Somaliland's Former Defence minister Joins UCID Party
Posted: Mon May 21, 2007 6:28 pm
Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somaliland, mudane Aadan Mire Waqaf ayaa la filayaa berrito inuu ku dhawaaqo inuu ka baxay xisbiga talada haya ee UDUB, waxayna wararku sheegayaan inuu ku biirayo xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Mudane Waqaf waxa uu ka mid ahaa musharraxiinta xisbiga UDUB uga soo baxay magaalada Burco doorashadii Golayaasha Deegaanka, wakhtigaas oo uu ahaa maayorka magaalada Burco, balse waxa uu golaha Deegaanka iska casiley markii ay uu waayey maayornimada oo uu filayey inuu ku guuleysan doono. Waxana uu ku biiray xukuumadda, isagoo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Mudane Wafaq, waxa Madaxweyne Riyaale si cadho leh xilka uga qaaday badhtamihii April isagoo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, kadib markii Madaxweyne Riyaale ku eedeeyey inuu ciidanka qaranka ka soo saaray degmada Dhahar oo uu dagaal ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland, isla markaana uu bixiyey awaamiir khaldan oo khalkhal abuuray.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, mudane Waqaf waxa la sheegay in ku biiristiisa xisbiga UCID oo la filayo berrito in xaflad loo sameeyo ay ku wehelin doonaan xubno kale oo sida la sheegay uu ka mid yahay Muj. Jidhif oo ka mid ahaa saraakiishii SNM.
Ku biirista Waqaf iyo xubnaha kale ee la sheegay waxay ku soo beegantay iyadoo ay dalka ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo la filayo in loogu diyaargaroobayo ololaha doorashooyinka deegaanka iyo Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkan iyo horraanta sannadka soo socda.