Waxgaradka iyo nabadoonada beelaha Hawiye oo cabasho ka muuj

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Waxgaradka iyo nabadoonada beelaha Hawiye oo cabasho ka muuj

Post by Hiiraan boy »

Waxgaradka iyo nabadoonada beelaha Hawiye oo cabasho ka muujiyay dhismaha maamulka deg. Baraawe

Click here to find shabelle news in English

Mogadishu 31, May.07 ( Sh.M.Network) Waxgaradka, nabadoonada, dhalinyarada iyo haween ka soo jeeda beelaha Hawiye ee ku nool degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa soo saaray bayaan ay kaga cabanayaan qeybsiga xubnaha maamulka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose oo haba yaraatee aan waxba laga xusin beeshooda oo deegaano badan ka dagta degmadaasi marka loo eego bulshooyinka kale ee ku nool gobolka.

Hadaba Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Hawiye ee ku nool degmada Baraawe waxa ay u soo jeedinayaan dowladda KMG ah in arintaasi loo eego si cadaalad ku dhisan oo aan la xaqirin miisaanka beesha ay ku leedahay deegaanka, isla markaana dowladda KMG ah ka codsaday in guddi darsa cabashadooda loo soo diro degmada.

Bayaankkooda ayaa waxa ay kaga cudurdaarteen in cabashadooda aan loo qaadan in beesha Hawiye ay ka soo horjeedo siyaasadda iyo hadafka dowladda KMG ah balse wax laga qabto cabashadooda.

Bayaanka ay soo saareen odayaasha Beelaha Hawiye waxaa ku saxiixnaa Cabdulle Max'uud Max'ed Cabdulle Jiis, Abuukar Warsame Faarax, C/laahi Cali Max'uud Turcaaye, Cali Xasan Jaamac (Cali Jiis), Shariif Barre Max'ed iyo Cali Sheekh Ibraahim.


Click here to find shabelle news in English

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”