Rabshado ka dhacey Garowe
25 Jun 25, 2007 - 12:38:34 AM
Waxaa xaley magaalada Garowe isku herdiyay labo kooxood oo dhalinyaro ah kuwas shacabka magaalada u yaqaan Ciyaal Faay Cali.
Kooxdaan labada ah ayaa markoodii hore dagaalmayay balse markii dambe fooda saarey ciidamada amaanka kadib markii ay xawileen in ay kala dhexgalan si ay amaankana dib ugu soo celiyaan.
Dhalinyardaan oo ku hubeysanaa Ulo, Mindiyo iyo Bistolado ayaa ka awood ronaadey ciidamada Boliiska degmada Garowe.
Ciidamada Booliiska Garowe ayaa waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale iyo qalab waxaana ka awood badan ciidamada gaarka ah ee Madaxda DGPL kuwaas oo aan soo faraglain karin shaqaaqooyinka ka dhaca degaanada Puntland.
Dhinaca kale Garowe ayaa maanta waxaa ka dhacey Isra-saaseyn dhexmartey labo kooxod oo isku haysta dhul, halkaas oo ay dhawacyo ka soo gaareen sadex qof.
Dhawacyadaan ayaa mid kamid ah aad u culus yahay.
Ciidamada Boliiska Garowe oo u gurmadey goobta aya ku guldareystey in ay gacanta ku soo dhigaan koxahaan is xabadeeyay kadib markii ay rasaas ooda kaga qaadeen.
DGPL ayaa gabtey wax ka qabashada amaanka isla markaana aan awoodi karin in ay soo qabato qofkii dil iyo dhac gaysta.
Garowe Online,Garowe
