadan ma ahayn qof ay aragtidiisu ku dabranayd gurgur qaanso. nin daaqsin geel iyo tahanba waxa ka arka ayuu ahaa. Bal ka warrama sida uu Tacliinta u abbaaray? Bal shinnida uu maalintaa saydhiyay ka warrama iyo amadka ka go'ay ama aynu ilaa maantadaa aynu joogno ka goosanayno.? Miyaanu la helin? Alleylehe, la isma casiyo e' isha ayuu ka riday.
In kasta oo aanan Yuusuf Xaaji Aadan beryo hore, qof ahaan u baran, haddana imay seegin in aan si aad u dhow oo shakhsiya beryihii danbe u barto ilaa aanu ka gaadhnay heer aanu dhaqan iyo suugaan wadaagba ka noqonno. Aniga oo yar waan arki jiray, waxaanu se isku barannay Golhii Murtida iyo Medadaallada ee Muqdisho. Ku sinnaan 1974-kii ayaa barasho isugu kaayo horreysay, waxaanu se aad isu dhex gallay 1976-kii oo aanu xubno ka wada ahayn Guddi Qaran oo Fan iyo Suugaaneed oo u xil saarreyd xulista waxyaabihii lala tegi lahaa dalkaa Neyjeeriya oo markaa lagu qabanayay Bandhigii Fanka iyo Suugaanta ee Beelaha Madow ee adduunka oo la odhan jiray FESTAC-77.
Berigaana waxa Neyjeeriya Madaxweyne u ahaa Madaxweynaha maanta ee Olushugun Obaasaanjo. Guddidaas waxay ka koobnayd: Yuusuf Xaaji Aadan, Xuseen Shekeh Axmed Kaddare, Siciid Saalax Axmed, maxamed Cali Kaariye iyo aniga. Kaddare iyo Yuusuf Xaaji Aadan qaadka ma ay cuni jirin oo in badan nalama ay fadhiyin jirin gelinnada danbe.
Waqti diyaargarow oo ku sinnaa muddo lix bilood ah ayaanu haysannay Gelinka hore Tayaatarka yaaanu ku qaadan jirnay, gelinnada denbena qayilaad. Xilliyadaa iyo xiliyo ka danbeeyayba Yuusuf Xaaji Aadan waqti dheer oo aan sheekooyinkiisu taariikhiga ahaa ku dhegeysto ayaan fursad u helay.
Dhererka wuxuu ahaa meel dhexaad. Midabka wuxuu ahaa maariin in kasta oo sannadihi danbe ee uu qurbo joogga ahaa aad moodaysay in uu casaan u digo roganayay. Sanqaroor dheer iyo dhego waaweyn ayuu lahaa. Wuxuu lahaa bidaar xagga hore ka gashay oo beryihii danbe aan timo badan kaga tegin madaxiisa gaar ahaan inta hore.
Mararka uu gadhka la baxo wuu isku joojin jiray isaga oo ka soo rogi jiray daamanka dabadooda. Marka aanu gadhka saarin shaarubahana wuu iska xiiri jiray. Wuxuu ahaa Yuusuf Xaaji Aadan nin xooggan oo ay gacmihiisu duuban yihiin, tas oo ay sabab u ahayd kaalintii horyaalnimo ee uu kaga jiray ciyaarah isboortiga. Indhuhu halka ay ku fadhiyeen ayay da'diisu ka muuqatay, iyada oo inta indhaha ku xeerani laab-laab madow lahyd. Halkaa ayaad ka garanaysay maalmihii aadkaa iyo halgankii qadhaadhaa ee uu soo maray Yuusuf Xaaji Aadan.
Mararka aad sheekaysanaysaan isaga oo ilko caddaynaya oo debinta sare aad mooddo in uu yar faydayo ayuu inta badan ku dhegaysan jiray isaga oo ay daymadiisu ku waydaarsan tahay oo meel fog ay indhihiisu ku mudan yihiin. Adiga oo is leh wuu maqan yahay oo ma dhaddana sheekada aad u waddo, ayaad feejignantiisa ku dhaadaysa jawaabta degdeggga ah iyo siduu hadba haasaawaha uu la haysto ama kuula wadaagayo. Xusuustiisa ayaa la yaab lahayd.
Mararka uu kuu sheekaynayo waxaad moodaysay in aad buug si farshaxnimo leh loo qoray akhrisanayso. Sheekooyin asturan oo dhaqan iyo hiddaba uu u hillaabay oo aan turxaan lahayn oo masalooyin nolosha iyo aayahaba daarran ku arooraya. Ma aan arag Yuusuf Xaaji Aadan oo gayilaya ama sigaar cabbaya. Kollayba intii aan anigu aqaannay labadaa midna ma lahayn. Salaad salad kuma dari jirin, kitaabka Quraanka ahna ma dhigi jirin.
Yuusuf Xaaji Aadan wuxuu aad u jeclaa in uu maalin kasta wax korodhsado, sidaa dareteedna agtiisa lagama waayi jirin buugaag uu akhristo oo Soomaali, Carabi iyo Ingiriisiba leh. Wehel aan abidkii cidlayn waxa uu ahaa Radyowga oo aanu irbadda gacanta ka dhigi jirin. Markuu wax ka baxaba mid af kale ah ayuu u wareegi jiray. Waxaan is idhi BBC-du afkii ay doontaba ha noqotee waxa uu u dhignaa ma jirin. Bal hadda labadan sheeko isu eega.
1948-kii ayay Yuusuf Xaaji Aadan iyo saaxiibbadii damceen in ay BBC-da iyo war muhiim ah oo Soomaliya iyo QM ku saabsan ka dhegaystaan Raadyow yaallay xafiiskii Aagaasimaah badhasaabka Hargeysa oo gaal ahaa. Waardiye ayaa habeenkii ilaalin jiray xafiiska. Raadyowgaa waxa ka maqnaa baytarigii oo la soo buuxinayay. Waxa baytariyada buuxin jiray nin la odhan jiray Xuseen Xaaji Xasan. Tixdan Gaaban ee sarbeebta ah ayuu Yuusuf Xaaji Aadan u diray ninkii beytariga hayay. Wuxu sii faray Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ka yaraa. Tixdu sarbeeb ayay haayd oo Yuusuf uwxu ka shaki qabay in badan oo dhar cad ahayd oo ku xeerrayd. Wuxuu yidhi:-
"Buuqa wad maqlaysaa
Raqdaa lagu guddoontee
Ninba wuxu gorfeeyuu
Hadba gees u jiitaba
Caawaa gunteedii
Xaajada la gaadhee
Aduun baa ii maan garan
Haddeen gibil wax saaree
Good iyo abeesaa
Gondahaaga jiifee
Suntana uu ganaayane
Garashaad u leedee
Gabnadii irmaanayd
Gabantii jaqaysaa
Hoobiyada la geeyoo
La'aan godol makeentee
Afka markay la gadhay
SOo gunuunucdaayoo
Godol keeni doontaa
Gaawahaad u qaadiye
Gooreeya waaxdeed
Adeeggeed soo geli".
Konton Sannadood ka dib oo ahayd 1988-kii mar aan ku booqday gurigii uu ku noolaa ee magaalada London, ayuu mar kale Yuusuf Xaaji Aadan soo qaaday Raadyow yar oo Sonny ah oo uu lahaa, markaasuu ii bilaabay faa'iidada uu u leeyahay iyo sida uu u yahay wehel aan ka maarmin oo aan marnaba ka tegin.
Adkaysigiisa iyo keni-adaygiisa iyaguna la yaab lahaa. Neyjeeriya berigii aanu isu raacnay ayuu qallibmay baabuur bas ah oo uu ka mid ahaa dadkii la socday. Yuusuf Xaaji Aadan baskii ayaa ku jiifsaday saddex meelood lug keliya ka jebiyay wuxuu la soo baxay isaga oo siqaya. Waxa loogu tegay Yuusuf Xaaji Aadan oo jaban oo haddana dadkii dhaawacmay baskii ka soo hoos jiidaya.
Haddii aynu keni-adayggiisii wax ka taabta is nidhaahno markii uu maamulkii Gumeysigu u adkaysan waayay ololayashii Yuusuf Xaaji Aadan, ayuu waxbarasho dibadeed dalka Ingiirksa ugu diray 1952-kii, Yuusuf Xaaji Aadan dhagax uu dalka ka sii qaatay maanso uu u tiriyay wuxuu ku yidhi:-
"Dhagaxyahow aqoon iyo
Aqli kaama muuqdee
Eebbihii ku uumaa
Sidan kuu abuuree
Arligiyo dalkii baan
Kaan urinayaayoon
Aroorta iyo fidkii
Marka aan ku eegaba
Indhahay qabooboo
Uurkay samaadee
Ayl iyo Awaariyo
Agagaarka Laamiyo
Aadari buuraheediyo
Almis oon arkaayaad
Aniga iiga dhigantee
Arday kugu ciyaariyo
Aadmigu dhamaantii
In aan kaa Ilaashaan
Axdi Kuugu Qaadee
Iska ool agtaydaa
Naftaa ku oggolaatee".
Mastaa furkaana carigsi ayuu ka sii qaaday oo maqnaanshahaasi wuxuu sii kordhiyay dal iyo dad jacaylkiisii. Malaha waan iska qalin taraaray oo waxba kama aan odhan weli Yuusuf Xaaji Aadan iyo barbaarintiisi. Aabbihii wuxuu ahaa Xaaji Aadan Cilmi Qabiile, Hooyadiina Xaliimo Xuseen Wabar, Jameeco-weyn ayay degganaayeen markii uu dhashay Yuusuf Xaaji Aadan oo ku beegnayd 1914-kii, beryahaas o ay magaalada Hargeysa iska koobnaydba.
Toban jirkiisii ayuu Quraanka ku dhammeeyay. Isaga oo toban jir ah ayaa miyiga la geeyay si uu dhaqanka iyo hiddahaba u soo barto. Wuxuu miyiga ku maqnaa afar sannadood, ka dibna 14 jirkiisi ayaa loo diray dalka Soodaan halkaas oo uu ku soo qaatay tacliintiisi Hoose, Dhexe iyo Sareba.
Yuusuf Xaaji Aadan waxay wada dhasheen 10 wiil iyo 10 gabdhood oo ay maanta ka nool yihiin 2 odey iyo 8 dumar ahi. Odayaasha nooli waa Saahid iyo Cabdi-Nuur, wuxuu ka mid ahaa Yuusuf Xaaji Aadan kooxdii saddexaad ee la geeyo dalka Soodaan. Wuxuu Soodaan ka soo noqday 1939-kii. Dugsigii Hoose ee Berbera oo uu macallin ka ahaa jiray Maxamuud Axmed Cali ayuu ka hawl-galay.
Muddaaharaadyo badan iyo af-lagaaddo badan ayaa loogu geystay Berbera. Hargeysa iyo Burcoba. Dagaalladii Talyaaniga iyo Ingiriiska awgood ayaa loo xidhay Dugsigii Hoose ee Berbera. Hargeysa ayuu yimid Yuusuf Xaaji Aadan, waxa xidhay maamulka Talyaaniga oo ka dhigtay Turjubaan. Isaga iyo dhallinyaro kale ayaa bilaabay Ururkii SNS 1941-kii oo markiiba laga xidhay. 1943-kii ayuu ururkii SNS dib u hano qaaday. 1948-kii mar dib loo xidhay ururki SNS isaga oo ka hadlayay marxaladdaa lagu xidhay SNS, gabay uu ka tiriyay waxa ka mid ahaa:
"Heeriga fogee baan laha, haybta guudnimo
Heshiiyaan lahaa yaan kufrigu, qaarba reer heline
Waa loo hiloobaan lahaa, hiil walaalnimo
Nimanka i hud hudayoow rag baad, hawl ku celiseene
Hurdada iyo jiifkaan lahaa haatan laga daalye
Habeenka iyo dharaartaan lahaa, waa u kala haabe
Huqdeedi xorriyaddaan lahaa, badi dad way hayne
Hoheey dawladnimadaan lahaa, badi dad way hayne
Calanka u hadhsada baan lahaa, hadhac sidiisiiye
Nimanka i hud-hudayoow rag baad, hawl ku celiseene
Hantidaada raagtaan lahaa, hootadaw rogo e'
Meeshiyo Hawaash baan lahaa, heegankaw diro e'
Heeshiga barbaartaan lahaa, hilinka qaadsiiye
Hubka se doonta qoladaan idhaa, iigu hawl badane
Nimanka i hud-hudayoow rag baad, hawl ku celiseene"
Yuusuf Xaaji Aadan haween badan ayuu guursaday, balse inta ubad u yeelatay waxay ahaayeen , sida aan ka soo xigtay Foosiya Xaaji Aadan.
1. Aamina Sheekh Yuusuf Sh. Cumar, oo u dhashay 5 hablood iyo 4 wiil oo ay ka nool yihiin 2 wiil iyo 4 habood.
2. Jinow Xuseen oo u dhashay 4 wiil iyo gabadh, waxana ka nool 3 wiil iyo gabadh.
3. Kaaha Shide: oo u dhashay 2 wiil oo ay labadiiba nool yihiin.
4. Sahra Xuseen Halac: oo u dhashay 2 wiil iyo 2 gabadhood, oo afartiiba nool yihiin.
Yuusuf Xaaji Aadan, ka sokow hawlihii balladhnaa ee uu waday intii uu noolaa waxa u dheeraa hanashada qoyskaa ballaadhan ee uu aabbaha u ahaa.
Aynu dib hadda uga yar noqonno noloshii siyaasadeed iyo qiiradii waddaniga ahayd ee Yuusuf Xaaji Aadan. 1948-kii wuxu tiriyay maansadan waddaniga ah ee uu ku dhiirrinayay dhallinyarada Soomaaliyeed. Tixdaas oo lagu macaabi jiray Dhulku weydiin sugayaa, wuxu yidhi:
Dhallinyaro intaad taa dagaal, lagu dhibtoodaaye
Mar hadday cirradu dhuuxa tahay, waa wax kaa dhimane
Dheel-dheelka dhashiyo hablaha, dhaaniska u tuma e'
Idinka oo dhan soo seexiyay baad, dhaxal wareegteene
Dhulku weydin sugayaa haddad, dhicin lahaydeene
Dhoof iyo Hadda looga yimid, dhoomihii Yurube
Sannadaaba loo soo dhaxiyo, bilo wax dheer yiine
Immikay is wada dhaafayaan, dhudihii Laaleyse
Iyada oo shisheeyihii dhergaa, gaajo dhimaateene
Dhulku weydiin sugayaa haddaad, dhicin lahaydeene
Buurahakan dhaadheer halkiyo, Laamo dhinacood
Dhuxul iyo hadday dheemman iyo, dahab ka dhawraane
Wax Maraykan dhuuntaw rakibay, gararkii dheeraaye
Intii dhaayin lagu maali jiray, Xabashi dhaanteeye
Dhulku weydiin sugayaa haddaad, dhicin lahaydeene
Dhismuhuba ma kaco jeeroo, seeskaa loo dhigo'e
Haddaan lebenku dhegga isku hayn, dhoobadaan qabanne
Mataanaha waxa laba looga dhigay, in ay is dhowraane
Dhulku weydiin sugayaa haddaad, dhicin lahaydeene
Dadku wuxuu ku dhaataa halkuu, Eebbahay dhigaye
Dhuub kuuma gooyaan lafaha, dhadhabka jiifaaye
Waxba dhaadashadu kuma filliyo, Sheekh bay dhalaye
Haddaan calanku dhaaxa u adkayn, dhalsho waa beene
Dhulku weydin sugayaa haddaan, dhicin lahaydeene
Dhuuniga la quutaa mar buu, dhiif xun leeyahye
Dhoobada miyeydaan maqlayn, wada dhawaaqaysa
Dhaayuhu ma waaneey arkayn, dhagaxa ooyaaya
Dhirta qayladeedii miyaan dhegeha soo gaadhin
Dheddiga iyo laboodkiin miyaan, cidi dhaqaaqaynin
Dhayal lib uma helo geeri wiil, jeer ka dhawrsadaye
Kol haddaan nin mawd dhaafayoon, dhuntay la arkaynin
Dhididka iyo dhiiggoo qubtiyo dhimashada roone
Dhulku weydiin sugayaa haddaan, dhicin lahaydeene
source: aftahan.org