Ethiopia oo dalbatay in magdhaw laga bixiyo askartii kaga ge

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ethiopia oo dalbatay in magdhaw laga bixiyo askartii kaga ge

Post by Hiiraan boy »

Warar diplomaasiyadeed oo laga soo xigtay saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Ethiopia ayaa xaqiijinaya in xukuumadda Adis Ababa ay magdhaw ka dooeyso askartii ay ku waysay dagaaladii Somaliya ay ka galeen ciidamadeeda.

Saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Ciidamada Ethiopian-ka dhibaatadii ugu darneyd ay ku qabsatay Somaliya daba yaaqadii sanadkii tagay iyo horaantii sanadkan,isla markaana ay muhim tahay askartii dagaalkaasi lagu waayay in magdhaw laga bixiyo.

Dowladda Ethioipia waxaa ay soo dhaweyneysaa sida ilo diplomaasiyadeed ay sheegayaan in Ciidamo Somali ah loogu deeqo si ay ugu xoojiso Ciidamada ka joogo Ismaamulka Somalida Ethiopia.

Ma jiro ilaa iminka wax warcelin ah oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta dowladda FS ee iyagu kasoo codsaday Ethiopia fara galinta Milatari in ay ka sameyso gudaha Somaliya,si ay ugu gacan siiyaan dowladda Somaliya isku balaarinta dalka.

Kuwa siyaasadda Somaliya indha indheeya ayaa sheegaya in xukuumadda FS ay ku adkaan doonto magdhaw ka bixinta askar kor u dhaafeysa 7500 oo la qiyaasay Ethiopia in ay kaga dhinteen Somaliya intii u dhexeysa December sanadii 2006-da ilaa April 2007-da.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”