Wafti ka socda ururka Hamilo ee Hurumarinta xaga Waxbarashada iyo Caafimaadka ee deegaanka Galmudug State oo booqosho ku yimid gobolka Minnesota ee cariga Marakanka.
May,18,2007 www.Hobyoradio.com
Waftigan oo ah aqoonyahano aad looga Qadariyo W/Amerika-UK,Sweden.Denemark. Norway iyo Finland ayaa 7 sano kahor ku guulaystay Aas aaska Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug State ayadoo isbitaalka maanta ay ka howl galaan shaqaale kabadan 102qof, Isbitaalka ayaa ka kooban-Qaybta Bukaanka-Qaaxada-Hooyada iyo Dhlaanka, Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug State ayaa ah lacag la'aan ayadoo aysan jirin kala sooc shacabka Soomaaliyeed.
Sh. C/lahi Shire Cageey
Sh. Cali Bashiir Nuur
Sh.Maxamud M. Galbayte
Waftigan ayaa kasoo kicitimay wadanka Canada ayagoo socdaal ku mari doona gobolada Maraykanka ujeedada waftiga ayaa ah sidii Iskuul Sare ama High School loogu dhisi lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Waftigan ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh.Cabdullaahi shire Cagey, Sheekh, Cali Bashiir Nuur iyo Sheekh,Maxamuud Max'ed Warsame Galbayte.
Jaaliyada Galmudug State ee magaalada Minneapolis ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Waftiga oo in muda ah ay sugayeen, ayagoo aad ugu amaanay howlkarnimada iyo waxqabadka ay bulshadooda u hayaan gaar ahaan xaga Caafimaadka iyo Waxbarashada deegaanka Galmudug State .
hadaba shirkii weynaa ee kadhacay xarunta shirarka ee karmel Mall ayaa ahaa mid quruxbadan oo si weyn loosoo agaasimay,ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Imaamka masaajidka Towxiid ee Karmal Mall Sheekh. Cumar Hassan Cade Fiqi oo aayada quraan ah iyo Xadiis ka jeediyay Munaasabadii asagoo ahmiyada siinayay sadaqada iyo taakulaynta ehelka gaar ahaan Caafimaad iyo Waxbarashada taasoo Shiikhu uu ku sheegay Sadaqa Jaariya.
Kadib waxaa warkii qaatay Sheekh.C/laahi Shire oo waftiga kamid ahaa sheekha ayaa mahad balaaran kadib ku amaanay jaaliyada Minneapolis kuwa had iyo goor u taagan taakulaynta dadkooda iyo dalkooda, sheekh C/laahi ayaa ka warbixiyay in arday gaaraysa 700 ay Setember-2007 ay diyaar u yihiin High school asagoo ku booriyay Jaaliyada inay wax ka qabtaan baahida uu gobolku u qabo Iskuul Sare (high school).
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Sheekh.Cali Bashiir Nuur oo ka warbixiyay Iskuulka sare dhismihiisa iyo qarashka ku baxaya,Sheekha ayaa sheegay inay diyaar ay yihiin Macalimiintii dhigi lahayd Iskuulka (High School) ayadoo uu ku kacayo dhismaha Iskuulka lacag dhan $91.000kun oo Dollar, asagoo islamarkaasna soo bandhigay Naqshada Iskuulka.
Sheekh.Cumar Hassan Cadde Fiqi
Sidoo kale waxaa isna munaasabadii ka hadlay Sheekh. Maxamuud Max'ed Warsame Galbayte oo ka warbixiyay aas aaskii Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug State, sheekha ayaa sheegay in Isbitaalka Gaalkacyo ay ku bilaabeen Hal qol maantana ilaahay mahadii uu marayo 4 qaybood oo waawayn-Qaybta Bukaanka,Qaybta Gargaarka deg degta ah,Qaaxada iyo Hooyada iyo dhalaanka, Sheekh.Maxamuud ayaa ku booriyay dadkii shirka fadhiyay in ay ka wada qayb qaataan sidii loo dhisi lahaa Iskuulka Sare oo ay baahi badan u qabaan Dhalaankeenii.
Jaaliyada Galmudug State.
Sheekh.Cabdi Cali Bahal
Waxaa kadib manuusabadii ka hadlay Waxgaradkii halkaa isu yimid ee jaaliyada Galmudug State, ugu horeyntii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Galmudug State Hassan Maxamuud Hayl oo mahadbalaaran u jeediyay waftiga una balan qaaday inay Maamul ahaan Garab siinayaan asagoo intaasi raaciyay in loo baahan yahay in Jaaliyada dibadu wax la qabtaan Walaalohooda ku tabaalaysan Gobolka.
Col. Hassan Maxamed Cali (Hassan Korneyl)
W.H.Gud iyo Guriyaynta.Hassan Hayl
Mudane.Ildhigte
Mudane. Qariidi
Dadkii halkaa isugu yimid ayaa kadibna bilaabay dhaqaale uruurin ayadoo isla goobtii lagu aruuriyay lacag dhan $6450 dollar (lixkun iyo afar boqol iyo konton) dadkii intii wax bixisay maahane intii kale ayaa is diiwaan galisay, asagoo qofka ugu yari isku qoray ugu yaraan $100 dollar.
Sh. C/laahi Shire Cageey
Sheekh. Cali Bashir Nuur
Sh.Maxamud M.Galbayte
Mudane.C/qaadir Cise (Cabdidhiish)
Sheekh.Maxamuud M.Galbayte
Waxgaradkii hakaa ka hadlay oo aan lasoo koobi karin ayaa waxaa kamid ahaa Mudane,Ildhigte oo ah nin reer Hiiraan ah, kuna yaboohay Iskuulka sare ee laga dhisi doono Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug State $250.
Sidoo kale Waxaa halkaa ka hadlay Sheekh.Cabdi Cali Bahal, Sheekh.C/qaadir Qasim Nuune, Col. Hassan Max'ed (Xassan kornayl) Mudane Cabdi Dhiish, Mudane. Cabdisalaan Kaytoon, Mudane.Qariidi.
Wallaal Dhoobada ana Dhagaxa Kii ka dhuuntee Dhibka diidow Dhaxal kuma Lihid
C/aziz Xogolof
Minneapolis , MN
xogolaf@yahoo.com
Hobyo Radio News Media
Contact: hobyoradio@hotmail.com
Ururka Himilo from GM State on visit in Minnisota raising Aw
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Karbaash_killa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3672
- Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
- Location: Wisil, Galmudug State of Somalia
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 328 Views
-
Last post by Dionysus
-
- 15 Replies
- 1561 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 3 Replies
- 727 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 8 Replies
- 1275 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 10 Replies
- 2058 Views
-
Last post by Strategic
-
- 28 Replies
- 1381 Views
-
Last post by Meru
-
- 2 Replies
- 250 Views
-
Last post by B-MAX
-
- 18 Replies
- 3044 Views
-
Last post by Dhuloxking
-
- 0 Replies
- 483 Views
-
Last post by galia
-
- 23 Replies
- 2598 Views
-
Last post by CaliQase