Page 1 of 1

BREAKING NEWS CLANWAR IN KISMAAYO

Posted: Fri Jun 22, 2007 5:23 am
by Hiiraan boy
Dagaalo qaraar oo ka socda haatan duleedka magaalada Kismaayo

Click here to find shabelle news in English

Mogadishu 22, June.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo qaraar ayaa ka bilowday goordhaweyd tuulada Buulo Gaduud ee duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo, dagaaladaasi oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ka soo kala jeeda beelaha Sade iyo Puntland.

Dagaalkaan oo bilowday daqiiqado ka hor ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo ah mid aad u qaraar.

Tuulada Buulo Gaduud oo dagaalka uu ka qarxay saakay ayaa waxa ay fariisin u aheyd ciidamo horey looga soo saaray magaalada Kismaayo 23 kii Aprill oo uu hogaaminayo Col. C/risaaq Afgaduud oo ay isku heyb yihiin Madaxweynaha dowladda KMG ah.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya sida la sheegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo ay ku loolamayaan labadani maleeshiyo beeleed oo ka wada tirsan guutooyinka koowaad iyo 3aad ee ciidamada dowladda.

Xalay ayay aheyd markii iska horimaad daqiiqado socday uu labadani maleeshiyo ku dhex maray xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, iyadoo kooxihii maleeshiyada ahaa ee halkaasi soo galay laga saaray, waxaana saakay dagaalka uu ku fidey tuulada Buulo Gaduud.

Xiisadda dagaal ee ka jirta Tuulada Buulo Gaduud ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo oo ay ka soconayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaaan ciidamada guutada 3aad ee ka arimiya magaalada Kismaayo.

Tuulada Buulo Gaduud ee dagaalka uu ka qarxay ayaa u jirta magaalada Kismaayo masaafo dhan 12 KM.

Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net

Click here to find shabelle news in English

Shabelle Media Network Somalia