

"Waan ku faraxsanahay in xilka leyga qaado" Barre Hiiraale.
Baydhabo(AllPuntland)- Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadista lagu sameeyay kadib markii wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha xilkii wasiirka gaashaandhiga looga xayuubiyay isaga iyo Xuseen Caydiid oo ahaa wasiirka howlaha guud iyo guryeynta.
Barre Hiiraale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xil ka qaadistan, isagoo beeniyay in uu gudan waayay waajibkii saarnaa.
"Waan ku faraxsanahay in xilka leyga qaado" ayuu yiri Barre Hiiraale oo sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay ka danbeysay qaabka shaqo ee uu howsha u waday, "Xilka waxaa leyga qaaday markii aan u shaqeyn waayay qaabka ay u shaqeeyaan Madaxda dowladda".
Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa ballan qaaday in uu la shaqeyn doono dowladda KMG ah ee Soomaaliya isagoo ku baaqay in wada hadal lagu xaliyo xiisadaha ka aloosan magaalada dekadda leh ee Kismaayo.
Barre Hiiraale ayaa sheegay in magaalada Kismaayo dhibaatada ka taagan ay tahay xiisad u dhaxeysa beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka loona baahan yahay in dowladda ay u istaagto xalinta dhibaatadaasi.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho