Page 1 of 2

Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 9:39 am
by Karbaash_killa
http://mudugnet.com/Arimaha%20Bulshada/ ... esotta.htm

Madaxweynaha DG GalMudug State Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko oo si Weyn loogu soo dhaweeyay gobolka Minnesota.



MudugNet, Muqdisho. Khamiis, June 14, 2007.



Madaxweynaha DG GalMudug State Mudane, Prof.Max'ed Warsame Kiimiko iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaaray gobolka Minnesota,ayadoo Jaaliyada GalMudug State ee gobolka Minnesota ay si weyn usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo waftigiisa.



Waftiga uu hogaaminayay Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame Kiimiko ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada DG GalMudug Mudane Ahmed Dahir C/kariim Nuur. Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Qaasim Olaad, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gobolka Minnesota gaar ahaan magaalooyinka ee Minneapolis -Rochester- St.Paul-Awatana- halkaasoo ay ku badan yihiin Jaaliyada kasoo jeeda DG GalMudug State.



Xaflad si Weyn loosoo agaasimay ayaa ka dhacay Caasimada gobolka Minnesota ee St.Paul.hoolka shirka ayaa si weyn loosoo buuxiyay, ayadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha Bulshada Ururada Dhalinyarada, Haweenka, Waxgaradka,Culumaa'udiinka, iyo ergooyin ka kala yimid qaarada Yurub iyo Canada. Jaaliyada DG GalMudug State ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa soo dhaweyn iyo Taageero u Muujiyay Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame Kiimiko Sida Diinteena iyo Cadadeenu tahay waxaa aayada Quraan ah iyo Wacdi ka jeediyay Sheekh Caafi Munaasabii soo dhaweynta Madaxweynaha DG GalMudug Prof.Max'ed Warsame Cali Kiiniko.



Ugu horayntii Waxaa shirka Furay soona dhaweeyay Madaxweynaha iyo Waftigiisa Madaxa Jaaliyada Minneapolis Mudane Max'ed Ahmed Urur asagoo oga mahad celiyay Madaxweyna iyo Waftigiisa booqashada ay ugu yimaadeen gobolka Minnesota.



Waxaa isna ku hadlay Magaca Jaaliyada Rochester-Minnesota Dr. Cabdirahman Haji Ereg oo soo dhaweyn iyo amaanba u jeediyay Waftiga iyo Madaxweynaha Pro.Max'ed Warsame Kiimiko, Dr Ereg ayaa Gabayo iyo Suugaan Wacyigalin ah kusoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Waftigiisa.



Sidoo kale waxaa Iyana Baraanbur iyo erayo qiima badan kusoo dhaweysay Madaxweynaha iyo Wafigiisa Maryan Warsame Cawale oo Salaan u dirtay dadka >GalMudug State iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ilaahayna oga barisay in Alle ka saaro cadowga haysta,Gaajada iyo Colaada dhexdooda ah.



Lama soo koobi karo dadkii halkaasi ka hadlay oo ayfarxad iyo qiiro badani ka muuqatay dadweynihii kasoo qayb galay soo dhaweynta Madaxweynaha D.G. GalMudug State Prof.Max'ed Warsame Cali Kiimiko.



Waxgaradkii ka hadlay munaasabada waxaa kamid ahaa Mudane,Haji Maxamuud Cabdi, Col. Hassan Max'ed (hasan kornayl) Marwo Drs. Casha Cabdi Hassan. Mudane Sheekh Bille Ahmeddahir Hassan, Mudane Cabdirashiid Cagaweyne.



Xafladii ayaa Microfonka waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Waftigiisa Wasiirkiisa Howlaha Guud iyo Guriyaynta DG GalMudug State Mudane Hassan Maxamuud Hayl oo dagan gobolka Minnesota. Madaxweynaha DG GalMudug State ayaa ku bilaabay qudbadisii Tacsi uu diray dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Mudane-Marxuum Aadan C/lle Cismaan.



Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko ayaa Mahad balaaran u celiyay Jaaliyada gobolka Minnesota sida hagar la'aanta leh ee ay usoo dhaweeyeen, Madaxweynaha ayaa ku amaanay jaaliyada gobolka Minnesota kuwa u taagan mar walba siday garab u siin lahaayeen deegaankooda iyo dadkooda, hadana looga baahanyahay taageero tii hore badan.

Madaxweyne Prof. Kiimiko ayaa ka codsaday dadka u dhashay DG GalMudug State meelkasta oo ay joogaanba inay wax u qabtaan deegaankooda, si wax looga qabto baahida xaga Waxbarashada, Caafimaadka,Amniga,iyo Hurumarinta GalMudug State. madaxweynaha ayaa Macrofoonka ku wareejiyay kana codsaday Wasiirkiisa Maaliyada Mudane, Axmeddahir C/kariin Nuur inuu aqriyo AXDIGA (DG) GalMidug State.



Axdiga oo ka koobnaa 14 qodob ayuu aqriyay Wasiirka Maaliyada Mudane Ahmeddahir C/kariin Nuur ayadoo dadweynihii dhagaysanayay ay qodob qodob ugu sacbinayeen, dadweynihii halkaasi isugu yimi ayaa waxaa ka muuqatay inay aad ugu qanceen AXDIGA (DG) GalMudug State.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Qaasim Colaad Dhicisow oo isna ka hadlay taabagalinta Maamulka iyo horumarinta deegaanka GaMudug State.



Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa ku dhamaatay Jawi qaboow iyo is afgarab, waxaana gabagadii halkaasi aayado quraan ah iyo Wacdi ku xiray Sheekh Maxamuud sheekh (Jaysani).

C/aziz Xogolof
xogolaf@yahoo.com
Minneapolis, MN

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 9:48 am
by AbdiWahab252
Karbaash,

I see a lot of former Makhamaad folks there Laughing

Things are going good for the Our Esteemed Leader.

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 9:56 am
by Karbaash_killa
sxb its good... You can support anything you want.... its a diverse movement!

At least they all have one thing in common ... that is .. passion and hunger to help prosper their land and people!

GM State isnt an oxymoron to Maxaakim... so its just a matter of realizing one is for you and your people and one is for the greater good of a nation!

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:03 am
by Karbaash_killa
Besides do you know anyone from the pics?

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:04 am
by Hiiraan boy
1 on the right is cute

http://mudugnet.com/Arimaha%20Bulshada/ ... ure583.jpg

do u know her??

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:09 am
by AbdiWahab252
KK,

Yeah, I know some of those characters.

HiiraanBoy,

U should see her younger sister Cool

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:09 am
by Karbaash_killa
abti hiiraan im hunting my self.. whe need to find more reer Minnisota in here.. AW probably knows some in there..

AW how familiar are you with reer MN that place deserves my visit!.... Ismahan is reer Mn too soo mahan ????

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:26 am
by AbdiWahab252
Karbaash,

You will enjoy that place. There are tons of Sacad folks there.

They got the President a limo, security, and gave him the Presidential treatment.


What are you hunting ???

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:32 am
by guhad122
The GalMudug people have neglected their people and regions. While the Dhabayaco have been working hard to better their land and people, you guys have been busy fighting. This is a good step to the right direction in doing needed services for the people.

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:32 am
by Fale
The hall is too small for them and They're over too crowded ...


Why can't they book in a little bit of bigger room.?



somalia somalia

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:37 am
by galia
OMG sacads have started copying somalland and puntland, come on people thats not sacad style.

We wait while others build than after we just take, now thats sacad style.

Why is it that only somalis that live in minnesota, seem to be doing alot of things?

Us london somalis need to catch up

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:45 am
by AbdiWahab252
galia,

U are not Sacad.

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:48 am
by galia
Abdiwahab i take that as a compliment, thank u.

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 10:54 am
by Karbaash_killa
Fale.. maybe more then expected turned up .. you somalis and organising skillz

Re: Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha GalMudug

Posted: Fri Jun 15, 2007 11:08 am
by SummerRain
Mash'allah. Damn, I think I can name atleast over 25 people in those pic. I see my family too including my ayeeyo. Laughing

I heard he had so many martiqaads it was crazy, and when he went to Karmel Mall, it was like President Clinton was in the house.