Kolonyo uu la socday Salaad Cali Jeelle oo lagu weeraray aga

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Kolonyo uu la socday Salaad Cali Jeelle oo lagu weeraray aga

Post by Hiiraan boy »

Kolonyo uu la socday Salaad Cali Jeelle oo lagu weeraray agagaarka isgoyska Sanca.
Posted to the Web May 12, 12:12


Muqdisho:-Kolonyo la sheegay in uu la socday wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga DFKM Salaad Cali Jeelle ayaa maanta lagu weeraray agagaarka isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan xilli ay halkaasi marayeen.

Waa qaraxii ugu horreeyay oo ka dhaca agagaarka isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan tan iyo markii ciidamada DFKM iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen gacan ku haynta caasimada Muqdisho.

Goob jooge lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhaw Mowlaca Sheekh Muxyadiin ee agagaarka isgoyska Sanca xilli uu wadada marayay Wasiirka ku xigeenka gaashaandhiga.

Lama garanayo khasaaraha soo gaaray kolonyada uu la socday wasiir ku xigeen ka gaashaandhiga,hayeeshee waxaa lagu soo warramayaa in Salaad Cali Jeelle uu ka bad baaday qaraxaasi.

Ciidamada DFKM ayaa isku gadaamay goobta qaraxa uu ka dhacay, ayagoo xiray wadada isku xirta Sanca iyo Beexaani oo inta badan ay adeegsadaan masuul iyiinta DFKM, waxaana lagu soo warramayaa in gaadiidka ay ka Wareeg sanayaan waddooyin qarda jeex ah ka dib markii ciidamada DFKM ay xireen wadada laamiga.

Halgan.net
C/qaadir Osman
Muqdisho
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”