BREAKING NEWS Guddoomiyaha guddiga Hawiye oo lagala baxay
Posted: Wed Jun 06, 2007 4:55 am
Guddoomiyaha guddiga Odayaasha Hawiye oo lagala baxay gurigiisa.
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 06, June.07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyaha guddiga odayaasha beelaha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii gurigiisa ay kala baxeen ciidamo ka tirsan dowladda oo watay gaari Tiniko ah sida laga soo xigtey afhayeenka Beelaha Hawiye.
Nabadoon Xaaji Cabdi Iimaan ayaan la ogeyn halka ay u kaxeysteen ciidamadanm waxaana arintaan shabelle u xaqiijiyay Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka beelaha Hawiye.
Axmed Diiriye waxa uu intaasi ku daray in xiriiro ay la sameeyeen guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Max'ed Dheere, ayna wax ka weydiiyeen arintaan, waxaana Max'ed Dheere uu sheegay in aanu waxba ka ogeyn arintaasi.
Diiriye waxa uu intaasi ku daray in ururada bulshada rayidka ah ay u sheegeen in wada hadal ay yeeshaan maamulka gobolka Banadir iyo odayaasha beesha Hawiye, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan cid walba oo dooneysa nabadda Somalia.
Arimahaan oo idil ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli ciidamada Ethiopia iyo booliska dowladda KMG ah ay baaritaano ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.