Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Xuubsireed oo Xaalad Kooma ah
Posted: Sun Jun 24, 2007 5:56 am
Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Xuubsireed oo Xaalad Kooma ah ku jira.
Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Xaalada Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Xuubsireed ay u liidato.
Wararka ayaa sheegaya in Xuseen Xuubsireed uu Xaalad Kooma ah ku jiro, iyadoo lagu dabiibayo Cusbitaal ku yaal Magalaada Nairobi.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa kooxo ku hubeysan Bistoolado ku weeraray Xuseen Xuubsireed oo watay gaari Agagaarka Isgoyska H/wadaag, xilligaa iyo wixii ka dambeeyayna Xaaladiisa wey sii xumaaneysay.
Ilo Wareedyo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Afhayeenka ay ku xiran yihiin Mishiinada Neefta soo celiya, ayna xaaladiisa iska liidato.
Dhaqaatiirta AMISOM ayaa hore uga deyriyay Xaaladiisa, iyagoo sheegay in halkan waxba aan looga qaban karin, iyadoo xilligaana dhaawaciisa loo duuliyay Magaalada Nairobi.