..and we all know liberia is one of the poorest countries in the world
------------------------------------------------------------
Urur u dooda xaquuqda iyo badbaadada caruurta oo laga leeyahay dalka Liberia ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in qaxooti badan oo Soomaaliyeed lagu arkay iyagoo ka tuugsanaya wadooyinka magaalada madaxda dalka Liberia ee Monrovia iyo magaalooyin kale.
Sida lagu xusay xog uu soo aruurshay ururkan oo lagu magacaabo Focus, in ka badan 500 oo qaxooti Somali ah oo u badan caruur iyo haween oo ka cararay dagalaada ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdishu ay galeen wadanka Liberia, iyagoo xaga badda ku yimid.
Ma cadda haddii UNHCR ama hay’ada wadankaasi laga leeyahay ee LRRRC ay ka war qabto joogitaanka Soomaalidaasi ay joogaan Monrovia, laakiin warbixinta waxaa lagu cadeeyey in dadkaasi ay haysato dhibaato xoogan oo xaga nolosha oo ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambeysa, iyagoo aan haysan cid daryeesha.
Ururka Focus waxa uu sheegay in xaalado laga naxo ay ku sugan yihiin Somalida qaxootiga ku ah dalka Liberia, iyagoo ka dawarsada wadooyinka caasimada Monrovia iyo magaalooyinka kale ee ku xeeran.
Dadka dawarsada ayaa Focus ay ku sheegtay inay u badan yihiin haween wata caruur ay da’doodu uy dhaxeyso hal sano ilaa 12 jir.
Ururka u dooda xaquuqda caruurta ee Focus ayaa sidoo kale xusay in qaxootigan Soomaalida aanay ka diiwaan gashaneyn hay’ada UNHCR si loo caawiyo oo loo siiyo cuno, hoy iyo wixii kale ee ay u baahan yihiin.
Focus waxa ay ugu baaqday hay’adaha UNHCR iyo LRRRC inay si deg ah ugu gurmadaan Soomaalidaasi ku dhibaateysan wadooyinka Liberia.
Ururka waxa uu sheegay haddii aan loo gurman dadkaasi qaxootiga oo aan laga qaadin wadooyinka si dhaqso ah, gaar ahaan xili roobaadka inay dhici doonto in ay qaadaan cuduro faafa.

