BREAKING NEWS Qaraxyo iyo iska horimaadyo ka soconaya qeybo
Posted: Sun Jun 24, 2007 12:06 pm
Qaraxyo iyo iska horimaadyo ka soconaya qeybo ka mid ah Muqdisho
Click here to find this article in English
Mogadishu 24, June.07 ( Sh.M.Network) Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacaya habeenkii 3aad magaalada Muqdisho oo bandow uu saaran yahay, iyadoo sidoo kale iska horimaad hubeysan uu ka dhacay fiidnimadii caawa nawaaxiga isgoyska Bakaaraha ee caasimadda Somalia.
Ilaa 4 qarax ayaa laga maqlay nawaaxiga isgoyska Bakaaraha, iyadoo qaraxyada ka dibna ay xigsadeen iska horimad la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Qaraxyadaan la maqlay ayaa waxa ay ahaayeen gantaalaha garbaha laga rido iyo bam-gacmeedyo oo dhinacyada dagaalamaya ay adeegsadeen sida ay sheegeen dadka deegaanka oo teleefoon shabelle kula soo xiriirey.
Iska horimaadkaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxo aan la garaneyn ayaa waxa uu bilowday abaarihii 7:00 Pm oo ah xilliga bandowga Muqdisho saaran uu bilaabanayay, waxaana uu socday muddo 15 daqiiqo ah
Lama oga wali qasaaraha ka dhashay qaracyada la maqlay iyo iska horimaakaan, iyadoo wixii ku soo kordha aad ku maqli doontaan wararkeena dambe.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli habeenkiio 3aad Bandoow ay tahay magaalada Muqdisho oo aanu jirin wax isku socod ah wixii ka dambeey 7:00 Pm ilaa 5:00 Am subaxnimo
Wixii faahfaahin ah haka dheeraan shabelle.net iyo wixii kale ee ku soo kordha xaaladda Muqdisho.

Shabelle Media Network Somalia