Page 1 of 1

Ciidamada Ethiopia oo xalay Toogasho ku dilay labo wiil oo d

Posted: Mon May 28, 2007 3:30 am
by Hiiraan boy
Ciidamada Ethiopia oo xalay Toogasho ku dilay labo wiil oo dhalin yaro ah, kadib markii bam lagu weeraray meel fariisin u aheyd.
Ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh Warshadii Baastada ayaa habeenkii xalay ahaa toogasho ku dilay labo wiiloo dhalin yaro ah.

Falkan dilka ah ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Fariisinka Ciidamada Ethiopia bambaanooyin lagu weeraray, taasoo keentay in rasaas furaan.

Maydadka labadan wiil ayaa waxaa saakay ka qaatay goobtii ay yaalleen ciidammo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliyeed oo saakay goobtaas tagay, waxaana wararku ay sheegayaan inay yaallaan saldhigga degmada Huriwaa oo halkaas lagu hayo.

Ciidammada Ethiopia ayaa saakay ka duwan sidii hore ee ay ahaan jireen iyadoo ay ku jiraan jid walba oo soo gala Warshadda baastada dadkana ka celinayay inay maraan jidkaas, balse xaaladda kale ee guud ayaa ahayd mid caadi ah oo ay dadku waxay wataan howlahooda kala duwan.