Qarax sababay dhimasho oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Qarax sababay dhimasho oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Post by Hiiraan boy »

Qarax sababay dhimasho oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Click here to find shabelle news in english

Kismaayo 24, May.07 ( Sh.M.Network) Qof ayaa ku dhintey labo kalena dhaawaca ayaa ka soo gaaray qarax shalay galkinkii dambe ka dhacay tuulada Buulo Gaduud oo ku taala duleedka magaalada Kimsaayo.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen idaacadda shabelle, qaraxaan ayaa waxa uu ka dhashay qoriga baasukaha loo yaqaan oo si lama filaan ah u qaraxday, iyadoo qofka geeriyooday iyo labada dhaawac uu soo gaaray ay ka mid ahaayeen maleeshiyooyin fariisin u ah tuulada Buulo Gaduud oo 30 km u jirta magaalada kismaayo.

Dadka ku dhaqan tuuladaasi ayaa walaac ka muujiyay qaraxaasi oo si weyn u gil gilay tuulada Buulo Gaduud.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay fariisin u tahay maleeshiyooyin ka soo jeeda gobolada Puntland oo dhowaan laga soo saaray magaalada Kismaayo ka dib dagaalo qaraar oo ka dhacay halkaasi horraantii bishaan.

Waa markii ugu horreeysay oo qarax uu ka dhaco tuuladaasi tan iyo markii fariisin ay ka dhigteen ciidamadii laga soo saaray magaalada Kismaayo.

Click here to find shabelle news in english

Max'ed Axmed

Shabelle Media Network J/hoose
E-mail us: info@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”