BREAKING NEWS C/Y illaa 70 Qori ay kala baxeen ciidamadii il

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS C/Y illaa 70 Qori ay kala baxeen ciidamadii il

Post by Hiiraan boy »

Madaxtooyada C/llaahi Yuusuf ee Baydhabo oo illaa 70 Qori ay kala baxeen ciidamadii illaalinayay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe lagala baxay illaa 70 qoro oo isugu jiray yar yar iyo waaweyn xarunta madaxtooyada ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Baydhabo.

Qoryahan ayaa la sheegay inay la baxeen nimankii illaada ka ahaa xarunta madaxtooyada ee madaxweynaha oo uu si kumeel gaar ah uga maqan yahay welina aan la shaacin inuu si toos ah madaxweynuhu uga soo guuray.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhaxeysa illaalada xarunta madaxtooyada ee Baydhabo oo u kala baxay labo garab oo garab ka mid ah lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen dhaca loo geystay qoryaha lagala baxay madaxtoyada, waxayna wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Baydhabo sheegayaan in saaka laga dareemayo magaalada xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan taasoo laga yaabo inay dhaliso gacan ka hadal.
User avatar
JustAnOrdinaryGirl
Posts: 227
Joined: Fri Dec 08, 2006 2:28 am
Location: liverpool,uk

Re: BREAKING NEWS C/Y illaa 70 Qori ay kala baxeen ciidamadii il

Post by JustAnOrdinaryGirl »

cool, im glad i wasted 55 seconds of my life on reading that...really...
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”